Mohamed Darwish

Mohamed Darwish 📺

15/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Xamse Cabdi Barre ayaa maanta laga sagootiyay gagida diyaaradaha ee Laascaanood

WAR MURTIYEEDKA WADA JIR AH OO AY SOO SAAREEN XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA IYO SSC KHAATUMO
15/04/2025

WAR MURTIYEEDKA WADA JIR AH OO AY SOO SAAREEN XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA IYO SSC KHAATUMO

Ra’iisul Wasaaraha XFS Hamze Cabdi Barre ayaa si diiran oo meeqaamkeedu aad u sareeyo loogu soo dhaweeyay Magaalada Laas...
12/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS Hamze Cabdi Barre ayaa si diiran oo meeqaamkeedu aad u sareeyo loogu soo dhaweeyay Magaalada Laascaanood.

DEG DEGRa’iisul Wasaaraha XFS Hamza Abdi Barre ayaa hada ka dagay Magaalada Laascaanood
12/04/2025

DEG DEG

Ra’iisul Wasaaraha XFS Hamza Abdi Barre ayaa hada ka dagay Magaalada Laascaanood

12/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa hada kasoo duulay Garoonka Aadan Cadde wuxuuna daqiiqado kadib ka dagi doonaa Maagalada Laascaanood

Wafdi sare oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Md Xamse Cabdi Barre ayaa daqiiqado kadib soo gaadhi doona Magaalada...
11/04/2025

Wafdi sare oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Md Xamse Cabdi Barre ayaa daqiiqado kadib soo gaadhi doona Magaalada Laascaanood ee caasimada Maamulka SSC-Khaatumo.

Qayb kamid ah ilaalada gaarka ah ee Xafiiska RW ayaa hada ka dagay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lataliyihiisa arimaha Bariga Africa u magacaabay Getachaw K Reda oo maalmo k...
11/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lataliyihiisa arimaha Bariga Africa u magacaabay Getachaw K Reda oo maalmo ka hor laga qaaday Madaxweynenimada Deegaanka Tigray.

Taariikh nololeedkii S/GuutoAxmed Suleyman  Cabdalla "Dafle"S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burc...
10/04/2025

Taariikh nololeedkii S/Guuto
Axmed Suleyman Cabdalla "Dafle"

S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937dii.

Hooyadiis Arda Xussein isaga oo 13 jir ayay geeriyootay, aabihiisna wuxuu geeriyooday sanadkii 1974tii

Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaallay magaalada Burco, sanadkii 1949kiina wuxuu dugsi waxbarasho ka galay magaalada Hargeysa.

Sida ku qoran buugga Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaanka ee soo baxay bishii Oktoobar sanadkii 1977dii Axmed Suleymaan Dafle wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee xisbigii SYL xafiis ay leedahay ka fura magaalada Hargeysa sanadkii 1944tii. Axmed Suleyman Dafle wuxuu ka qeyb galay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday wareejintii dhulka Soomaalida ee Reserve Area lagu wareejiyay dalka Ethiopia ee dhacay 1954tii.

Sanadkii 1955tii wuxuu Axmed Suleymaan Dafle wuxuu dhammeystau waxbarashadii dugsiga Sheikh, wuxuuna ka mid noqday arday dhowr ah oo la siiyay waxbarasho Machadka Farsamada ee Cadan. Axmed Suleymaan Dafle waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii wax ka hirgelisay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Naasariya ee dalka Masar oo ahaa kacaan ay ka shidaal qaataan ummado badan.

Axmed Suleymaan Dafle wuxuu dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 1958dii, wuxuuna macallin ka noqday dugsiga dhexe ee magaalada Camuud. Sanadkii 1959kii waxaa waxbarasho dhinaca militeriga loogu diray “Royal Military Academy” ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu tacliinta sare ee ciidamada lugta ku baranayay muddo 3 sanadood ah.

Wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 1962dii isaga oo 1 xiddigle ah, wuxuuna tababare ka noqday dugsigii saraakiisha ee magaalada Muqdisho. Sanadkii 1963dii ayaa loo dallacsiiyay derajada 2 xiddigle wuxuuna taliye ku xigeen ka noqday urur magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkii ay Ethiopia ku soo qaadday dalka Soomaaliya sanadkii 1964tii wuxuu ciidamo ay hoggaaminayeen dagaal ka galeen magaalada Feerfeer, dagaalkaas oo lagu guddoonsiiyay bilad geesinimo.

Sanadkii 1965tii waxaa uu u dallacay derajada 3 xiddigle ama dhamme, waxaana loo magacaabay taliyihii ururka ee magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu dhammeystay tababar uu u galay qabashada taliyaha ururkaas.

1967dii Axmed Suleymaan Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa magaalada Seylac oo ku began waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.

Bishii September sanadkii 1967dii wuxuu madax ka noqday xafiiskii wardoonka ee ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu waqtigaas ahaa taliyaha xoghayaha taliyihii ciidankii Xoogga dalka ee Max’ed Siyaad Barre.

Axmed Suleymaan Dafle 1968dii wuxuu u dallacay derajada Gaashaanle, sanadkii xigay ee 1969kii wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee talada dalka kula wareegay Kacaan aan dhiig ku daadan.

