Somali Galbed News

Somali Galbed News Warar xaqiiqada kusalaysan iyo dhacdoyin dhab ah kalasoco somali galbed news

Christian Tadale, oo ah xildhibaan Deeganka Axmarada kasoo baxa,kaas oo mucaarad ku ah xukuumadda Abiye Ahmed ayaa yidhi...
18/04/2023

Christian Tadale, oo ah xildhibaan Deeganka Axmarada kasoo baxa,kaas oo mucaarad ku ah xukuumadda Abiye Ahmed ayaa yidhi; "Ciidan aan sharci ahayn hadii la sheegayo, waa in laga hadlo ciidanka ilaalada gaarka ah'Republican Guard', waa ciidan ka tababar sareeya Milatariga, cid aan Raysal wasaaraha ahayna amar k**a qaataan"; ayuu yidhi Christian Tadale

Cuno Caafimaad LehHelida cunto fiicaan oo caafimaad leh waxay yareen kartaa cudurada ku dhaca bulshada, Gaar ahaan kuwa ...
18/04/2023

Cuno Caafimaad Leh

Helida cunto fiicaan oo caafimaad leh waxay yareen kartaa cudurada ku dhaca bulshada, Gaar ahaan kuwa ku dhacaa caruurta iyo hooyooyinka.

Biyo NAdiif Ah

Biyo nadiif ah oo ay bulshadu u isticmaali karto cabitaan, waa mid kamid ah baahiyooyinka ugu badan ee heesta bulshadeena.

Adeeg Caafimaad

Helida adeegyo caafimaad oo tayeesan waa aasaaska bulsho walbo oo deegaan ku nool.

Waxbarasho

Waxbarashadu waxay bulshada ka dhigtaa kuwa wax soo saar leh iyo horumar leh.

Bilicda Caasimada Somali Galbeed❤.Mansha allah.
16/04/2023

Bilicda Caasimada Somali Galbeed❤.

Mansha allah.

16/04/2023

Dhigi mayno dayna mayno fifa liyu

Quruxda iyo farxad islamka m.a
15/04/2023

Quruxda iyo farxad islamka m.a

Sawir laga soo qaaday Qolka uu dagan yahay Elon Musk oo kamid ah Sadaxda nin ee aduunka ugu taajirsan. Waa qolka qof hey...
15/04/2023

Sawir laga soo qaaday Qolka uu dagan yahay Elon Musk oo kamid ah Sadaxda nin ee aduunka ugu taajirsan.

Waa qolka qof heysta $188 Bilyan oo dollar. Waa qolka Nin heysta ama milkiyad u leh ku dhowaad Lix Shirkadood oo waaweyn.

Maxey kula tahay? Cashar noocee ah laga baran karaa sawirkaan aadka loo hadal haayo

Noloshu madhamaystira hooyo la'aan Allow cafimad cimridher iyo camal ficn k**i hoyo mcn
10/09/2022

Noloshu madhamaystira hooyo la'aan
Allow cafimad cimridher iyo camal ficn k**i hoyo mcn

   ugu danbeeyay Dagaalka waqooyiga oo koban. ➡️ Dagaalka Saaka ka bilawday Waqooyi Galbeed Tigray ayaa wali ka socda  D...
01/09/2022

ugu danbeeyay Dagaalka waqooyiga oo koban.

➡️ Dagaalka Saaka ka bilawday Waqooyi Galbeed Tigray ayaa wali ka socda Degaanada Raama, Zalambesa & Cirob iyo agag kale Dhinacyada Dagalamaya ayuu mid walba Sheganayaa Gacan Saraynta Dagaalka inkasta oyna cidna Si madax-banaan u Xaqiijin karin.

➡️ Raiisal Wasaare ku xigenka ahna Wasiirka Arinaha Dibada Ethiopia Demeke Mekonnen Ayaa Yidhi Talaabo Kasta ayay Dawladu ka Qaadi dontaa TPLf si Lo ilaaliyo Madax-banaanida dalka.

➡️Dagaal culus ayaa galabta ka bilowday Addi arkay iyo Degaano ku teedsan wadada b30 oo Hoos Yimaada Gobalka Amhara

➡️Ciidamada TPLF oo dagaal ka bilawday jihada Suudaan iyago soo maraya Borot Wolkait Ayaa waxaa sidoo kale wararka naga soo gaadhaya dhinaca Xumera ay tibaaxeen in ay jiraan Dagaal-yahano kamid ah jabhada Eritrea oo ka Garab Dagalamaya TPLF si ay xukunka uga tuurto xukuumada Eritrea. iyada oo loo marayo halgan hubaysan.

➡️dagaalka ka socda Waqooyiga Wollo ayaa sii cuslaaday Ciidamada Tigray ayaana k**ii siqaya Waldiya.

➡️ Beesha Caalamka ayaa Dhinacyada ku Dagaalamaya Waqooyiga Ethiopia ugu Baaqay inay si dag dag ah ujoojiyan Dagaalka.

