Abdikarim haji Ali

Abdikarim haji Ali Asc walalaheyga soomaaliyed meel walba ood joogtaan Waan idin salamaya kani waa page kayga rasmiga fb

* Naftaada Ka Adkaaw – waa Furaha  Horumarka iyo  Nolosha*Inaad naftaada ka adkaato waa guul ka horreysa guul kasta oo l...
27/11/2025

* Naftaada Ka Adkaaw –
waa Furaha Horumarka iyo Nolosha*

Inaad naftaada ka adkaato waa guul ka horreysa guul kasta oo la taaban karo. Naf walba waxay leedahay dhinacyo tabar darro, caajis, baqdin, iyo marmarsiiyo joogto ah — balse qofka nolosha wax ka beddela waa kan ogaada taas kadibna go’aansada in uu ku riixo naftiisa adkaysi, dulqaad iyo go’aan adag.

*Ka adkaanshaha nafsiyeed* micnaheedu waa inaad ka sarreyso caqabadaha maskaxdaada ku dhisan: sida cabsi aan sabab lahayn, fikir xumo joogto ah, iyo caajis kuu diida horumar. Marka aad naftaada maamusho, waxaad xakameysay/jihaysay noloshaada dhan.

*Waa maxay faa’iidada?*
- *Horumar shaqsiyeed:* Waxaad noqoneysaa qof go’aankiisa iska leh, leh yool cad iyo dadaal joogto ah.
- *Horumar bulsheed:* Qofka naftiisa xakameeya wuxuu bulshada u noqdaa tusaale wanaagsan, hormuud isbeddel.
- *Horumar deegaan:* Naf adkeysatay waxay door ka qaadataa ilaalinta deegaanka iyo isbeddelka wanaagga u roon.

*sidee u dhici kartaa?
1. La hadal naftaada si togan. (Fikir gaar ah)
2. Isku diyaari inaad la kulanto diidmo iyo daal.
3. Ku celceli waxyaabaha caqabadaha kugu ah si aad uga adkaato__.
4. Waligaa ha joojin – horumarku waa daahi karaa, laakiin marna ma istaago hadii aada joojin adigu-

*Gaba-gabo:*
Noloshu ma aha mid lagu helo raaxo degdeg ah, balse waa saf ay hogaaminayaan adkaysi, dulqaad iyo go’aan joogto ah. Marka aad naftaada ka adkaato, waxaad bilowday saf horumar leh oo faa’iido u leh adiga, bulshadaada iyo deegaanka aad ku nooshahay.

*Naftaada ma adkeysanaysaa mise way ku xukumaysaa? Go'aanka adigaa

27/11/2025
Dhibaatada firaaqada🙇‍♂️Dhibaatada firaaqada (waqti firaaqa oo badan) waa mid dadka si tartiib ah u saameysa haddii aan ...
27/11/2025

Dhibaatada firaaqada🙇‍♂️

Dhibaatada firaaqada (waqti firaaqa oo badan) waa mid dadka si tartiib ah u saameysa haddii aan si sax ah loo maareyn. Halkan waxaan ku so kobaya 10 qodob o kahadlaya firaqa dhibka ay ledahay Akhriso::::::

Dhibaatada Firaaqada – 10 Qodob

1. Maskax mashquul la’aantu waxay keenta fikir badan

Marka aad waqti badan fadhiid ahaato, maskaxdu waxay bilaabataa inay soo saarto fikir xun, welwel iyo murugo.

2. Daal iyo caajis

Firaaqo badan waxay dhalisaa caajis oo nolosha ka dhigta mid aan dhiirranayn.

3. Nidaam la’aan nolosha

Qofka aan jadwal lahayn waxa uu u noolaadaa si aan qorshe lahayn, taas oo keenta in meel gaaro ay adkaaneyso.

4. Walbahaar iyo murugo

Maskaxda oo aan hawl ku mashquulin waxay kordhisaa walwal iyo niyad-jab.

