Xogta Deeganka

Xogta Deeganka Xogta deeganku waxay idiin soo gudbin doonta dhaman arimaha siyasada ee geeska iyo adunkaba.

NACAS NACFI LEH!Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya, waa mid kamid ah jabhadaha ugu cimriga dheer qawmiyadda Soomaalida. Hanna...
09/07/2025

NACAS NACFI LEH!

Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya, waa mid kamid ah jabhadaha ugu cimriga dheer qawmiyadda Soomaalida. Hannaankeeda gobonnimo-doon waa lagala hor imaan karaa doodo kala geddisan. Hase ahaato e, in la isku dayo in la burburiyo ama la kala diro waa isku day moora-duugid ku ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Madaxda Dowladda Deegaanka ee maanta waxaa la gudboon inaysan taariikh xumadaas qeyb ka noqon.

Haddii lala xisaabtamayo ama la dhaliilayo ONLF, iyada oo is haysata oo midaysan gogosha wada hadalka hala soo fariisiyo. Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax), taariikhdiisa madaw waa dambe bey fahmi doonaan shacabku, haddeer se in yar unbaan ka dhahayaa.

DORRAAD: Sirdoonkii Tigreega iyo shaqaalahooda ayaa u adeegsaday in lagu dumiyo sumcadda Maamulkii Madaxweyne Farmaajo.

SHALAY: Qolo kale ayaa usoo adeegsatay si loogu dhaawaco olalaha doorashada Musharax Xasan Khayre ee maalmihii doorashadii madaxtinnimada ee 15/05/22.

MAANTA: Nasiib darro, mar saddexaad baa haddana loo adeegsanayaa in lagu burburiyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya. NACAS, NACFI LEH.

Fahad Yaasiin

Wiiftada Beesha Caalamka waa bilaabatay. Maraykanku waxa uu leeyahay “wax kasta oo aan loo dhameyn waxay halis ku yihiin...
09/05/2025

Wiiftada Beesha Caalamka waa bilaabatay. Maraykanku waxa uu leeyahay “wax kasta oo aan loo dhameyn waxay halis ku yihiin sharciga iyo amniga”

 : Waxaa Bilowday Faragalintii Deegaanada.Abiye Ahmed ayaa ka talaabo qaaday Madaxweynaha Deegaanka Sidama Mr Desta Leda...
04/04/2025

: Waxaa Bilowday Faragalintii Deegaanada.

Abiye Ahmed ayaa ka talaabo qaaday Madaxweynaha Deegaanka Sidama Mr Desta Ledamo isaga oo adeegsanaya xeerkii dhigayay inuu maamulada faragalinkaro, Ayaa Waxa uu xilka Laga Tuuray Kadib Markii La Ogaadey In Uu Walaladii Dhul Si Sharcidaro Kusiiyey.
Abiye Ayaa Madaxweynaha Sidama Xilka Kaqaadey Kadib Markii Lagu Eedeeyey Musuq Farabadan.

Next mustafe and shimalis!!

DEG DEG:- madaxweyne hassen sheikh mohamud ayaa go,aan ku gaadhay inuu xidho ahmed madobe.Sida ilo ku dhaw ay noo xaqiij...
06/10/2024

DEG DEG:- madaxweyne hassen sheikh mohamud ayaa go,aan ku gaadhay inuu xidho ahmed madobe.

Sida ilo ku dhaw ay noo xaqiijinayaan hassen sheikh ayaa go,aansaday inuu xidho ahmed madobe isagoo hakiyay bixitankii uu bixi lahaa bari madaxda garonkana lagu amray inuuna bixi karin

07/09/2024

☆ Hadii aad furto kitaabka Qur'aanka ah kadibna aad Suurad kasta ka baadho kelmedda "dadka badankiisu" (Most of people), kadibna aad fiiriso waxa ku xiga, waxad arki kelmedahan soo socda:
▪︎ Way war la'yihiin
▪︎ Way aqoon la'yihiin
▪︎ Way is diidsiiyaan wax aan khuraafaad ahayn (kufr)
▪︎ Ma oga
▪︎ Ma rumaynayaan
▪︎ Ma mahadnaqaan

☆ Hadii aad ka reebto ereyga "dadka" oo aad baadho ereyga "badankiisu" (most of them), kadibna aad fiiriso waxa ku xiga, waxad arki kelmedahan soo socda:
▪︎ Way lunsanyihiin
▪︎ Way daganyihiin
▪︎ Waa xumaan faleyaal
▪︎ Waa ma garato
▪︎ Waa kuwo cilmi ka arradan
▪︎ Caqliga ma adeegsadaan (do not reason)
▪︎ Ma dhegaystaan
▪︎ Ma fahmaan
▪︎ Abaal ma laha
▪︎ Waa nagu ballan fureen
▪︎ Waa kuwo xadgudub badan
▪︎ Waa male-raac
▪︎ Ilaahay kelidii ma rumeeyaan inay wax ku ladhaan mooyaane
▪︎ Waa kuwo runta weydaarsan oo hadana ku madax adag sidaa
▪︎ Waa kuwo runta nacayb u qaba
▪︎ Ma waxad u malayn in ay ku dhegaysan oo ay caqligooda wax ku fiirin? Maya!
▪︎ Ma rumayn doonaan
▪︎ Waa beenaaleyaal

☆ Hadii aad ereyga "badidoodu" ku bedesho "in yar/qaliilun" (few of them) si aad u ogaato dadka intii soo hadhay, waxad arki kelmedahan ku xiga:
▪︎ In yar ayaa mahadnaqa
▪︎ In yar ayaa rumeeya
▪︎ Inyar ayaa rumeeyey—Nebi Hebel
▪︎ Dhabarkay jeediyeen in yar mooyaane
▪︎ Iimaan ma laha in yar mooyaane
▪︎ Way ku khiyaamayn doonaan in yar mooyaane
▪︎ Ma aaminayaan in yar mooyaane

Ilaahoow inta yar ha naga reebin...

