20/03/2026
Shacab kumaanaan ah oo ku dhaqan magaalada Raaso ee gobolka Afdher ayaa salaada ciidul fidriga ee sanadkan 1447 tirsiga islaamka ku oogay magaalada Raso
🌙✨
Qaybaha kala duwan ee bulsho-waynta ku dhaqan dagmada Raasoee gobolka Afdher oo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo ku niyadsamaanta maalinkan ciidul-fidriga ayaa labada ragcadood ee salaada ciida si meeqaam sare leh u oogay.
Odoyaasha Dhaqanka ,Culumaa udiinka iyo Masuuliyiin ka hadashay munaasabada ciida iyo qaar ka mid ah shacabka ayaana munaasabada ciida ugu hambalyeeyey dhamaan muslimiinta dunida.