5. Aqoon la’aan iyo horumar la’aan

Marka waqtiga firaaqada aan loo adeegsan waxbarasho ama shaqo, ayaa qofku hal meel ku xayirmayaa.

6. Wakhti lumis

Dadka intooda badan firaaqada waxay ku lumiyaan telefoon, gaming, ama socod la’aan, halka waqtigaas wax qiimo leh la qaban lahaa.

7. Caadooyin xun oo soo baxa

Si ay u buuxiyaan waqtiga, dad badan waxay geli karaan caadooyin sida:
●siigo
●Hurdo badan
●Ciyaaro badan/o wakhti lumisa
●Sigaar / madadaalo xun

8. Saameyn ku yeelata kalsoonida

Qofka on waxba qaban wuxuu bilaabaa inuu is yaso oo is moodo inuusan waxba qaban karin.

9. Xiriirka bulshada oo daciifa

Fadhiidnimadu waxa ay ka dhigtaa qof kaligiis jecel inu mel goniya ubaxo ama kadhex baxa saaxiibadis iyo qaraabadisa.

10. Mustaqbalka oo mugdi noqda

Firaaqo badan oo aan qorshe lahayn waxay keentaa in qofka mustaqbalkiisa uusan si cad u arkin.

Maraynta wakhtiga⏲🕚⏳🕝 Halkan waxan kuguso koobay 👇 🔟 Talo oo kaa caawinaya maareynta waqtiga 1. Samee liis hawleed (To-D...
27/11/2025

Maraynta wakhtiga⏲🕚⏳🕝

Halkan waxan kuguso koobay 👇

🔟 Talo oo kaa caawinaya maareynta waqtiga

1. Samee liis hawleed (To-Do List)

Qor waxa aad maanta qabanayso, muhiimka u yeelo kuwa ugu degdegga badan.

2. Mudnaanta sii hawlaha

Ha isku dayin inaad wax walba mar qura qabato. Dooro 2–3 hawl oo muhiim ah, ku bilow kuwaas.

3. Samee jadwal maalinle

Go’aanso goorta aad shaqada bilowayso nasashada, iyo goorta aad dhammayso.

4. Ka fogow mashquulka badan

Taleefoonka, social media, iyo dadka ku mashquulinaya is ka ilaali marka aad shaqaynayso.

5. Shaqo kasta u qoondee wakhti go’an

Tusaale: “Shaqadan 30 daqiiqo ayaan u qoondeeyay.”
Ha ku qorin “waan qabanayaa,” ku qor “goorma baan qabanayaa.”

6. Qaybi hawsha

Haddii hawsha ay weyn tahay, u kala qaybso qaybo yar yar si ay u fududaato.

7. Nasasho qaado

Maskaxdu waxay u baahan tahay 5–10 daqiiqo naso mar kasta oo 1 saac la shaqeeyo.

8. Iska ilaali dib u dhigis (procrastination)

Bilow shaqada xitaa haddii aadan heysan 100% diyaar garow. Bilowgu waa muhiim.

9. Noqo qof joogto ah

Maareynta waqtiga ma aha hal maalin, waa wax joogto looga qabanayo

10. Isku abaal mari markaad jadwalka raacdo

Wax yar oo aad naftaada siisid (naso, fiid gaaban seexo, ama waxad jeceshahay samee)

⚠️ astaamaha saaxiibada xun  1. Kuuma farxo marka aad horumar samayso Marka aad meel  fiican gaarto waxay ku mujiyan qos...
27/11/2025

⚠️ astaamaha saaxiibada xun

1. Kuuma farxo marka aad horumar samayso

Marka aad meel fiican gaarto waxay ku mujiyan qosol an niyad ahyn iyago mrkiba wajiga badasha kana xun horumarkaga

2. Waxay ku xiiseeyaan oo keliya marka ay dan kaa leeyihiin

Mrka ay ku bahan yihin waxay mujiyan faraxd io rabitan dheriya si ay dantooda kaga gadhan

3. Waxay ka hadlaan sirtaada

Saaxiib xun waa mid aan u adkeysan karin inuu sirtaada ilaaliyo.

