Dawa News

Dawa News Voice of the Community

War DEG-DEG:Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya.1.Qodobka 39-aad, farqadd...
20/08/2026

War DEG-DEG:
Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya.

1.Qodobka 39-aad, farqadda gooni-isu-taagga, ayaa laga saaray Dastuurka, waana lagu heshiiyay.

2.Waxaa lagu heshiiyay in dowlad-goboleedyadu yeeshaan oo keliya ciidamo boolis caadi ah, halka ciidamada gaarka ah la baabi’iyo.

3.Waxaa la soo jeediyay in la xaqiijiyo in Badda Cas ay tahay xuduud sharci iyo taariikhi ah oo Itoobiya leedahay.

4.Dowladda Federaalka ayaa awood u yeelanaysa inay farageliso khilaafaadka ka dhex dhaca dowlad-goboleedyada, xitaa haddii dowlad-goboleedku uusan codsan faragelinta, marka xaaladu adkaato.

5.Waxaa lagu talinayaa in la sameeyo Maxkamad Dastuuri ah oo awood u leh fasiraadda Dastuurka.

6.Waxaa la soo jeediyay in Itoobiya yeelato 5 luqadood oo shaqo oo federaal ah: Amxaariga, Afaan Oromo, Tigrinya, Af-Soomaali iyo Af-Cafaar.

7.Waxaa lagu heshiiyay in la sii wado nidaamka federaalka, balse dib-u-habayn lagu sameeyo si loo hirgeliyo federaalism ku salaysan kala-duwanaanshaha bulshada.

8.Waxaa la soo jeediyay in muddada xilka dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu noqoto 6 sano, hoggaamiyuhuna uusan xilka hayn karin wax ka badan laba xilli.

Dhammaan qodobada heshiiska laga gaaray ayaa maanta loo horgeynayaa ku dhowaad 4,000 oo ergo oo ka qaybgalaya Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya, kuwaas oo ka doodaya isla markaana ansixinaya talo-bixinnada la soo jeediyay.

Dawa News

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto marxuum Maxamed Somo, Afhayeenkii Degmada Hudet, oo ahaa ...
18/08/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto marxuum Maxamed Somo, Afhayeenkii Degmada Hudet, oo ahaa inaderkey. Eebbe ha ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qabrigiisana ha u waasiciyo. Qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan shacabka uu ka baxayba Alle samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Aamiin Ya Allah.

Xafiiska Jidadka DDS oo soo gabagabeeyey Wajiga Labaad ee Mashruuca Dayactirka Jidka Dhedheertu–Qaaley–AminkoXafiiska Ji...
15/08/2026

Xafiiska Jidadka DDS oo soo gabagabeeyey Wajiga Labaad ee Mashruuca Dayactirka Jidka Dhedheertu–Qaaley–Aminko

Xafiiska Jidadka DDS ayaa soo gabagabeeyey wajiga labaad ee mashruuca dayactirka Jidka Dhedheertu–Qaaley–Aminko, oo ku yaalla Degmada Hudhet ee Gobolka Daawa.

Mashruuca jidkan oo ka kooban laba qaybood, dhererkiisuna dhan yahay 32 KM, ayaa kala ah:

- 20 KM oo carro-baahin ah, kaas oo isku xidhaya Qaaley ilaa Walena (Aminko).
- 12 KM oo xaadhitaan ah (Site Clearance), kaas oo isku xidhaya Dhedheertu ilaa Qaaley.

Waxaa si buuxda loo soo gabagabeeyey dhammaan shaqooyinkii qorshaysnaa ee mashruuca, kuwaas oo isugu jiray carro-baahin iyo xaadhitaan.

Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadanaya kor u qaadista adeegga isku-socodka, fududaynta isu-socodka bulshada iyo xoojinta isku-xidhka xarumaha iyo deegaanada Degmada Hudhet ee Gobolka Daawa.

Waa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo kaabayaasha gaadiidka iyo adeegyada bulshada ee Gobolka Daawa.

Dawa News

Xog Ururin Xaqiiq ah Oo La-sameeyay 100% Oo Ku Saabsan Ayaa Sidan ah :- Bar-bar dhiga Madaxda Maaliyaddaha Ee Degmooyink...
15/08/2026

Xog Ururin Xaqiiq ah Oo La-sameeyay 100% Oo Ku Saabsan Ayaa Sidan ah :-

Bar-bar dhiga Madaxda Maaliyaddaha Ee Degmooyinka Gobolka Dawa Midka ugu Wanaagsan Waxa Lo-Qaatay Madaxa Maaliyadda Degmada Moyale Barigi Noor Osman

Hadaba Degmooyinka/ Gobolka Dawa Gudomiyaha ugu Wanaagsan Waa kuma Ayaad Odhan Lahayd ....