➡️Dagaaladii Shalay ka bawday Gobalka Wag-xamra ayaa kasii socda Nawaaxiga Soketa iyo Abargelle ee Degaanka Amhara iyadoy kumanaan Shacab ah Guryahoda ka Qaxeen.

➡️Ciidamada Tigray ayaa sheegay inay k**ii Siqayaan Degaano Muhiim ah oo katirsan Gobalka Wolkayit iyo dhinaca humera waa siday shegene.

➡️Maamulka Degaanka Axmaarada ee Gobalka Wolkayit ayaa Sheegay inay si wayn uga hor-tageen weerarka TPLf kuso Qaday Gobalkas waa siday hadalka udhigene.

➡️Dagaaladii ka socday dhinaca Xuduudka Canfar iyo Tigray ayaa wali halkodii kasii socda inkasta uu hada Xaalku sidii h**e ka dagan yahay.

➡️TPLf ayaa sheegtay inay Maxaabis Badan ku Qabteen Dagaaladii ugu danbeyay ee iyaga iyo Dawlada udhaxeeyay waa siday iyagu hadalka udhigene.

➡️ Dawlada Dhexe Ethiopia ayaa ku edaysay TPLF inay Sii wadaan Dagaalada iyago aan Rabin Nabada.

Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis)  kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo ...
29/08/2022

Howsha dhaqida ama Sifaynta Kelyaha (Dialysis) kolka qofka lagu samaynayo waxaa la galiyaa laba Tuubo oo mataano ah oo mid isku ah ah oo mid waliba howl gaar ah qabanayso, ayadoo la galinayo Xididka Arooraha ah (vein) ee qoorta, laabta ama bowdada midkood iyada oo la isticmaalayo suuxdinta gaarka ah (local anesthesia) inta lagu gudo jiro sifeynta Kilyaha.

Dhiiga ayaa waxa uu ka soo baxayaa jirka isaga oo soo raacaya Tuubada cas, wuxuu dhex maraa aaladda sifeynta, waxa uuna ku soo noqdaa tuubada Buluugga, xaaladaas ayuu qofka ku sugnaanayaan ilaa 4 saacadood isaga oo saaran sariir dusheeda oo waliba bilaa dhaqdhaqaaq ah.

Qofka ayaa loo sameeyaa howsha Sifeynta Kelyaha Todobaadkii Sadex jeer, taasoo noqonaysa Bishiiba 12 Mar, hadii Saacad ahaana loo xisaabiyo waxay noqonaysaa wadarta guud 48 saacadood Bil kasta.

Waxaa intaas ka sii daran waxaa baxaya kharash badan oo Boqolaal Doolar ah Bishii taasoo aysan ka bixi Karin dadka dhaqaalahoodu hooseeya. !

Adiga, aniga iyo guud ahaan dadka caafimaadka qaba ee aan qabin cudurka kidney failure (Kilyaha oo howlgab noqda) ma Qiyaasi kartaa inta jeer ee Kelyahaada ay isa sifeeyaan?

Qiyaasii Lixdan jeer ayay maalintii Kelyahaada si Automatic ah isu meyraan, sida dhaqaaqiirta ay sheegaan. Howshaas ayaa waxay dhacdaa innaga oo aanan dareemin wax dhibaato ah ama xanuun ah oo waliba cidna meel na seexin, Tubooyina nagu xirin, mana jirto kharash nooga baxa howshaas wayn oo la’aanteed qofka uusan noolaan Karin. !!

Waxaan haysanaa Nicmooyin badan oo aan la tirin Karin, lana koobi karin . الحمدلله

وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (18) سورة النحل

Hussein Sahnuni

Kooxda TPLF ayaa 150-KM gudaha usoo gashay deegaanka Amxaarada kadib afar maalmood oo uu socday dagaal aan waxba la isul...
28/08/2022

Kooxda TPLF ayaa 150-KM gudaha usoo gashay deegaanka Amxaarada kadib afar maalmood oo uu socday dagaal aan waxba la isula hadhin.

Ciidamada dawladda ayaa shalay isaga baxay magaalada Kobo oo ay difaac kaga jireen maalmihii lasoo dhaafay.

TPLF oo gudaha usoo gashay ayaa la sheegay in ay burbur iyo bililiqo ka gaysteen magaalada Kobo.

Dawladda ayaa maanta ku eedaysay TPLF in ay dagaalka u adeegsanayaan carruur da’doodu ka yar tahay 12-jirro.

Halkan kala soco wararka Dagaalada Itoobiya.

Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee JDFI, mudane Aadan Faarax Ibraahim ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga, waxaan...
26/08/2022

Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee JDFI, mudane Aadan Faarax Ibraahim ayaa soo gaadhay magaalada Jigjiga, waxaana ku qaabilay masuuliyiinta sare ee xukuumadda oo ugu h**eeyo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar. Madaxwyne-ku-xigeenka Xisbiga ayaa kormeeri doona mashaariicda horumarineed ee ka socda Caasimadda maalinka barri ah

Address

Www. Isxilqan. Com
Jijiga
75758

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Galbed News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share