4. Waxay ku riixaan dhibaato

Waxay kugu dhiirri-geliyaan sigaar, balwad, dagaal, ama waxyeello kale o xun

5. Hadalkaaga ayay yareeyaan

Markaad dhibtada ushegato waxay iska dhigan kuwo mashqulsan iyagon rabin hadalkaga

6. Marna kuma garab istaagaan

Xilliga adag waxay noqonayaan kuwa ugu horreeya ee kaa taga.

7. Kulama rabo wanaag dhab ah

Had iyo jeer waxay rabaan inaad ka hooseyso ama aad fashilanto.

8. Waxay kugula tartamaan wax walba

Saaxiibka xun wuxuu isku dayaa inuu ka fiicanado adna ad ka hosayso

9. Waxay yihiin dad hadal badan oo dadka kale ka sheega

Haddii ay dadka kale ka sheegaan… adigana waa ka sheekayn doonaan.

10. Waxay ku dareensiiyaan culays iyo niyad jab

La joogitaankooda waxay kaa qaadaan tamarta iyo farxadda

[ ] LABO Indhod👁👁 Iskaga ilaali saxiibka/saxibta Cadowgana hal IL👁

Manta waxan diirada sarayna dhibaatada uu leeyahay dhafarka ama sojeedka badan waxan halkan kuguso koobay 🔟qodob  Dhibaa...
27/11/2025

Manta waxan diirada sarayna dhibaatada uu leeyahay dhafarka ama sojeedka badan waxan halkan kuguso koobay 🔟qodob

Dhibaatada soo jeedka badan

1️⃣Daalk joogto ah✅
Jidhku ma helayo nasashadii uu u baahnaa, taasoo keenta in maalintii aad noqoto qof tamar darran

2️⃣Xusuusta iyo fikirka daciif noqda✅
Maskaxdu si fiican uma shaqayso marka hurdadu kugu yaraato Waxbarashada, shaqada, xisaabta iyo go’aan qaadashada wa ay kugu sii adkaadaan.

3️⃣Walwal iyo niyad-jab✅
Soo jeedka badan wuxuu kordhiyaa walbahaarka, welwelka (anxiety), iyo marmarka qaar niyad-jabka.

4️⃣cadaadis dhiiga o sara ukaca ✅
Dadka habeen sojeedka badan waxay u nugul yihiin dhiig karka sababtoo ah jidhku ma helayo nasiino kufilan hadu qofku sojedo inbadan.

5️⃣Miisaan koror✅
Hurdo la’aantu waxay beddeshaa hormoonnada gaajada, taas oo kaa dhigta qof si fudud uqata cuno farabadan taso miisaankaga kordhin karta

6️⃣Xanuuno madax iyo indho culays✅
Soo jeedka badan wuxuu keenaa madax-xanuun, arag daal, iyo madax wareer.

7️⃣Nidaamka difaaca oo daciifa✅
Jidhku wuxuu u baahan yahay hurdo si uu difaaca u xoojiyo. Hurdo la’aantu waxay ka dhigtaa qof si fudud u gu dhacan xanuunadau

8️⃣Qaab nololeed fowdo noqda✅
Jadwalkii shaqo, cunto iyo jimicsi wuu isku dhex yaacaa.

9️⃣Xiriir bulsho oo liita✅
Markaad hurdo la’aan noqoto, waxaad noqonaysa qof xanaaq badan ama si fudud u carooda.

