SDN Somali Daily News Is an Independent
Somali-owned online news portal based in the
Somali regional state in Ethiopia.

Our primary
and secondary aims are delivering UpToDate
and reliable news stories about the region and
the country to your news feed.

 , — Xaaladda magaalada Diredhaba maanta waxay u muuqataa mid si gaar ah u khusayso hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan ...
07/11/2025

, — Xaaladda magaalada Diredhaba maanta waxay u muuqataa mid si gaar ah u khusayso hoggaanka sare ee dalka, gaar ahaan Mudane Aadan Farax, oo ah Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo isla markaana haya xilka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya.

Mudane Aadan Farax ayaa loo arkaa inuu yahay shaqsiga ugu saameynta badan ee difaaca iyo xasilloonida Diredhaba ay hadda si toos ah ugu xidhan tahay. Iyada oo xaalado amni iyo siyaasadeed oo cusub ay soo kordheen, waxaa la filayaa in hoggaankiisu uu door muuqda ka ciyaaro dejinta xaaladda iyo ilaalinta midnimada bulshada deegaanka.

Maxay kula tahay ?

07/11/2025

Abuu Bakar Al-Siddiiq (RC) wuxuu ka mid ahaa saxaabadii ugu runta iyo daacadnimada badnaa, uguna dhowaa qalbiga Nebiga ﷺ.
Wuxuu caan ku ahaa run sheegid, cibaado badan, iyo rabitaan xooggan oo uu Alle ku farxiyo camalkiisa.
Wuxuu ahaa tusaale kaga dayasho mudan .. sida runta, khushuuca iyo daacadnimada loo isku daro.

Markii Nebigu ﷺ geeriyooday, Abuu Bakar (RC) wuxuu qabtay khilaafada Muslimiinta, isaga oo garbihiisa saaray mas’uuliyad weyn oo ah hoggaaminta ummadda Muxammad ﷺ.

Laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay ee khaliifnimadiisa, wuxuu muujiyay dareen iyo masuuliyad weyn oo uu u qabo wanaagga ummadda iyo ilaalinta sunnada Nebiga ﷺ, isagoo si buuxda uga warqaba culayska ammaanada loo dhiibay.

Abuu Bakar (RC) wuxuu si joogto ah u oogi jiray salaadda habeenkii (Tahajjud), isaga oo ooyaya, Alle ka baryaya inuu ku garab galo xilkaas culus, kuna hanuuniyo dariiqa saxda ah ee hogaaminta ummadda.

Markuu akhriyo aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee ku saabsan abaalgudka iyo ciqaabta, qalbigiisu wuu khushuuci jiray, iimaankiisuna wuu kordhi jiray, rabitaankiisuna wuu sii xoogeysan jiray inuu Alle adeeco.

Noloshiisa maalinlaha ah iyo intii uu ummadda hoggaaminayey, wuxuu ahaa mid muujiya daacadnimo iyo niyad suubban, oo Ilaahay keliya lagu xuso.
Wuxuu mar walba la taagnaa xaqa, isagoo ku dadaalaya fulinta amarrada Alle iyo Rasuulkiisa ﷺ.
Wuxuu ahaa tusaale run sheegga ah oo la aamini karo.

Sidaas ayuu ahaa Abuu Bakar Al-Siddiiq Alle ha ka raalli noqdee qalbigiisu wuxuu ku xirnaa Aakhiro, hoggaamintiisuna waxay ku dhisnayd daacadnimo, khushuuc iyo caddaalad.

Noloshiisa waxaa laga baran karaa dulqaadka mas’uuliyadda, is-hoosaysiinta qalbiga, iyo u hilowga adeecidda Alle.

Ilaahayow, u naxariiso Abuu Bakar (RC) iyo dhammaan saxaabada. ❤️🤲
Ilaahayow, nagula kulmi Jannatul Firdaws isaga iyo Nabigeenna Muxammad ﷺ, aniga iyo qof kasta oo tiraahda Aamiin. 🤲

Aqyaarta, sidee u aragtaan taariikh nololeedkii Abuu Bakar (RC)?
Maxaynu kale oo aan baran karnaa noloshiisa iyo hoggaamintiisa?

07/11/2025

Hadaad kamid tahay dadka caafimaad kusoo kacay saakey , salaada subax Tukaday Alxamdulilah dheh.

06/11/2025

اللهم صل وسلم وبارك على سيدنا محمد

06/11/2025

Geelu xoolu kuma jiro....seemore

Waxay tii xaqa ahayd ku timid Ahmed Bashir Mahamed(Axed Bashir Buurane), oo kamid dhalinyarada ree Jigjiga ee foolladka ...
06/11/2025

Waxay tii xaqa ahayd ku timid Ahmed Bashir Mahamed(Axed Bashir Buurane), oo kamid dhalinyarada ree Jigjiga ee foolladka ahaa. Shaqi dabeecad wannaagsan oo ay dhalinyaro badan wannaag u hayaan ayuu ahaa.
Noole kasta wuu dhimannayaa. Alle ha u naxariisto walaalken, marna ahaa saaxib aan aqoon dheer isku lahayn.

