Cadaalad Tv

Cadaalad Tv Pageka Shacabka

Hoolka cusub ee dagmada Dhagax madow oo si heer sare ah loo dhisey Hoolka dagmadada ka soo jeeda inala wadaag ?
03/08/2026

Hoolka cusub ee dagmada Dhagax madow oo si heer sare ah loo dhisey

Hoolka dagmadada ka soo jeeda inala wadaag ?

Kaftanka Caawa Marka Adoo Wadanka Sodon Sano Qaloon Usoo Cunayay Lagugu Yeero Shir Ajandahiisu Yahay Anisixnta Misaaniya...
27/07/2026

Kaftanka Caawa
Marka Adoo Wadanka Sodon Sano Qaloon Usoo Cunayay Lagugu Yeero Shir Ajandahiisu Yahay Anisixnta Misaaniyada Degmada Oo Dhan 100milyan Adigana Far Qoraalku Dhib Kugu Yahay Shirka Ujeedkiisana Aad Fahamsaneen

DEG DEG : maalinimadi bari oo isniin ah waxa fariisaneya Kalafadhiga barlamanka DDS golihisa 6aad Kalafadhigan  shacabka...
26/07/2026

DEG DEG : maalinimadi bari oo isniin ah waxa fariisaneya Kalafadhiga barlamanka DDS golihisa 6aad Kalafadhigan shacabka deegaanka Soomaalida ayaa aad indhaha oogu haya oo waxa la sugaya in la ansixiyo miisaaniyadda gobolada cusuba maamul magaaloyinka iyo Dagmoyinka dhawan xukumadu qalinka ku duugtey

Xog rasmi ah ayaa Tibaaxeyso in miisaaniyadda goboladi maamul magaaloyinka iyo Dagmoyinki cusba ay ku jiran miisaaniyada deeganka somalida oo jumcihi kaabinedka Deeganka ansixiyen lana sugaya in maalinta bari ah la horgeyn Doono goloha barlamanka DDS

sido kale waxa la sagootin doona barlamanki golaha 6aad oo mudda xiloodkodu dhamaaday

Hamplyo meher : Bahda Cadaalad Tv oo isku duuban waxan hamplyo meher hawada umarineyna Abshir hassan somow iyo ugaaso de...
23/07/2026

Hamplyo meher : Bahda Cadaalad Tv oo isku duuban waxan hamplyo meher hawada umarineyna Abshir hassan somow iyo ugaaso deeq oo meherkodu ka dhacay dagamada Gurre baqaqsa

Qoysakan Reerkey dhisen waxan oogu duceyneyna awlaad baari iyo Nolol waarta sido kale alle waxan ooga baryeeyna inu cimri dheerar iyo caafimad siiyo

Barakalah ♥️

Sawirka Cusub Ee Ciyaartoyga Vini Oo Caawa Caalamka Ka Yaabiyay
21/07/2026

Sawirka Cusub Ee Ciyaartoyga Vini Oo Caawa Caalamka Ka Yaabiyay

Deg Deg -Madaxweynaha Deegaanka iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa hadda gaadhay goobtii ay masiibadu ka dhacday.Madaxweynah...
19/07/2026

Deg Deg -Madaxweynaha Deegaanka iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa hadda gaadhay goobtii ay masiibadu ka dhacday.

Madaxweynaha iyo xubnaha wafdigiisa ayaa la filayaa inay u kuur-galaan xaaladda goobta, qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay masiibada, isla markaana ay la kulmaan masuuliyiinta iyo shacabka ay dhacdadu saamaysay.

Khaasaraha dambe ee dadka iilku kudumay Dhimashadu waa 4 qof ilaahay haunaxariistee dhaawacuna waa 5 qof.

Xigasho -SDM

19/07/2026

TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday shilka gaadhi ee ka dhacay Tuulada Guuyawo ee dagmada qabri bayax

QARSA ADDULE : waxaa si rasmi ah looga bilaabay goosashada qamadiga iyo daafida xilliga gu'ga Waxaana laga filayaa goosa...
19/07/2026

QARSA ADDULE : waxaa si rasmi ah looga bilaabay goosashada qamadiga iyo daafida xilliga gu'ga Waxaana laga filayaa goosashada in laga helo wax-soosaar wanaagsan, iyadoo door weyn ka qaadan doonta xoojinta dammaanad qaadka cuntada,kabixidda ku tiirsanaanta raashimada gargaarka iyo horumarinta waxsoosaarka beeraha

Qarsa addule 7 sano ee udanbeysay shacabku waxey aad ugu kalsoonadan Dhulkooda iyada dagamada laga hirgaliyay dhul beered aad utira badan oo bulshadu ay maalgashatay

Sido kale maamulka dagamda ayaa xooga saaray iney Bulshadu ku dhiirato wax soo saarka beeraha kana fogaadan ku tiisananta Deeqaha shisheeya

Barnaamijki dalag iyo daryeel ee uu dalku qaatay 80% Qarsa addule si wanaagsan ayaa looga hirgaliyay

DEG DEG: Bahda Cadaalad Tv oo la xariirtay Hobolka weyn  ee Dhaantada Ali dhaanto ayaa waxan ka codsanaya inu dhaanto ud...
18/07/2026

DEG DEG: Bahda Cadaalad Tv oo la xariirtay Hobolka weyn ee Dhaantada Ali dhaanto ayaa waxan ka codsanaya inu dhaanto udiyaariyo Gobolka cagaaran ee hadda uu ku suganyahay ee Gurre-dhaamoole

Fanaanka wuu naga cudur daartay balse waxa uu noo balan qaaday inu dhaanto uso saari doona Gobolka macdanta ee Gurre-dhaamoole mar dhow Daawaha ayeey soo saaranyahay dhaantada Gobolka Gurre-dhaamoole

Mar kale waxan ka codsaneyan fanaanka inu Gobolka dhaantadisa ugu danbeyso uu ka dhigo

Dr. Ahmed-Ziyad Abdi, oo kamid ah aqoonyahanka deegaanka, kana mid ahaa masuuliyiintii qurba-joogta ahaa ee sida weyn ul...
17/07/2026

Dr. Ahmed-Ziyad Abdi, oo kamid ah aqoonyahanka deegaanka, kana mid ahaa masuuliyiintii qurba-joogta ahaa ee sida weyn ula dagaalamay kacaankii dibjiriinta ahaa ee deegaankan haystay, isla markaana sida weyn uga soo qayb qaatay dawlad-dhiskii isbeddelkii 2018 ka dhacay DDS, iyo doorkii qurba-joogta, ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Jigjiga.

Dr. Ahmed-Ziyad, oo ka falceliyey horumarka ballaadhan ee deegaanku ku tallaabsaday isbeddelkii ka dib, ayaa yidhi:-“Garoonka Diyaaradaha ee Jigjiga, oo ahayd meeshii ugu horreysay ee aan kasoo galo caasimadda Jigjiga, waxaa iga muuqday isbeddel weyn. Iyadoo ay habeen tahay, shaqooyin dib-u-dhis oo badan ayaa ka socday, dhanka kalena shaqadii garoonka iyo hagidda diyaaradaha si caadi ah ayay u socdeen.
Marka loo eego xilligii iigu dambaysay, oo ahayd isbeddelkii 8 sano kahor, waxaa muuqata in garoonku ku tallaabsaday horumar iyo isbeddel ballaadhan.”

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cadaalad Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share