🔟Shilalka oo kordha✅
Soo jeedka badan wuxuu yareeyaa feejignaanta, taasoo keenta shilal

◼kusobiir o kamid noqo asxabteena

Manta bal aynu dul istaagno appka TikTok  iyo kharta aya leedahay waxan kuso diyariyay 10 qodob madama dadka inta badan ...
27/11/2025

Manta bal aynu dul istaagno appka TikTok iyo kharta aya leedahay waxan kuso diyariyay 10 qodob madama dadka inta badan ayna jeclayn qoral dheer

Akhriso👓📖

🔟 Dhibaato oo ay leedahay TikTok

1️⃣• ⏱️ Waqti lumis badan
TikTok waa addictive, qofka wuxuu ku lumin karaa saacado aan la dareemin.

2️⃣• 🧠 Xusuusta oo daciifta
Daawashada muuqaalada gaagaaban waxay yareysaa dulqaadka iyo awoodda diiradda.

3️⃣• 😓 Walwal iyo is-barbardhig
Dadka waxay isku arkaan kuwo ka liita dadka muuqaalada qurxoon soo dhigta.

4️⃣• 💭 Fikir khaldan oo nolosha ah
Waxyaabo badan oo TikTok la dhigo waa been ama la sameeyay, qofkuna wuxuu qaataa sawir aan sax ahayn.

5️⃣• 🔞 Content aan ku habboonayn
Carruurta iyo dhalinyarada waxay si fudud u arkaan waxyaabo aan da’dooda ku habboonayn taso keeni karta dhibato

6️⃣• 📉 Waxbarashada oo hoos u dhacda
Carruur iyo arday badan ayaa jadwalkooda waxbarasho lagu carqaladeeyaa. Wayo mrku inbadn dawado TikTok waxa ka lumaya wakhti u wax ku diyarsan laha

7️⃣• 💤 Hurdo la’aan
Dad badan ayaa habeenkii kuso jeeda TikTok oo aysan seexan. Iyago sida muqalba muqalkle ugu sii gudbinaya ay wakhti dambe kugaran taso keeni karta qofku inu wax barashadisa ama shaqadiisa ay hurdo dhafiso madama uu xili dambe seexday

8️⃣• 📱 Khatarta laqabsi e TikTok (Addiction)
Waxaa si sahlan kuugu dhici kara qabatinka oo aad aanad u xakameyn karin. Waxad is arkaysa ado mrkasta kujira o dawanaya

9️⃣• 🔐 Asturnaanta oo khatar gasha
TikTok wuxuu ururiyaa xog badan oo ku saabsan isticmaalaha wana halis ayna dad badan ogayn

🔟• ⚠️ Challenges halis ah
Waxaa ku jira “challenges” khatar ah oo saameyn caafimaad iyo nafsi leh sida qaar inay wax yabo halisa challenge kadhiga iyago isle views hela ama gabdho badan ay quruxdi io sharaftoodi ku ciyaran

🚫waxa jirta arimo badan o dadkena aysan ogayn tiktok waxay awoda inay xogta ururiso wxana la awoda ado gurigaga joga in halka lagala socdo laguna dawado

Dadka fikirka badanow su'ashan kajawwba🥺
27/11/2025

Dadka fikirka badanow su'ashan kajawwba🥺

Asaalumu caleykum waraxmatulaahi wabaraakaatu bacda salaan waxaa mahad iska leh ILAHAY (SWT) abuuray koonkan. Waxay amaa...
27/11/2025

Asaalumu caleykum waraxmatulaahi wabaraakaatu bacda salaan waxaa mahad iska leh ILAHAY (SWT) abuuray koonkan. Waxay amaan u sugnaatey nabigeena suban (NNKH). Maanta waxaan donaya bal inaan dib u xisaabino waqtigii inaga tagey iyo siduu inagu dhaafey ama aan u luminay una qorshayno wakhtigeena soo socda. ugu horayn waxaad is waydiiisa:



Suashani qeexid badan uma bahna wakhtigu waa adiga iyo noloshaada. Sida wadnaahagu u garacayo ilbidhiqsi kasta ayuu waqtiguna u socdaa. Diinteena maxay ka tidhi waqtiga, ilahay wuxuu kaga hadley ayaado badan oo quraanka kariimka ah isgagoo ina tusaya muhiimada waqtigu leyahay isagoo ku dharana ayado badan. Nabigeena NNKH wuxu inoo sheegay in afar qodob malinta qiyaame lays waydiinayo laba ka mida sualahaas waxa weyaan cimrigaaga iyo dhalinyaranimadaadii wixii aad ku samaysay.



