Badermedia24

Badermedia24 Badermedia24: Is a online media news and Updated on air. We bring to news, throught seamless and holistic experience Print, Social media.

DEG DEG-:Dagaal u dhexeeya Ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo Ciidamo taabacsan Madaxweynihii h**e ee maamulkaasi Ca...
17/08/2026

DEG DEG-:Dagaal u dhexeeya Ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo Ciidamo taabacsan Madaxweynihii h**e ee maamulkaasi Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa saakay aroortii ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii ciidamada taabacsan madaxweyne h**e Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada maamulku ay lahaayeen sidaasna uu dagaalku ku qarxay.

Ciidamada taabacsan MW h**e Mw Cabdicaziiz Laftagareen xubno u hadlay oo muuqaalo ku baahiyey Baraha Bulshada ayaa sheegtay inay la wareegeen xaafado kamid ah magaalada Baydhabo kadib dagaalka ka dhacay halkaasi sida ay hadalka u dhigeen walow wali warkaas aan si dhab ah loo xaqiijin karin,Walina majiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Xaaladda ayaa wali kacsan sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka ee lagu dul dagaalamay.

DEG DEG: Rasaas teel-teel ah ayaa weli laga maqlayaa Xero Jaad, oo ah goob muhiim ah oo ku taalla magaalada Baydhabo.Cii...
17/08/2026

DEG DEG: Rasaas teel-teel ah ayaa weli laga maqlayaa Xero Jaad, oo ah goob muhiim ah oo ku taalla magaalada Baydhabo.

Ciidanka Laftagareen ayaa weli haysta xaafado ka tirsan Baydhabo, waxaana laga cabsi qabaa inay gaaraan afarta irdood magaalada, kuwaas oo ku dhow bartamaha Baydhabo.

Laba xubnood oo ka tirsan garabka Aadan Madoobe ayaa Himilo TV u sheegay inay iska difaaceen weerar ay saaka ciidanka Laftagareen ku qaadeen magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidanka Laftagareen ee weerarka ku qaaday Baydhabo ku tilmaantay koox Khawaarij ah.

🚨 WAR DEGDEG AH: Indonesia oo wajahaysa xaalad bani’aadantinimo kadib dhulgariirXaalad jahawareer ah ayaa ka taagan qayb...
17/08/2026

🚨 WAR DEGDEG AH: Indonesia oo wajahaysa xaalad bani’aadantinimo kadib dhulgariir
Xaalad jahawareer ah ayaa ka taagan qaybo ka mid ah dalka Indonesia, kadib dhulgariir xooggan oo sababay burbur iyo khasaaro soo gaaray shacabka.
Wararka ayaa sheegaya in dadka ay weli ku sugan yihiin bannaanka, iyadoo ay jiraan baahiyo degdeg ah oo la xiriira cunto, biyo iyo teendhooyin.
Qof ka mid ah dadka ay dhibaatadu saameysay ayaa sheegay in inkastoo ay ka badbaadeen dhulgariirka, haddana ay ka cabsi qabaan gaajo iyo xaaladaha adag ee ka dhashay musiibada.
Indonesia waa dal si weyn ugu nugul dhulgariirrada iyo qaraxyada foolkaanaha, waxaana dadka qaarkood ay dhacdadan barbar dhigayaan dhulgariirkii weynaa ee Indonesia ka dhacay 1992, kaas oo sababay dhimashada kumannaan qof.
Ilaa hadda, wararka la helayo waxay sheegayaan in qiyaastii 50 qof ay dhinteen, balse tirada khasaaraha ayaa isbedeli karta iyadoo gurmadka iyo baaritaannadu socdaan.

100bir kudir   EBIRR-KAAFI;  0906555240  oo Akhiro iyo Aduunba ku AnfacayaMgaca lagudryo; Hasan MohamedCBE Account; 1000...
16/08/2026

100bir kudir EBIRR-KAAFI; 0906555240 oo Akhiro iyo Aduunba ku Anfacaya
Mgaca lagudryo; Hasan Mohamed
CBE Account; 1000073132658
Hasan mohamed

Walal Allah dartiis waxaad ula baxday oo hooyo Dhibaataysan kusoo Caawisay k**a halaabayso waan awoodna 200birr 300birr 500birr iyo 1000birr inaan ku caawino hooyadan oo ku badbaadino nolosheeda Allah khayrka Hayna wafajiyo ee aan Gacanta furno oo isku naxariisano walal Allah si uu inoogu naxariisto..

