Kader mahamud

Kader mahamud Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kader mahamud, Somali, Jijiga.

18/11/2025

Aduunyadu waasida badwaynta oo kale sidaa udabaalanayso maalin umba laga dhaxqabandona
Marka intaad nooshahay sahaydii aakhiro diyaarso

13/11/2025

Waa sadaqo, ee fariintan sii gudbi.

Maanta waxaa la bilaabay guri loo dhisayo hooyadii caruurta Indhaha la', ee hadana dhimirka ka xannunsan haysatay. Carruur agoon ah oo dhimirka ka xannunsan, arragana naafo ka ah oo aan guri iyo cunto haysan bal qiyaas? Booska dhulka ah lacag 500K ayaa laga bixiyay.

Guri, Suuli, Barkad iyo wixii kale muhiimka ahaa ayaa maqan. Lacagta la hayo way yar tahay. Waa 120K kaliya. Carruurta Raashin iyo dhar ayaa loo dhigay. Guryaha dhismaha sii bilawda unban dhahay. Dadka halkan ku taxan, iyo ganacsatada khayrka jecel ayaan ka rajaynayaa in ay ka qayb qaatan.

Waa qoyskii ugu mudnaa ee ay sadaqo ku baxaysay. Kiilo Mismaara, hal jiingad ah, hal alwaaxa, Kiish Sibidha, qof walba wuxuu hellayo haku deeqo. Marka laysku dar-daro daarro waad dhisi kartaan.

Fariintan ganacsatada qalabka Guryaha Iibiya gaadhsiiya.

Lambarka hooyada: Ebir/Kaafi: 0957947284
Magaca ku qoran: Bishaaro Aadan.

Maanta waxa magaalada muqdisho dib ugusolaabanaya madaxwaynahenii maxamed cabdulaahi farmajo Nabad iyo nolol maanta ismu...
13/11/2025

Maanta waxa magaalada muqdisho dib ugusolaabanaya madaxwaynahenii maxamed cabdulaahi farmajo

Nabad iyo nolol maanta ismujiya

12/11/2025
12/11/2025

Ha udoodin cid aan doonayn inay kufahanto wakhtigaaga iyo tamartaada ha ilaawin

12/11/2025

đŸ‘‰Noloshu waa safar dheer oo ay weheliyaan farxad, murugo, rajo iyo tijaabooyin. Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa in dunidu kaa soo horjeedo, balse dhab ahaantii waa ay kuu diyaarinaysaa inaad noqoto qof ka xoog badan sidii h**e. Qof kastaa wuu la kulmaa waqti adag, balse farqiga u dhexeeya guuleystaha iyo kan guuldareystay waa sida ay ula dhaqmaan waqtiyadaas adag.

Xigmadda nolosha waxay ku jirtaa inaad barato markaad dhacdo, inaad aamusto markaad xanaaqdo, iyo inaad cafido markaad awood u leedahay inaad ciqaabto. Qofka caqliga badan ma aha mid had iyo jeer hadla, balse waa mid marka uu hadlayo ereyadiisu miisaan leeyihiin.

Ha quusan markaad ku guuldareysato, sababtoo ah guulaha waaweyn inta badan waxay ku yimaadaan ka dib markii la maro dariiq adag oo murugo leh. Guusha dhabta ah ma aha lacagta ama magaca, balse waa in aad noloshaada ku noolaato adigoo faraxsan, kalsooni leh, oo aan cidna waxyeeleyn.

Mararka qaar waa inaad kaligaa socotaa, si aad u barato cidda aad dhab ahaantii tahay. Dadka qaar waxay ku jeclaan doonaan marka aad korayso, qaar kalena way kaa caroon doonaan. Labadaba waa qayb ka mid ah nolosha — mid ayaa kuu baraya jacayl, midna wuxuu kuu barayaa sabir.

Ha noqon qof nolosha ku qaata isagoo dadka kale u shaqeynaya ama raadinaya aqbalaad. Qofka ugu farxadda badan waa kan og in qiimihiisu uusan ku xirnayn aragtida dadka kale

Ugu dambayn, xusuusnow:

Dulqaadku waa furaha guusha.

Aamusnaantu waa hubka caqliga.

Cafiintu waa astaanta xoogga.

Runtuna waa nalka hagta qof kasta oo doonaya horumar iyo barwaaqo.

Nolosha waa imtixaan, laakiin waa mid qurux badan marka aad barato sida loo arko dhinaceeda wanaagsan.

10/11/2025

MURUGO!
Maanta waxaan idinla waddagayna qiso ka murugo badan wixii aan horrey idiinla waddaagi jirnay. Hooyo Bishaaro Aadan Cumar, waxay ku nooshahay Magaalada Jigjiga. Waxay haystaa todobo caruur ah, oo saddex kamid ah Arraga naafo ka yihiin. Saddexda caruurta ah arraga un naafo k**a aha, ee xitaa dhanka dhimirka ayay ka xannuunsan yihiin. Waxay degan tahay Buul kun bir lagaga kirreeyay. Carruurta xaalkas ku suggan Aabahood wuu dhintay. Wax dhaqaalle ah hooyadu uma hayso. Deriska ayaa marmar u kaca, mararka qaarna caruurta intay qof kaga tagto ayay suuqa wadhatada wax uga raadisa. Wax raashin ama kayda meelna uma yaallo. Hooyadu waxay sheegtay in aysan kurbo seexan, oo waayo adduun iyo xannuunka caruurtu iskugu biiray.

Qofkii Alle wax siiyay, kii awlaad Caafimad qabta haysta ee nimcaysan, hooyadan u gurmada. Ma jiro qof ka mudnaa oo aad gar'gaari lahayden.

Qof walbow, qoraalkan faafi. Waxba ku yeelli mahayo, laakin macquul in dartaa u gaadho qof saacida.

Lambarka hooyada: Ebir/Kaafi: 0957947284
Magaca ku qoran: Bishaaro Aadan.

05/11/2025

aan kushugrino markasta nimcooyinka ilaahay inasiiyey

31/10/2025

Noloshu waa sida muraayada oo kale waxad ku aragtaa waxad u muujiso

Address

Somali
Jijiga

Opening Hours

09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kader mahamud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share