Aduunwaynaha dal walba si buu u cabirtaa. Dadbadan waxay ku qiimeyaan waqtiga lacagta ama dahabka. Oo ah sheeyo qaliya. Bal kasoo qaad in ay subax kasta bangigaaga ku soo dhacdo 86400 $ oo lacaga hami intee le eg baa ku gali lahaa. Qorshe intee le eg baad dajin lahayd? Malaga yaabi laha inaad hurudo? Malalaga yaaba adoon kaba faaidaysan inuu gabalku kuu dhaco oo ay saa kugu dhaafto adoon shilin ka isticmalin? Taas waa maya, hadaba waxaad haysataa 24 sacadood oo dhiganta 86400(s) ama ilbidhiqsi oo u dhiganta 86400$. Hadaad hal second dayacdid waxaad iska dayacdey hal dollar. Waliba wuxuu kaga daran yahay lacagta hal shey oo ah minitka ku dhaafa masoo noqdo. Waqtigun waa sida seefta.



Madama oo uu waqtigu sida qaali u yahay, waa inaan u samayna qorshayn iyo maamulid waqtigaaga kana faa’iidasataaa. Dadka waxay guul ku kala gadhaan sida ay waqtigooda uga fa’iidaystaan. Waxaan haysana dhamaanteen waqti isku mida, waxaa laysku dhafay siduu qof walba u qorsheeyo waqtigiisa.

Waxaad samaysataa liis aad ku qorto qorshe maalmeedkaaga, bileedkaaga, sanadeedkaaga. Si aanu kaka lumen hal second isku ilaali liiskan.

liiskan wuxuu kuu fudaydinaya inaad kala horaysiisid howlahaaga, h**e somalidu waxay ugu maahmaheen ‘’oodo dhamaceed sidey ukala sareyaan baa loo kala guraa’’. Ku dhaqanka liiskan way adagtahay , hadaba si uu kugu fududaado ku darso waqti aad naftaada u raxaysid oo aad samaysid waxyaabaha aad jeceshay.



Waxaa waqtiga lumiya howsha oo aad dib u dhigtid. Telefoonka ood waqti badan ku hadashid. Internetka oo aad aad u isticmaasho sida facebooga IWM. Filimada musalsalka, Qaadka iyo Hami la’aanta qofka oo aan hiigsi iyo hadaf lahayn oo iska nool.

Gunta iyo gabagabada mowducane waxay ku biyo shubanaysaa inaad ka faaidaysatid waqtigaag si aad u gaadhid melaha aad higsanaysid oo aad if iyo akhiraba u gulaysatid. Waxaan rajaynayaa inuu inbadan oo idinka mida aanfici doono mowduucani.

Waxaan u mahad celinayaa akhristayaasha waqtigooda siyay iney mowducan ila wadagaan.

🔰Hadaba akhriste kuso biir page'kan o ad wax badan ka fa'idayso I.a follow dheh mahadsanid

Muhiimadda Ciyaartu Ay U Leedahay Carruurta Iyo Dhibaatada Imaan Karta Haddii Laga Xakameeyo Waxa ay xeeldheereyaashu aa...
27/11/2025

Muhiimadda Ciyaartu Ay U Leedahay Carruurta Iyo Dhibaatada Imaan Karta Haddii Laga Xakameeyo

Waxa ay xeeldheereyaashu aaminsan yihiin in ciyaartu ay tahay sees lagama maarmaan u ah koritaanka aqooneed, jiritaan, jidheed iyo bulsho ee ilmaha maadaama oo ay ka caawinayso in uu fahmo dunida iyo in uu xakamayn karo cabsiyaha ku xeeran nolosha.