Sanadihii 1970kii -1971dii Axmed Suleymaan Dafle waxaa uu 2 jeer loo dallacsiyyay derajooyinka G/Dhexe & G/Sare

8dii bishii January sanadkii 1971dii Axmed Suleymaan Dafle wuxuu noqday taliyihii ciidankii nabadsugidda Qaranka, ka dib markii la isu geeyay labadii xafiis ee la oran jiray;-

1. Special Branch

2. Wardoonkii sirta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Axmed Suleymaan Dafle intii uu taliyaha ka ahaa ciidamadii Nabadsugidda Qaranka waxaa uu ku guuleystay shirqoolladii & mu’aamaraadkii marar badan imbiriyaaliyadda la doonayeen in ay ku kufiyaan Kacaankii 21kii Okroobar.

Sanadkii 1974tii wuxuu xubin ka noqday guddigii Golaha Sare ee Kacaanka isla markaana u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.

1976dii ka dib markii la dhisay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo dallacsiiyay derajada S/Guuto, isla markaana ah taliyihii ciidankii Nabadsugidda Qaranka.

Allah ha u naxariisto caawa ayuu geeriyooday!

06/04/2025

18 sano ka hor saaxiibkiis oo abaal u galay ayuu u guduy. Gobonimo ❤️🫡

Taliyihii Guutada 14ka October ee CXD G/le sare Nuur Farey Gaabow ayaa la dilay.
05/04/2025

Taliyihii Guutada 14ka October ee CXD G/le sare Nuur Farey Gaabow ayaa la dilay.

12/03/2025

Islaamka iyo Sirdoonka| Fahad Yasin |

Maxamuud Cali Yusuf ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho adag oo goordhow ku soo...
15/02/2025

Maxamuud Cali Yusuf ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, kaddib doorasho adag oo goordhow ku soo gabagabowday Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

33 cod ee looga baahnaa ayuu xaqiijiyay wareeggii todobaad, kaddib markii uu ka adkaatay Raila Odinga oo ku haray wareeggii 6aad.

Hambalyo Jabuuti.

WAR DEGDEG AH.Magacaabista Wasiirada cusub ee la ansixiyay.Wasiirka Xafiiska Biyaha Axmed Miraad.Wasiirka Xafiiska Hawla...
15/02/2025

WAR DEGDEG AH.

Magacaabista Wasiirada cusub ee la ansixiyay.

Wasiirka Xafiiska Biyaha Axmed Miraad.

Wasiirka Xafiiska Hawlaha Guud Axmed shugri.

Wasiirka Xafiiska Qorsheynta Faaruuq Warfaa.

Hogaanka Nabadgeliyada Cabdiqaadir Rashid.

Wasiirka Xafiiska Maaliyada Dayib Ahmed.

Wasiirka Xafiiska Xoolaha Cabduqaadir Iimaan.

Wasiirka Xafiiska Cadaalada Axmed naaji.

Wasiirka Xafiiska Beeraha Cabdulaahi Muuse.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada Maxamed Sheekh.

Wasiirka Xafiiska Arrimaha bulshada Qabdiid Cabdi Cumar.

Wasiirka Xafiiska Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cali Kunaay.

Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Maxamed Daahir.

DEG DEG:Injineer Axmed Miraad Layli ayaa loo magacaabay, Wasiirka Xafiiska Biyaha DDSWasiirka cusub ayaa kasoo jeeda Mag...
10/02/2025

DEG DEG:
Injineer Axmed Miraad Layli ayaa loo magacaabay, Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS

Wasiirka cusub ayaa kasoo jeeda Magaalada Godey.

Wasiirkii Xafiiska Waxbarashada DDS C/laahi Cabdi Aadan (Laag) ayaa bartiisa Facebook ku sheegay inuu iscasilay.
10/02/2025

Wasiirkii Xafiiska Waxbarashada DDS C/laahi Cabdi Aadan (Laag) ayaa bartiisa Facebook ku sheegay inuu iscasilay.

C/raxmaan Axmed Xasan ( Cabdi Hurre) ayaa loo magacaabay madaxa arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda ee xarunta dhex...
10/02/2025

C/raxmaan Axmed Xasan ( Cabdi Hurre) ayaa loo magacaabay madaxa arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda ee xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo laantiisa Dawlad Deegaanka Somalida.

Source: SRTV Somali

"Qalalaase kasta oo dhacaa inshaar uma aha burbur nidaam oo halis ka imanayso. Qaar ayaa ka turjumaya burbur fikro wakht...
01/01/2025

"Qalalaase kasta oo dhacaa inshaar uma aha burbur nidaam oo halis ka imanayso. Qaar ayaa ka turjumaya burbur fikro wakhtigoodii dhacay oo sii galgalanaya, aakhirkana fagaaraha u banayn doona fikir iyo nidaam cusub oo dhalanaya. Dabaylaha rogmanaya iyo colaadaha dariskuna waxay qayb ka yihiin kala guurkaas dariska ka jira, oo afka qalaad lagu yidhaa INTERREGNUM (fikir dhintay balse wali aan la aasin iyo mid cusub oo soo foolanaya balse wali aan dhalan)".

Mustafa Muhumed Omer, Madaxweynaha DDS.

31/12/2024

Madaxweynaha DDS Mustafa Omer ayaa ka hadlay xaalada tuulada Dacawaley.

"Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan ururo wali la dagaalamaya qalfoofkii Siyaad Barre oo mar h**e geeriyooday ama 34 sano kahor xukunka ka tagay"

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Darwish posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Darwish:

Share