Omar Abdullahi

Omar Abdullahi Ninka ay hagaysa
Hadafkiisa gaadhe
Hooyo waa nolosho dhan

23/11/2023

Xaqiyo dulmibaa rabbow
Dagaalku dhexdooda yahay
Rabbow baadil doobyayiyo
Naf daahira baa lagdami
Nin xoola cir-doona iyo
Rabbow xaq u dirir weeyaan
Xarbigu darafyadu dhex yaal

Duulaanka yuhuuda ee
Gaaladu dacal taagan yiin
Waxay dul dageen ummado
Ku nool dagalkooda oo
Intay ku fureen dagaal
Oo ay ku shideen dabay
Ka xoogeen dalkii dhamaan

Waxay ka dhisteen dal wayn
Carro ay dulmi kaga rareen
Degaanka ninkii lahaa
Oo intay ka daaduumiyeen
Daryeel xumo wada il daran
Masjidka darajaysaniyo
Qudus bay rabbow doonayan
Inay duligaa yuhuud
Dhexdiisa dameera iyo
Doofaaro ku gawracdaan

Rabbow dumi baadikoo
Xaqay garba duubayaan
Rabbow dabarada ka go'
rabbow hooji daalimkoo
Dadkaa falaastiin rabbow
Doorkan ugu hiili guul
Munaafaqa doobyaye
Kibirsan rabbiyow dulee
Diciifkana xoojiyooo
Rabbow darajee quwee

Dariiqaad jidaysay iyo
Rabbow diintaadii bay
Dafireen gaalo Eebe oo
Dawgii jahligay mareen
Intay diideen cilmiga
Iftiinkiina way dadeen
Oo mugdibay door bideen

Dulmigaa xoogaystayoo
Waxaa batay duudsigoo
Beenta darartoo fidee
Runtii ka diciiftay iyo
Rabbow dunidaada bilan
Cadaalad kusoo dabaal

Islaam dilan baan nahoo
Dulooboo naaqusee
Daciifnimadiyo dhibkiyo
Cabsida rabbow naga dul-qaad
Damiirkaa naga dhintee
iimaan rabbow noogu deeq
dubaaqaan mayd ka nee
Rabbow nagu beer dadnimo
Qalbiga noo daji yaqiin

Omar Abdullahi

Qof dhamaysa aadmigaOo ma jiro dhaliil laynDhan hadduu gob yahay ruuxiinbu dhinac ku leeyahayOmar Abdullahi Hussein
07/05/2023

Qof dhamaysa aadmiga
Oo ma jiro dhaliil layn
Dhan hadduu gob yahay ruux
iinbu dhinac ku leeyahay

Omar Abdullahi Hussein

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Omar Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share