Hoggol TV

Hoggol TV Hoggol kalasoco warar warbixino iyo barnaamijyo kuxiisa galiya

27/09/2022
WAR DEG DEGAHal qof ayaa ku dhintay, halka ay 60 qof oo kale xannuun u jiifaan keddib markii ay ku sumoobeen hilib geel ...
05/08/2022

WAR DEG DEGA

Hal qof ayaa ku dhintay, halka ay 60 qof oo kale xannuun u jiifaan keddib markii ay ku sumoobeen hilib geel ay dadku cuneen.Dhacdadan ayaa ka dhacday qabalaha Qaaxo ee Degmada Qabribyax.

Lixdankii qof oo xannuun la jiifa ayay maamulku la tacaalayan sidda uu noo sheegay guddoomiyaha Degmada oo aan waraysanay.

Bulshada iyo xoollihii kale ee goobtasiba waxay u baahan yihiin gurmad Degdega.

W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)
VOSS TV

War Deg Deg Ah.Guutada 2aad ee Ciidanka xooga gaarka ah ee DDS, ayaa gacanta ku dhigtay 2 nin oo kasoo jeeda dalka Niger...
03/08/2022

War Deg Deg Ah.

Guutada 2aad ee Ciidanka xooga gaarka ah ee DDS, ayaa gacanta ku dhigtay 2 nin oo kasoo jeeda dalka Nigeria kuwaas oo kamid ahaa maleeshiyaadkii argagixisada alqushaash ee kusoo ambaday gudaha gobolka afdheer ee DDS.

Faafin dheeraada, isha kuhay SDM.

SDM

DEG DEG: Raysal Wasaaraha Soommaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Magacaabay Golihiisa Wasiiradda isaga oo soo dhisay Xukuuma...
02/08/2022

DEG DEG: Raysal Wasaaraha Soommaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Magacaabay Golihiisa Wasiiradda isaga oo soo dhisay Xukuumad uu ugu Magac daray Dan Qaran.

Halkan ka akhriso magacyada wasiiradda cusub.

Saalax Jaamac Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Soomaaliya

Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya

Xasan Macalin Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuirka

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha gudaha.

Dr.Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Maaliyadda.

C/aaair Jaamac Wasiirka Gaashnaadhiga

Abhir Huruuse Wasiirka arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga

Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare

Maxamuud C/raxmaan Beena Beene Wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga

Jaamac ilkaa Jiir Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiid

Fardowsa cismaan Dhoore Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka

Jaamac Xasan Khaliif Wasiirka Boosatada iyo Isgaatsiinta

Xasan Xuseen Eelaay Wasiirka Xananaada Xoolaha

Jibriil Cabdi rashiid Wasiirka Ganacsiga warshadaha

Ismaaciil sheekh Bashiir Wasiirka Howlaha guud iyo gureyenta

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka.

Dr Crisaaq Cumar Maxamed Wasiirka Batroolka Macdanta

Maxamed Doodishe Wasiirka Amniga gudaha

Axmed Madoobe Nuunoow Wasiirka beeraha waraabka

Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka

Axmed Xasan aadan Wasiirka Kaluumeysiga kheyeaadka badda

Daauud Aelweys Wasiirka warfaafinta

Biixi Iimaan Cige Wasiirka Shaqada iyo shaqalaaha

Jaamac Taqal Wasiirka Korontada iyo Biyaha

Maxamed Barre Maxamuud Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaraaha

Khadiija Al Makhzuumi Wasiirka Bay’adda iyo isbdelka Cimiladda.

02/08/2022

Faahfaahin qaraxii ka dhacay magaalada muqdisho

Culimmada Deegaanka ayaa kulan ay isugu yimaadeen saaka oo ay kumarti qaadeen Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe  Muxummed...
02/08/2022

Culimmada Deegaanka ayaa kulan ay isugu yimaadeen saaka oo ay kumarti qaadeen Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ka soo saaray baaqani hoose:

1. Waxaan cambaaraynaynaa falalkii argagixisadu ka gaysteen Deegaankeenna.

2. Waxaan taageeraynaa una hambalyaynaynaa guushii taariikhiga ahayd ee ay ku soo afjareen ciidankeennu hawlgalkii lagu sifaynayay Al-shabaab.