Noocyada kala duwan ee ciyaarta ay dhexdooda ciyaarayaan carruurtu, oo xaaladaha ay marayso qaarkood ku tababarayaan la macaamilka cabsida, Muranka soo dhexgelaya ee marar gacan ka hadalka ka ka gaadhaya oo ay ka baranayaan sida ay tahay in bani’aadamku u macaamilo, sida uu qofku dareenkiisa u xakamayn karo iyo guud ahaan xidhiidhka bulshada, iyo midka ugu muhiimsan oo ah in ilmuhu ku tababarto siyaabaha ay tahay in khilaafka loo xalliyo. Waxaas oo dhami waa duruus uu ilmuhu ka heli karo oo keliya carruurta ku xeeran.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaasha barbaarinta ubadku sheegeen in ilmaha oo ubadka kale dhexgala oo la ciyaaraa ay u kordhiso kalsoonida nafta, sida oo kalana ay kobciso xirfadihiisa xidhiidhka bulshada, afka, iyo guud ahaan waxbarashada. Waxa aanay ka digeen in ilmaha oo xiisayn waaya la ciyaarista carruurta kale ay calaamad u noqon karto in uu jiro khalkhal dhinaca koritaanka ah, muhiimna ay tahay in dhakhtar la tuso, marka dabeecaddaas lagu arko.

CIYAARTU WAXA AY ILMAHA BARTAA WAX AANAY DUGSIGA KU BARAN

Stuart Brown oo ah dhakhtar aasaasay maxad lagu magacaabo ‘National Institute for Play’ ayaa sheegay in ciyaartu ay qayb ka tahay waxbarashada carruurta oo ku barta casharro noloshooda saamayn ku leh oo aanay ka baran waxbarashada rasmiga ah ee fasalka. Waxaa ka mid ah in Ilmuhu uu kasbado gaar farxadeed, in uu u helo saaxiibbo daacad ah iyo in uu barto dad ay hawlaha adduun iyo shaqo wadaag noqdaan oo fiican. Waxaas oo dhami waxa ay si weyn ugu xidhan yihiin in uu marka h**e si fiican u yaqaanno sida ay tahay in uu dadka ula xidhiidho, meelaha uu si fiican uga baran karo ayaanay ciyaarta carruurnimo ka mid tahay.

HADDII AANU ILMUHU CIYAAR FURSAD U HELIN MAXAA KU DHACA?

• Hal abuurkiisa oo hoos u dhaca.

• Farxadda oo ku yaraata ilmaha.

• Hoos u dhac ku yimaadda awoodda iska xakamaynta iyo adkaanta nafta.

• Waxaa lagu arki karaa habdhaqan ay cadaawadi ku ladhantahay.

Sannadkii 2009 ayaa Stuart Brown iyo cilmibaadhayaal kale waxa ay baadhis ku sameeyeen noloshii carruurnimo ee tiro ka mid ah dhalinyaro dembiyo dil ah geystay. Waxa ay filayeen in ay heli doonaan taariikhda muujinaysa in dembiilayaashani ay carruurnimadii soo mareen nolol cadaawad iyo dhibaatayn jidheed leh, laakiin waxaa yaab ku noqotay markii ay ogaadeen in waxa keliya ee ay carruurnimadoodii ka sinnaayeen uu ahaa in waalidkood siyaabo kala duwan ciyaarta oo dhan uga mamnuucay.