DEGDEG:  ,  Isbahaysiga   iyo   ayaa lasheegaya inay gacanta ku dhigeen magaalada secota taaso haday run noqoto dhabar j...
16/08/2026

DEGDEG: , Isbahaysiga iyo ayaa lasheegaya inay gacanta ku dhigeen magaalada secota taaso haday run noqoto dhabar jab wayn ku noqonaysa dawlada federaalka.

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan oo Shaaciyay Faahfaahin Cajiib ah oo ka Dambeysa Heshiiska HormuzAfhayeenka Baarlamaanka ...
16/08/2026

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan oo Shaaciyay Faahfaahin Cajiib ah oo ka Dambeysa Heshiiska Hormuz

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa shaaca ka qaaday waxa uu ku tilmaamay dhacdooyin cajiib ah oo dhacay intii lagu jiray wadahadallada ku saabsan heshiiska dib loogu furayo marin biyoodka Hormuz.

Sida laga soo xigtay Ghalibaf, wadahadalladu waxay noqdeen kuwo aad u kacsan ka dib markii weerarrada Israa'iil ay bartilmaameedsadeen koonfurta Lubnaan iyadoo wadahadalladu ay weli socdaan.

1. Iiraan waxay ku Hanjabtay inay Kacayso Gobolka

Ghalibaf ayaa sheegay in mas'uuliyiinta Iiraan ay si ku meel gaar ah uga baxeen wadahadallada ka dib markii ay ogaadeen weerarrada Israa'iil. Wuxuu sheegay inay ku dhawaaqeen in Iiraan ay ka aargudan doonto Israa'iil haddii weerarradu sii socdaan wuxuuna ka digay in jawaab kasta oo Israa'iil ay kicin karto dagaal goboleed oo ballaaran.

2. Tehran waxay Dalbatay Gargaar Degdeg ah

Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiskii asalka ahaa uu ku baaqay in Mareykanka uu qaado xayiraadaha saameeya dekedaha Iiraan 30 maalmood gudahood.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib weerarrada Israa'iil, gorgortanka Iiraan ayaa la sheegay inay beddeleen mowqifkooda waxayna dalbadeen in xayiraadaha la qaado isla habeenkaas si loo sii wado wadahadallada.

Sida laga soo xigtay Ghalibaf, dalabka ugu dambeyntii waa la aqbalay.

3. Ku dhawaaqista Trump ee Hormuz waxay kicisay iska hor imaad kale

Afhayeenka Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku soo qoray X in Marinka Hormuz dib loo furay iyo in xayiraadaha saaran dekedaha Iiraan la qaaday.

Ghalibaf wuxuu sheegay in mas'uuliyiinta Iiraan ay isla markiiba ka hor yimaadeen ku dhawaaqista, iyagoo la sheegay inay dhinaca wadahadalka u sheegeen in hadalka Trump uu yahay mid aan sax ahayn oo ay dalbanayaan in laga saaro.

Wuxuu sheegay in Iiraan ay ka digtay in haddii boostada ay online ku sii jirto, ciidamada Iiraan ay beegsan doonaan maraakiibtaas

DEG DEG Xuutiyiinta Yamen ayaa weeraro cusub ku qaaday al-Makha iyo Marib waxaana jira khaasaare wayn oo soo gaadhay goo...
16/08/2026

DEG DEG Xuutiyiinta Yamen ayaa weeraro cusub ku qaaday al-Makha iyo Marib waxaana jira khaasaare wayn oo soo gaadhay goobaha duqayntu ku socoto.

Ra'iisal Wasaaraha ISRL ayaa baahiyay boodh ay ku sawiran yihiin Madaxweynaha Turkiga, Hogaamiyaha sare ee Iiraan, Hogaa...
16/08/2026

Ra'iisal Wasaaraha ISRL ayaa baahiyay boodh ay ku sawiran yihiin Madaxweynaha Turkiga, Hogaamiyaha sare ee Iiraan, Hogaamiyaha Xsbulaaah iyo Maayarka magalada New York.

Wuxuuna Natanyahu ku lifaaqay boodhka qoraal uu ku leeyahay. "Waxay rabaan in Natanyahu laga adkaado, ha u ogolaanina iney guuleystaan."

Xigasho: Voss Tv

Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya oo Ka Hadlay Xaaladda Amni iyo Doorka Ciidamada Hawlgallada Gaarka ahTaliyaha Ciidam...
14/08/2026

Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya oo Ka Hadlay Xaaladda Amni iyo Doorka Ciidamada Hawlgallada Gaarka ah

Taliyaha Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa maanta ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, awoodda ciidamada iyo khataraha uu sheegay inay Itoobiya kala kulmayso gudaha iyo dibaddaba.