Waaberi Dahir

Fahad Yaasiin ayaa ku dhawaaqay iney kala hadheen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.Warsaxaafadeed usoo saarey ayuu ku yidhi...
01/09/2024

Fahad Yaasiin ayaa ku dhawaaqay iney kala hadheen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Warsaxaafadeed usoo saarey ayuu ku yidhi. "Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 1-da September 2024 waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne h**e Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo, waxaan cid walba u cadaynayaa inaan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho."

Yaad is leedahay wuu dhisi doona fahad yasin?

HOGO TUSAALE IYO GARNAQSI.Heestan "Soomaali Dhoy Laay" waxa  lahaa hal-buurkeeda Xuseen Aw Faarax Dubbad, Samaa kuma hes...
12/08/2024

HOGO TUSAALE IYO GARNAQSI.

Heestan "Soomaali Dhoy Laay" waxa lahaa hal-buurkeeda Xuseen Aw Faarax Dubbad,

Samaa kuma heshiiyaay
Sina uma hagaagaay
Saqajaan ma daayaay

Saxalkii wareegyoo
Sabadoo xareediyo
Barwaaqaa la sugayaa

Soomaali dhoy laay
H**e ma u soconnaa
Mise sabo xumaantiyo
Silicaad ku noolaan?

Soojeedkeeda eegaay
Saancad ugu baaqaay
Sir-ma-qabe u geeyaay

Nacabkeeda siiyaay
Soofdaran habaabaay
Surmaseegto badaneey

Soomaali dhoy laay
H**e ma u soconnaa
Mise sabo xumaantiyo
Silicaad ku noolaan?

Sixir lagama waayaay
Saxariir ku faanaayseefahaysu qaadaay
Seedaha is gooyaay
Sababteeda doonaay
Malaggeeda sidatooy

Soomaali dhoy laay
H**e ma u soconnaa
Mise sabo xumaantiyo
Silicaad ku noolaan?

Masiir ummaddeed qofka raba inuu qol mugdiya ku qoro, dadkana ka qariya yiraahda waxay la mid tahay qof qarway oo haddan...
08/08/2024

Masiir ummaddeed qofka raba inuu qol mugdiya ku qoro, dadkana ka qariya yiraahda waxay la mid tahay qof qarway oo haddana run mooday qarowgiisa.

‪Waxa la qarinayo dabcan waa muddo-kororsi iyo in Muqdisho Maqaam la’aan la dhigo, waa la yaqaan cawaaqibta ka dhalan karta.

Dulmi diidoow dulmi doon ha isku noqon. ‬


Thabit Ab

Yaxye zinwar halyayga cawa xamas u dooratay inuu hogaamiyo
06/08/2024

Yaxye zinwar halyayga cawa xamas u dooratay inuu hogaamiyo

27/07/2024

Hassan Sheikh Mohamud halkuu dalka u wada waa su,al?

Ninka ugu Darajada Sareeya Somaaliya Xagga Ciidanka Bashiir Goobe Waa Wasiirka Haweenka Halka Nin aan Waligiis Ciidan No...
27/07/2024

Ninka ugu Darajada Sareeya Somaaliya Xagga Ciidanka Bashiir Goobe Waa Wasiirka Haweenka

Halka Nin aan Waligiis Ciidan Noqon uu Yahay Wasiirka Gashandhiga Soomaaliya

Dhibaatada Dalkeena Haysata Ayay Qayb Wayn Ka Tahay, iyo Fashilka Dawlada Xiligan Dalka Ka Jirta

Fikirkaaga Hoos Noogu Reeb

Abwaanad Kaaba Axmed Caydiid oo maanso utirisay Daaci Saalax.Miyaan Hooyo dhawrsoon Jacayl aanay kugu dhalin Dhabta maan...
21/07/2024

Abwaanad Kaaba Axmed Caydiid oo maanso utirisay Daaci Saalax.

Miyaan Hooyo dhawrsoon
Jacayl aanay kugu dhalin
Dhabta maanay kugu qaban
Dhib miyaanay kula marin
Dhar miyaanay kuu galin
Maxaa huunno kugu dhacay?

Miyaan edeb laguu dhigin
Xishood dhawrso lagu odhan
Dumar maanay kula dhalan
Dhaxdin maanad doonayn
Haween maanad dhalahayn
Mise dhoohanaad tahay?

Haddaad adigu dhiman tahay
Oo aanad dhaqan iyo
Waxba aanad dhawrayn
Miyaan qaar ku dhaammiyo
Saaxiibbo kuu dhawi
Ceebtaadu dhibahayn?

Aan kuu dhammeeyoon
Kuu dhiibo taladee
Hooyada dhaliisheed
Waxba lagama dheefee
Caannimada dhiciska ah
Dhinac kale ka eeg eeg!

~Kaaba

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Deeganka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogta Deeganka:

Share