Waxa ay xeeldheereyaashani daraasaddan ku ogaadeen in ciyaar ka joojintaasi ay tahay sababta ugu weyn ee ay ugu dhiirradeen dembiga ay galeen. Xaaladda ay soo mareen ayaa sabab u nootay xanuunno nafsiya oo kala duwan, waxaa ka mid ahaa ilmaha oo farxad la’aan iyo hoog dareema, taas oo gaadha illaa heer uu naftiisa ama dadka kale galaafto. Waxaa ku bata dhibaatooyinka nafsiga ah, sida qulubka, walbahaarka iyo niyad jabka.

• Ilmaha oo ciyaarta iyo maaweelada laga hor istaagaa waxa ay keentaa miisaankiisa oo aad u kardha, hal abuurka oo hoos u dhaca iyo fal dambiyeedyada oo u uku dhiirrado.

• Peter Gray ayaa buug uu soo saaray 2013 kii waxyaabaha uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa saamaynta taban ee ay ciyaar la’aantu ku yeelan karto koritaanka maskaxeed ee ilmaha. “Kor u kaca ku yimi heerka carruurta lagu arkayo khalkhalka dhinaca maskaxda ahi waxa ay aad ugu xidhan tahay hoos u dhaca ku yimi xoriyaddii carruurtu ku ciyaari lahayd” ayaa uu sheegay Peter Gray, waxa aanu ku taliyey in carruurta la siiyo waqti dheeraad ah oo ay fursad u helaan ciyaarta ay jecel yihiin.

WAAJAHIDDA SHAASHADAHA

Isbedbeddelka bulsho iyo raadadka ay tiknoolajiyaddu ku yeelatay nolosha casriga ahi waxa ay si weyn saamayn ugu yeesheen ciyaartii carruurta iyo waqtiga ay u helayaan in ay facooda la ciyaaraan. Haddaba si loo xakameeyo in teknoolajiyadu ay la wareegto guud ahaanba waqtiyadii uu firaaqada heli lahaa ilmuhu, baresare Patrick Bateson ayaa waalidka kula talinaya in ay tallaabooyinkan hoose qaadaan.

• Ilmuhu waa in uu maalin kasta helaa hal saaca oo ah ciyaar uu xor yahay waxa uu xorriyadiisa ku doortay.

• Waa in la yareeyaa waqtiga uu ilmuhu ku qaadanayo shaashaddu aanu maalintii ka badan hal saac illaa 2 saac.

• Ilmaha laba sano ka yar waa in laga ilaaliyo shaashadda sida TV-ga, taleefannada gacanta iwm.

• In qolalka hurdada ee carruurta laga dhigo meel ka caaggan shaashadda oo dhan, taleefanka gacanta, ciyaaraha kombiyuutartka, talefishanka, iyo gebi ahaanba ciyaaraha elektarooniga ah.

• In xilliyada ciyaarta jidheed, cuntada iyo marka hawli ilmaha u taallo laga ilaaliyo in isaga oo hawsha wada ay haddana ha dhinac baxaan codad ama muusika Talefishanka, talefanka gacanta ama qalabka kale ee lagu ciyaaro.

🔰

Halkudhegyo Laga Faaidayo Casharro Muhiim Ah Iyo Waayo-aragnimoDuruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayo aragnimada qo...
27/11/2025

Halkudhegyo Laga Faaidayo Casharro Muhiim Ah Iyo Waayo-aragnimo

Duruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayo aragnimada qofku korodhsanayaa waa casharo muhiim u ah nolosha qofka la kulmayaya iyo dadka kaleee uu u sii tabinayo. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa halkudhegyo dad caan ahi ka tageen oo waano ka noqon kara waayaha adduunka.

1. Sharafta noloshu maaha maaha in aanad weligaa kufin, balse waa in aad kici karto mar kasta oo aad kufto – Nelson Mandela.