3. Waxaan bogaadinaynaa kaalintii muhiimka ahayd ee xukuumadda iyo taageeradii shacabka Deegaanku u fidiyeen Ciidammada Xoogga Gaarka ah.

4. Waxaan guud ahaan bulshada ugu baaqaynaa in ay sii labo jibbaaraan taageerada ay la garabtaagan yihiin ciidanka Deegaanka.

5. Waxaan bulshada ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan falalka gurracan iyo fikirrada khaldan ee ay xambaarsan yihiin argagaxisada Al-shabaab.

6. Waxaan bulshada u caddaynaynaa in ay Al-shabaab wax sal iyo raad ah ku lahayn diinteenna Islaamka.

7. Waxaan culimmada Deegaanka ugu baaqaynaa in ay si joogto ah ugu caddeeyaan bulshada afkaarta khaldan ee ay aaminsan yihiin Al-shabaab, taas oo ku dhisan in ay gaalaysiiyaan dadka daadiyaanna dhiigga muslimiinta iyo khalkhal-gelintooda.
8. In masaajidka iyo manaa birta bulshada looga sheego dhibaatada fikirka argagixisada Al-shabaab.
9. In la garab-istaago hay'adaha amniga loona hoggaansamo dhammaan amarrada lagu sugayo amniga.

02/08/2022

Dhagayso muuqalkan

Ninkan oo u dhashay dalka mareykanka, ayaa isu dili rabey lacag 1M$ ah oo lagu yeeshay awgeed,Sababtoo ah Uu awoodi Waay...
02/08/2022

Ninkan oo u dhashay dalka mareykanka, ayaa isu dili rabey lacag 1M$ ah oo lagu yeeshay awgeed,Sababtoo ah Uu awoodi Waayay inuu lacagtaas iska bixiyo oo waa nin faqiir ah kadib waxa uu korey fooq aad u dheer dushiisa waanu iska soo tuurey.

Balse waxa uu ku dul dhacay gaadhi BMW ah oo baabuurta dunida ugu qaalisan ah qiimihiisuna yahay 22M$ ,Nasiib darro ninkii Muu dhiman oo dhaawac fudud baa soo gaadhay Wuxuu iskusii badiyay uun lacagtii oo hadda waxa laga rabaa inuu gaadhigaasna sidiisi ka dhigo .😁🤣🤣🤣🤣🤣

Madaxwayne Mustafe iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa si blaadhan loogu soo dhaweeyay duleedka magaalada Jigjiga.Waftiga ...
28/07/2022

Madaxwayne Mustafe iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa si blaadhan loogu soo dhaweeyay duleedka magaalada Jigjiga.

Waftiga ayaa inta u badan dhiirigalin iyo taageeroba u soo muujinayay ciidamada jiida h**e difaaca kaga jira.

Madaxwayne Mustafe oo boqolaal dad ah oo soo dhawaynayay kula hadlayay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyay shacabka iyo ciidamada guusha ka soo hoyiyay argagixisada alshabaab.

Waxa uuna Mudane Mustafe ku booriyay bulshada inay sii wadaan taageerada ay muujiyeen.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay falcelin ka soo yeedhay qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed, ayuu ku sheegay inay tahay in wax kasta la saaro miisaanka saxda ah, balse ayna jirin wax dhib ama shido ah oo aan la jecelnahay walaalaheena Jamhuuriyada soomaaliya balse aan jecelahay nabadooda iyo horumarkoodaba.

Taas badalkeedna ay tahay in fiiro gaar ah loo yeesha markii cadaw isku soo uruursanayo meel xuduuda u jirta 10 KM in ay tahay in wax laga qabto, balse ayna jirin wax damac ah oo aan ka leenahay dhulka Soomaaliya.

27/07/2022
27/07/2022

Walalkay wuxuu jiida h**e kaga jira dagaalka alshabaab lagaga sifaynayo xuduudka deeganka ana waxaan diyaar uhay in aan galo

Fadxi mahamed abdullahi

20/07/2022

Dadka hayska qaynay inaad kali wax garatahay hayka dhigin walaaleey 😍 all fanan mooge yare oo cod macan ku qadaya ila daawo

Fadlan hanaga iloobin

Like iyo share dheh muqaalkan

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hoggol TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hoggol TV:

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share