06/11/2025

7 danbi ee dadka halaaga iska ilaaliya.....seemore

Zohran Mamdani, wuxuu noqday maayirkii ugu horreeyey ee Muslim ah, ugu da' yaraa, uguna dhawaangalsanaa dalka Maraykanka...
06/11/2025

Zohran Mamdani, wuxuu noqday maayirkii ugu horreeyey ee Muslim ah, ugu da' yaraa, uguna dhawaangalsanaa dalka Maraykanka. Sannad ka hor, markii uu Zohran u istaagay ololaha doorashada waxay taageeradiisu ahayd 1%. Lama aqoon, wuxuu ahaa 34-jir ka soo haajiray Uganda, oo dhalashada Maraykanka qaatay sannaddii 2018. Waxa intaa dheeraa, in uusan h**e xil u soo qaban, xoolana u haysan. Waxa si mayal adag u diiddanaa hantiilayaasha ugu lacagta badan adduunka ee New York deggen, warbaahinta, loobbiga Yuhuudda, madaxweyne Trump iyo guurtida ay ka go'do talada Xisbiga Jamhuuriga iyo kan Dimuqraaddiga intaba.

Jeebkiisu wuu marnaa, mana uusan haysan deeqbixiyayaal waaweyn oo garab istaaga. Waxa la iswayddiin karaa sidee ayuu kaga tallaabsaday dhammaan caqabadahaas, kuna jiiray xoogaggii waaweynaa ee isku dayey in ay hor istaagaan? Haddii aan furfurno wayddiintan waxaan oran karnaa: ka go'naansho han iyo ka miradhalin hadaf, taas oo lagu kabay iimaan iyo kalsooni sugan. Ma uusan qarsan Islaannimadiisa iyo aydhiyoolojiyaddiisa sooshalista ah, sida oo kalana lama uusan gabban mawqifkiisa ku aaddan dagaalka Qasa ee Falsatiin.

Tani waxay caddayn u tahay in dad abaabulan ay ka awood badan yihiin dhaqaale iyo awood kasta oo jirta. Wuxuu jebiyey derbi ku gudbanaa dad badan oo han leh. Laakiin ka baqa awoodaha ay haystaan maalqabeennada, warbaahinta iyo guurtida xisbiyada siyaasadda. Waxay kale oo caddayn u tahay in Maraykanka uu yahay dhulkii fursadaha, oo adiga oo dhawaangal ah, waxna haysan, horana xil muuqda u soo qaban aad xukumi karto magaalo miisaaniyaddeedu tahay $115Bilyan iyo 300,000 oo shaqaale ah.

Waxaa qorey: Cabdiraxman Cabdishakur Warsame

Ilkacase Qays oo ka hadlay sababta uusan u taageerin Omar: “Waan baryay, waa ina adeerkey, waa Soomaali”Fanaanka caanka ...
06/11/2025

Ilkacase Qays oo ka hadlay sababta uusan u taageerin Omar: “Waan baryay, waa ina adeerkey, waa Soomaali”

Fanaanka caanka ah Ilkacase Qays ayaa ka hadlay sababta uu mar uu jiray uusan u taageerin Omar, isagoo arrintaas u sabab sheegay dhacdo ku saabsan doorasho ay ku tartantay gabadh adeerkiis dhalay, oo lagu magacaabo Yusra Axmed Nuur Carab.

Ilkacase ayaa sheegay in xilligaas ay socotay doorasho codbixin ah oo ay Yusra ka qeybgalaysay, isla markaana uu baryay in la taageero maadaama ay tahay qof Soomaaliyeed iyo xubin qoyska ka tirsan.

> “Gabadh adeerkay dhalay oo la yiraahdo Yusra Axmed Nuur Carab ayaa xiligaas la tartamaysay. Laga coddeeyay, codadkuna aad bay isugu dhowaayeen.

Waxaan xasuustaa inaan laba saac baryayay — waligay qof bini’aadam ah sidan uma baryin. Waxaan ku idhi: ‘Waa ina adeertaa, waa Soomaali.’

Laakiin isagu wuxuu igu yiri: ‘Dadkii i taageeray iyada ma taageersana.’

Maanta waxaan leeyahay, salaam Yusra,” ayuu yiri Ilkacase Qays.

Sida lagu arkay jaantuska natiijada doorashadaas, Yusra Axmed Nuur Carab ayaa laga guuleystay farqi aad u yar — 19 cod oo keliya ayaa u dhaxeeyay labada musharax.

06/11/2025

Sheekh Xaliike

06/11/2025

TDF iyo Ciidanka Abiy oo Dagaal Ku Dhexmaray Tigray

Wararka ka imanaya Tigray ayaa sheegaya in xoogagga Tigray Defence Forces (TDF) ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay lahaayeen ciidamada federaalka iyo koox uu hoggaamiyo Getachew Reda, madaxii h**e ee maamulka Tigray.

Maamulka Canfarta ayaa sheegay in TDF ay qabsadeen dhowr tuulo oo ku yaalla xadka labada gobol, halkaasna ay ku dileen dad rayid ah iyo askar.

Getachew Reda, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in weerarka TPLF uu jebiyay heshiiskii nabadda ee Pretoria ee u dhexeeyay dowladda Abiy iyo TPLF.

Weerarkan ayaa sii hurinaya xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Address

Jigjiga

Opening Hours

Monday 09:00 - 00:00
Tuesday 09:00 - 00:00
Wednesday 09:00 - 00:00
Thursday 09:00 - 00:00
Friday 09:00 - 00:00
Saturday 09:00 - 00:00
Sunday 09:00 - 00:00

Telephone

+252637440267

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SDN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SDN:

Share