Madaxweyne Ku-xigeenka Deegaanka. "Waxaan dhalinyarada ugu baaqaynaa iney shaqa keliya sugin ee ay xirfado bartaan, furs...
13/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Deegaanka. "Waxaan dhalinyarada ugu baaqaynaa iney shaqa keliya sugin ee ay xirfado bartaan, fursado ay sugin oo keliya ee fursado abuuraan, caqabadaha ay ka baqin ee xal u raadiyaan, riyadana ay u badalaan qorshe iyo ficil."
:xirfado maa dhimaato"

Komishinka Wadatashiga Qaranka Itoobiya ayaa sheegay inuu geeddi-socodka uu u socdo si waafaqsan qorshihii loo dejiyey, ...
13/08/2026

Komishinka Wadatashiga Qaranka Itoobiya ayaa sheegay inuu geeddi-socodka uu u socdo si waafaqsan qorshihii loo dejiyey, isla markaana uu dhammaystiray 75% shaqadii guud.

Kuxigeenka Komishineerka Guud ee Komishinka Wadatashiga Qaran, Komishineer Hirut Gebreselassie ayaa shir-jaraa’id oo ay qabatay kaga warbixisay xaaladda geeddi-socodka, waxa ay ku sheegtay in 8 kooxood oo mid kastaaba ka kooban tahay 500 xubnood ay si qoto dheer uga doodeen arrimaha loo soo bandhigay.

Inta badan kooxaha ayaa sidoo kale gaadhay isafgarad ku saabsan talooyinka la soo jeediyey, iyagoo saxiixay oo soona gabo'gabeeyey shaqadooda.

Inkasta oo intii dooduhu socdeen ay jireen khilaafaadyo iyo aragtiyo kala duwan, haddana Komishinku wuxuu sheegay in arrimahaasi ay muujinayaan muhiimadda wadatashiga, kaqaybgalayaashu waxay ku guulaysteen inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal nidaamsan, iyagoo isdhagaysanaya kuna gaadhay aragti guud oo dhexdhexaad ah taasoo ah guul weyn.

Waxaa sidoo kale la sameeyay koox gaar ah oo isku dubbaridda talooyinka, taas oo ka shaqaynaysa talooyinka ay diyaariyeen oo ay ku heshiiyeen 8-da kooxood. Kooxdan waxay hubinaysaa inaan talooyinka kala duwan ay iska hor iman, waxayna isku keenaysaa fikradaha meelaha ay kala duwanaanshuhu ka jiro, si loo abuuro iskuxidhnaan iyo hal jiho guud oo talooyinka ah.

Dhanka kale, kuxigeenka Komishineerka Guud Komishineer Hirut Gebreselassie ayaa sheegtay in komishinku uu qaabilayo cabashooyinka ay soo gudbiyaan shakhsiyaad, kooxo iyo xisbiyo siyaasadeed, islamarkaana uu baadhayo lana xalinayo iyada oo lagu go’aaminayo cabashooyinkaas lana raacayo nidaamka cabashooyinka ee Komishinku dejiyay.

Ugu dambayn, Kuxigeenka Madaxa Komishinku waxay tilmaantay in marxalad taariikhi ah oo cusub ay dhawaan bilaaban doonto, taas oo shacabka Itoobiya loogu soo bandhigi doono natiijada geeddi-socodka wadatashiga qaranka ee muddo dheer laga soo shaqaynayey.

War cusub  Waxaa is fahan laga gaadhay arrintii AddisAbaba oo maalmihii tagay muran badan ka taagna. AdisAbaba waxaa lay...
13/08/2026

War cusub

Waxaa is fahan laga gaadhay arrintii AddisAbaba oo maalmihii tagay muran badan ka taagna. AdisAbaba waxaa laysku raacay in ay noqoto Magaalo madaxda Federalka ahna Magaalo madaxda Deeganka oromiya.

Doodu halkas ayay maraysaaa .

