Goray media

Goray media Goray Media waa goob aad ka heli karto warar iyo warbixino dhamaystiran.

22/09/2022
Nabadi waxay timaadaa dagaalka kadib, dagaalkuna wuxuu sababaa dhimasho geesiyaal la jecelyahay oo inbadan la tabi doono...
22/09/2022

Nabadi waxay timaadaa dagaalka kadib, dagaalkuna wuxuu sababaa dhimasho geesiyaal la jecelyahay oo inbadan la tabi doono.

Si kasta oo ay tahay maadaamo nabadu lagama maarmaan ay tahay waxaa khasab ah in loo dhinto loona dhaawacmo, marki ayadoo nabad la raadinayo geesiyaal ay udhintaan una dhaawacmaan, waxaa dhismaya sharafta iyo karaamada bulshadaas.

Hadaba Ururka argagixisada ee alshabaab hadii aan umada soomaaliyeed iyo ciidankoodu meel walba oo ay joogaan umidoobin, lagama gudbi doona si xun udhimashada iyo cabsi ku noolaanshaha haysata ummada soomaaliyeed.

Deegaanka soomaalida marki ay ururka al-qushaash isku dayeen inay dhibaato iyo qalalaase ka abuuraan waxaa fadhiga kakacay oo dhiigooda uhuray geesiyada CIidanka Xooga Gaarka Ee Liyupolice oo kaashanaya shacabkooda oo ayagana ka garab dagaalamay ciidankooda Lana garab istaagay wax walba oo ciidan dagaal ku jira ay ubaahanyihiin.

Taasina waxay sababtay in muddo yar oo bil illaa 2bilood ah lagaga fara-xasho ciidan 800 ilaa kun askari gaadhaya cagtana La mariyo ayadoo laga dhigay wax la dilay iyo wax laqabtay oo gacanta lagu dhigay.

Hadaba ciidanka iyo dowlada soomaaliya ayaa cashar ka bartay shacabka soomaaliyeed ee DDS iyo Ciidankooda sida wadajirka ah ee ay cadawga isaga dhiciyeen wakhtiga yarna ay oga guulaysteen qorshayaal cadawgu sanado badan soo maleegayay kuna yeeshay xubno iyo hub ay shacabka ku dhibaateeyaan gudaha deegaanka.

Waxayna bilaabeen inay shacabka ku kiciyaan ururka argagixasada alqushaash si ay ciidankooda oga barbar dagaalamaan wayna bilaabeen.

Sidaas darteed waxaa muuqata Rajo iyo yidadiilo wanaagsan oo ah inay soo dhawdahay dabar go'ii ururka alshabaab maadaama wadadii ugu haboonayd maanta loo maray oo ay shacabka iyo ciidanku iskaashanayaan.

Hadaba waxaan bogaadinayaa in shacabka iyo ciidamada kaladuwan ee soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan umidoobaan soo afjarida ururka naxariista daran ee taagta yar.

Alshabaab waa cadawga ummada soomaaliyeed iyo cadawga diinta iyo dhaqanka

Wararka isa soo tarayoMadaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in  uu aad oga walwal san yahay Hadalkii kasoo yeedhay ...
22/09/2022

Wararka isa soo tarayo

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in uu aad oga walwal san yahay Hadalkii kasoo yeedhay Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ee ahaa hubka Nuclear ayaan Ukraine u isticmaali doona.
Wuxuu Madaxwaynahaa Ukraine dunida inteeda kale ogu baaqay in aysan Vladimir Putin u ogalaanin inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

MW, Ukraine oo wareysi siiyay kanaalka Jarmal Bild TV Wuxuu intaas raaciyey Ma aaminsani in [Putin] uu isticmaali doono hubkan.

Hoggaamiyaha Ukraine ayaa sheegay inay sii yaraanayso suurtagalnimada in wadahadallo ay la yeeshaan Putin si loo dhammeeyo dagaalka, isagoo intaas ku daray inay dhici karto oo keliya haddii madaxweynaha Ruushka uu ciidamadiisa kala baxo dalkaas. Madaxweynaha Ukraine ayaa ka digay in ka cabashada hanjabaadaha Putin ay ku martiqaadi doonto Ruushka inuu isku dayo inuu qabsado dhul badan.
Ruushka iyo gobalada gooni-u goosashada raba waxay maamulaan dhul ballaaran oo gobolka waqooyi-bari ee Ukraine, kaas oo qiyaastii ah 15 boqolkiiba dhulka Ukraine

Zelenskyy waxa kale oo uu ku celceliyay baaqa ah in Jarmalku uu hubka iyo nidaamka difaaca hawada u keeno Ukraine si loo badbaadiyo nolosha dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in qayb cusub oo ciidamada kaydka ah ee ruushka lagu soo kordhi...
22/09/2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in qayb cusub oo ciidamada kaydka ah ee ruushka lagu soo kordhiyo Dagaalka uu kula jiro wadanka Ukraine ka dib dib-u-dhacyo waaweyn oo ku imaaday dagaal halkaas ka socday.

Siday kula tahay adigu?

22/09/2022

Duulaanka cusub ee Waqooyiga Tigrey, hadafka dhinacyada iyo dhawaaqa Makele.

09/06/2022

Raysul wasaaraha dalka itoobiya
Dr Aby Ahmad ali

12/05/2022
07/05/2022

Mohamed Abdullahi Farmaajo
Soomali mayaqaanaan.

06/05/2022

Somalia.

Address

Somali Region
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Goray media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Goray media:

Share