07/09/2021
Xafiiska Adeega Shacabka DDS Public Service & HRD Bureau
Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqalaha DDS mudane Cabdiqaadir Rashiid Ducaale ayaa mar uu srtv wareysi siiyay wuxuu ka warbixiyay waxqabadyada
3-dii sano ee lasoo dhafay ee xafiiska ............
Wasiirka Xafiiska Adeegga Shacabka Iyo Horumarinta Cududda Shaqaalaha DDS, Mudane Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo waraysi siiyey SRTV ayaa ka hadlay waxqabadyada la taaban karo ee uu xafiisku guulaha ka gaadhay 3-dii sano ee u dambaysay. waxa uuna sheegay in xafiisku uu darasaadyo ka sameeyey dhinaca adeeg-bixinta, maamulka suubban iyo hirgelinta qorshaha uu xafiisku ku shaqayn doono 5-ta sano ee soo socota. sida oo kale, waxa uu wasiirku sheegay in Deegaanka laga hirgeliyay nidaamka is-waafajinta shaqada iyo shaqaalaha, iyada oo meesha laga saaray dhammaanba dadkii ku shaqayn jiray shahaadooyinka been-abuurka ah.
Wasiirku mar uu ka hadlay fursadaha waxbarasho ee dalka iyo dibadda waxa uu sheegay in 61 arday ay u direen waxbarashada culuumta la xidhiidha shidaalka si looga faa'iideysto kheyraadka Deegaanka, dalka dibaddiisana ay u direen arday Soomaaliyeed si ay uga soo bartaan cilmiyada aan laga helaynnin dalka gudihiisa.
Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaalaha dawladda ee aan ku sugnayn goobahooda shaqo, caqabadna ku ah adeeg-bixinta la siinayo shacabka laga qaadi doono tallaalabo si loo xaqiijiyo adeegyada bulshada loo hayo.
3,500 qof ayaa qorshe loo qaatay in la shaqalaysiiyo ayuu yidhi mar uu ka hadlay qorshaha shaqalaysiinta 2014-ka t.i (tirsiga Itoobiya).
Dhinaca kale, waxa uu carrabaabay in siyasaadda TPLF ay ku mamulaysay dalka 27-kii sano ee la soo dhaafay ay ahayd mid hagardaamo ku reebtay shacabka Soomaalida, taasi oo sababtay in Deegaanka uu ka dhoco xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay sababteeda lahayd siyaasaddii guracnayd ee TPLF.
"Dhibatooyinkaana waa kuwo marag-ma'doonto ah, dadka u sacabbo tumayana waa kuwo wata hadafyada ay TPLF wadato kuwaasi oo lagu burburinayo