Wafdi WFP oo Lagu Soo Dhaweeyay Gobolka DaawaLey | Gobolka DaawaMaamulka Gobolka Daawa, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ...
13/08/2026

Wafdi WFP oo Lagu Soo Dhaweeyay Gobolka Daawa

Ley | Gobolka Daawa

Maamulka Gobolka Daawa, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Daawa, Mudane Abshir Xasan Abshiro, ayaa garoonka diyaaradaha ee Ley si rasmi ah ugu soo dhaweeyay wafdi ka socday hay’adda WFP.

Wafdiga ayaa u yimid Gobolka Daawa ujeeddadiisuna tahay indho-indhaynta iyo qiimaynta shaqada garoonka diyaaradaha Ley, oo dhawaan la soo gabagabeeyay dhismihiisa.

Garoonka Ley wuxuu ka mid yahay mashaariicda horumarineed ee dhowaan la hirgeliyay, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato isku-xirka Gobolka Daawa iyo deegaannada kale, iyo fududaynta adeegyada iyo hawlaha horumarineed.

Sidoo kale, wafdiga WFP ayaa la filayaa inay Gobolka Daawa ka fuliyaan hawlo iyo mashaariic la xiriira horumarinta iyo taageerada bulshada.

Dawa News

Dawladda Koonfur Afrika ayaa dalalka Ethiopia, Malawi iyo Nigeria ka dalbatay in ay bixiyaan 18 Milyan oo Dollar oo ah l...
13/08/2026

Dawladda Koonfur Afrika ayaa dalalka Ethiopia, Malawi iyo Nigeria ka dalbatay in ay bixiyaan 18 Milyan oo Dollar oo ah lacagihii ay Koonfur Afrika ku daabushay dadkii aan sharciga haysan ee waddankaas laga soo masaafuriyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Koonfur Afrika ayaa ku doodaysa in lacagtaasi ay tahay mid ay xaq ugu leedahay saddexdan dal iyada oo dalabkeeda u gudbisay safaaradaha saddexdan waddan ee dalkeeda ku yaal.

Sida ay sheegtay warbaahinta Business Insider Africa, Koonfur Afrika waxa ay rumaysan tahay in ay kharash badan ku bixisay sidii dadkan loo soo tarxiili lahaa isla markaana ay hadda doonayso xoolihii ka galay dadka la soo masaafuriyey.

WAR CUSUB oo muhiim ah: Go’aamada Shirweynaha iyo qodobada la isku raacay.Waxaa heer gabagabo ah maraya Shirweynaha Wada...
12/08/2026

WAR CUSUB oo muhiim ah: Go’aamada Shirweynaha iyo qodobada la isku raacay.

Waxaa heer gabagabo ah maraya Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya, waxaana la soo gaaray go’aamadii iyo gabagabadii.

Guud ahaan, shirka waxaa laga dooday 53 qodob oo isugu jiray soo jeedin iyo qodobo, balse waxaa la isku raacay 50 qodob, halka 3-da qodob ee kale la isku diiday.

Saddexdaas qodob waxaa loo gudbin doonaa guddiga isku-soo-dhawaanshaha, haddii la isku raaci waayana cod ayaa lagu go’aamin doonaa.

Qodobada la isku raacay waxaa kamid ah.

1. Waxaa la isku raacay in la sii wado nidaamka federaalka, balse waxaa la soo jeediyay in federaalka laga dhigo mid ay wadaagaan qowmiyaduhu, halkii laga dhigi lahaa nidaam ku salaysan hal qowmiyad.

2. Qodobka 39-aad: Waxaa la isku raacay in la ilaaliyo xaqa is-maamulka qowmiyadaha, balse waxaa la qaatay in meesha laga saaro faqradda gooni-isu-taagga.

3. Awoodaha Federaalka iyo Deegaanada: Waxaa la isku raacay in awoodaha labada dhinac si cad loo qeexo.

4. Doodda nidaamka dowladda: Waxaa la isku khilaafay in Itoobiya yeelato nidaam baarlamaani ah ama nidaam madaxweyne.

Labadan aragti ayaa loo gudbiyay guddiga isku-soo-dhawaanshaha, haddii heshiis laga gaari waayana cod ayaa loo qaadi doonaa.

Arimaha kale een wali laysku raacin waxaa kamid ah meqaaka adis ababa iyo kuwa kale.

Waan idin soo gudbin donaa xogaha Shirwaynaha hadu alleh idmo.

Address

Moyale
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawa News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share