Field Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay in Ciidanka Hawlgallada Gaarka ah ee Itoobiya uu yahay ciidan leh awood iyo tababar gaar ah, isla markaana awood u leh inuu si degdeg ah uga jawaabo khataraha amni ee dalka ka dhaca. Wuxuu xusay in awoodda ciidankan ay muhiim u tahay ka hortagga iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale ammaanay doorka Ciidamada Difaaca Itoobiya ay ka qaateen dagaalladii iyo hawlgalladii amni ee dalka ka dhacay sannadihii u dambeeyay. Sida uu sheegay, ciidamada ayaa naf iyo maalba u huray ilaalinta midnimada Itoobiya, madax-bannaanideeda iyo sharciga dalka.

Dhaliil adag oo loo jeediyay kooxaha hubeysan

Intii uu hadalkiisa sii watay, Birhanu Jula wuxuu si adag u dhaliilay TPLF, Shacbiya, Fano iyo Shane, isagoo ku eedeeyay kooxahan iyo dhinacyadan inay wiiqayaan midnimada iyo awoodda Itoobiya.

Wuxuu sheegay in qorshayaasha uu ku tilmaamay kuwo lagu wiiqayo dalka aysan ugu dambayn guulaysan doonin, isagoo ciidamada ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, awooddooda xoojiyaan, isla markaana si joogto ah ugu diyaar garoobaan khatar kasta oo soo wajahda dalka.

Taliyuhu wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay TPLF, isagoo ku eedeeyay inay muddo dheer door ku lahayd wiiqidda midnimada Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay in siyaasadaha iyo tallaabooyinka uu ku eedeeyay dhinacyadaas ay qayb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in Itoobiya laga wiiqo dhinacyada istiraatiijiga ah, oo ay ku jirto arrinta marin-badeedka.

Baaq ku socda ciidamada

Birhanu Jula ayaa ciidamada ugu baaqay inay sii xoojiyaan awooddooda milatari, diyaargarowga iyo awoodda ay ugu jawaabi karaan xaalad kasta oo khatar ku ah amniga qaranka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay yeeshaan diyaargarow joogto ah, awood ay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladaha degdegga ah iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Farriinta guud ee hadalka

Farriinta ugu weyn ee hadalka Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya waxay ahayd in ciidamada ay sii wadaan waajibaadkooda ilaalinta dalka, iyadoo Itoobiya ay dhinaceeda sii wadanayso dadaallada horumarinta iyo barwaaqada.

Birhanu Jula wuxuu sheegay in waxa uu ugu yeeray “cadawga taariikhiga ah” aysan gaadhi doonin ujeeddooyinkooda, isagoo muujiyay in dowladda iyo ciidamada Itoobiya ay ka go’an tahay ilaalinta danaha qaranka iyo sii wadista jihada horumarineed ee dalka.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli Itoobiya ay wajahaysa caqabado amni iyo siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan leh, iyadoo arrimaha la xiriira xasilloonida gudaha, awoodda ciidamada, xiriirka gobolka iyo danaha istiraatiijiga ah ee dalka ay weli yihiin arrimo si weyn looga doodayo.

📌 See more
🔁 Share | Like | Follow Badermedia24

 :Magaalada Diridhaba ayaa si rasmi ah loogu heshiiyay inay sii ahaato magaalo hoos tagta Dowladda Federaalka Itoobiya.K...
14/08/2026

:
Magaalada Diridhaba ayaa si rasmi ah loogu heshiiyay inay sii ahaato magaalo hoos tagta Dowladda Federaalka Itoobiya.

Kooxihii ka koobnaa 250 iyo 500 oo xubnood ayaa isku raacay in Diridhaba ay noqoto magaalo hoos tagta Dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana la saxiixay heshiiska ah in Diridhaba ay sii ahaato magaalo federaal ah.

Ajandaha la keenay wuxuu ahaa in Diridhaba noqoto magaalo ka tirsan Deegaanka Soomaalida, Deegaanka Oromia ama ay hoos timaaddo Dowladda Federaalka.

Balse waxaa la isku raacay inay noqoto magaalo hoos tagta Dowladda Federaalka Itoobiya. Kooxihii ka koobnaa 250 iyo 500 ayaa ugu dambayn soo jeediyay in Diridhaba ay noqoto magaalo federaal ah, waana la saxiixay heshiiska.

Marka dhammaan qodobada lagu heshiiyo, waxaa loo gudbin doonaa ergooyinka 4,000-ka ah, kuwaas oo iyaguna ansixin doona.

Ogaadenia Media

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Badermedia24 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Badermedia24:

Shortcuts

Share