13/02/2024
8 bishaaro oo uu helayo qofkii Salaadda subax ku tukada jamaca
1. Salaadda subax malaa,igta ayaa soo xaadirta warbixinna u gudbisa ilaahay, Rasuulku SCW wuxuu yidhi malaa,igta ayaa soo xaadirta isbadashana salaadda casar iyo salaadda subax, Allah ayaa waydiinaya ka warama addoomadaydii waxayna dhahayaan iyagoo tukanaya ayaan ka nimid iyagoo tukanayana waan u tagnay
2. Bishaaro inaad jannada galayso, Rasuulku SCW wuxuu yidhi qofkii tukada labada qaboobe( casarka iyo subaxa) janadda ayuu galay
3. Qofkii salaadda subax jamaca ku tukada waxaa loo qorayaa ajarka qof habeenkii oo dhan salaatu layl u taagnaa. (Rasuulka SCW)
4. Qofkii Salaadda Subax jamaca ku tukada kadibna meeshii uu ku tukaday sii fadhiya illaa inta qorraxdu kasoo baxayso kadibna tukada labo rakcadood wuxuu la midyahay qof la yimid xaj iyo cumro dhamaystiran. (Rasuulka SCW)
5. Qofkii tukada salaadda subax maganta Allah ayuu ku jiraa. ( Rasuulka SCW)
6. Qofkii Salaadda subax jamaca ku tukada wuxuu ka nabadgalayaa munaafaqnimo ( Rasuulka SCW).
7. Qofkii salaadda subax tukaday malaa,igta ayaa u ducaynaysa inta uu fadhiyo meeshii uu ku tukaday qofku ( Rasulka SCW)
8. Qofkii Salaadda Subax tukaday wuxuu arkidoonaa Allah maalinta qiyaame ( Rasuulka SCW)
Waa Salaadda kali ah ee addinkeeda lagu daray ''Salaadda ayaa ka khayr badan hurdada''.
badanaa inta ay salaadda subax jamaceedu ku dhaafeen hurdo. Qofkii salaadda subax jamac ku tukaday wuu ku farxidoonaa bishaarooyinkan. Allaha noo fududeeyo khayrka.
Mohamed Farah Faluk.
Sii Faafi Walaal Haduu kuso Gaaro .
Khayrkaa ugu Fiican Wax La Faafiyee.