2. Halka wax laga bilaabaa waa in marka h**e hadalka la joojiyo, hawshana la guda galo – Walt Disney.

3. Waqtigaaga aad haysataa waa uu kooban yahay ee ha iskaga lumin in aad qof kale noloshiisa noolaato. Iska jir in aad ku noolaato natiijada fikir ka soo maaxday dad kale maskaxdood – Steve Jobs, aasasaha shirkada Apple.

4. Haddii nolosha waxa aad haysato aad eegto, mar kasta dheeraad ayaad haysan doontaa. Haddii se aad eegto waxa kaa maqan, weligaa kuma qanci doontid in aad wax kugu filan haysato. – Oprah Winfrey.

5. Ha ku go’aan qaadan midhaha aad maalin kasta guranayso, ee ku go’aan qaado siidhka aad beertay. – Robert Louis Stevenson.

6. Nolosha jab badan ayaad kala kulmaysaa, laakiin iska jir in naftaadu ay jabot – Maya Angelou.

7. Ugu dambaynta waxa xisaabta geli doonaa ma’aha sannadaha aad noolayd, balse waa nolosha aad sannadahaagii noolayd. – Abraham Lincoln.

8. Noloshu ama waa ku dhac ama waa waxbayahay – Helen Keller.

9. Guuldarrooyinka ugu badan ee nolosha waxaa gala dad garan waayey dhowaanshiyaha guusha, markii ay is dhiibayeen. – Thomas A. Edison.

10. Dadka guulaystay waa dadka ku dhaca in ay qabtaan hawl kuwa guuldarraystaa aanay doonayn in ay qabtaan. . – Jim Rohn.

11. Jidka guusha iyo idka guuldarrada inta badan waa isku jid keliya. – Colin R. Davis.

12. Ninka guulaystaa waa ninka sees adag ka dhigta dhagaxaanta ay dakda kale ku soo tureen – David Brinkley.

13. Ha isku hawlin in aad noqoto shakhsiga guusha iska leh, eek u dadaal in aad noqoto qofka qiyamka leh – Albert Einstein.

14. Qof kastaa waxa uun uu noqdaa waa uu aaminsan yahay. – Oprah Winfrey

15. Caqabadda ugu weyni waa in aad gaadho go’aanka aad hawl ku qabanayso, wixii ka soo hadhaa waa madax adayg uun – Amelia Earhart.

16. Nolol aanad tijaabo marinin ma’aha nolol u qalanta in aad noolaato. – Socrates.

17. Fikirkaaga weynee, guuldarradana ku dhac u yeelo. – Norman Vaughan.

18. Waa dhab in guuldarradu kugu keenayso niyadjab, laakiin in aad isku dayi weydaana waxa ay kugu keenaysaa halaag. – Beerly Sills.

19. Nolosheennu waxa ay ka samaysantaa boqolkiiba 10 ah waxa innagu dhaca iyo boqolkiiba 90 ah sida aynu waxaas uga dareen iyo jawaab celinno – Charles Swndoll.

20. In aad gaabisaa dhibaato malaha inta aanad socodka joojin. – Confucius.

21. Wax kasta oo kaa horyimaaddaa yaanay ku niyadjebin, waayo diyaaradduba dabaysha ayaa ay ka hortagtaa, waanay kag gudubtaa. -Henry Ford.

22. Badankeenu uma noolin riyooyinkeenna ee waxa aynu la noolnahay cabsida ina haysa, – Les Brown.

23. Haddii aad hoos u eegto waxa aad nolosha ku haysato, mar kasta wax ka sii badan ayaa aad heli. Laakiin haddii aad eegto waxa kaa dhiman, weligeed noloshu kuma filnaanayso. – Oprah Winfery.

24. Haddii aad weli dhalinyartahay, waxa aad ogaataa 20 sano kaddib haddii wad ku dayaayo in aad ka murugoon doonto waxyaabo aad samayn karaysay oo aanad samayn, sidaas awgeed maanta ha dayicin fursadda aad ku shaqayn karto.

🔰

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdikarim haji Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdikarim haji Ali:

Share