25/06/2023
Hal Qalbi oo Wanaagsan ayaa ka Wanaagsan, Kun Weji oo Qurxoon.
Maanta badankeena waxaynu qiimeynaa wejiyada qurxoon, balse mana siin karaan farxadda aynu u baahannahay, mana siin karaan naxariista uu qalbiyadeena u baahanyahay, mana daryeeli karaan, mana daneyn kareyyaan sababtoo ah qoloftooda ayaa qurxoon balse qalbiyadooda waa god qudhmay oo kale.
Ruuxna haku dooran qaab jir dhismaddiisa, qaab quruxda jirkiisa, haku dooran lebis iyo agabyadda uu isku carfiyo, hana kudooran lacagta markaas uu heysto ogsoonow intaas kuma siin kareyyaan farxad iyo qalbigaada degenaantiisa kumana siin karaan wehelka aad u baahantahay, kuumana noqon karo qof kufahma kuudhow kudareema xili walba.
Hadii aad rabtid ruux kaa qosliya, kula kaftama, farxad kusiya qalbigaada dareema oo ilaaliya, ku daryeela, ku daneeya, kuu diir naxa, xiliyada adag ku garab taagnaada, xiliga foosha korkaadda taagnaada, xiliga umusha caruurta kaa haaya, howshana qabta, kuu diir naxa, marwalba sajuudda kaa dhunkada QALBIGA WANAAGSAN DOORO 🥰
Gabadh walba xiliga ay foosha tahay hadii ay ka hesho ninkeeda garab istaag iyo naxariis xanuunka foosha madareento, qiiro darteed ayay la oyni. Qalbiyan ayay u farxi runtii, lkn hadii ay garabkeeda cidlo yahay ninkii ay nafteeda u hurtay uu banaamadda iska fadhiyo ama ku qayilaayo waxay dareemaysaa inay nasiib darantahay, calool xumo iyo qalbi xumo ayay ka qaadeysaa.
Jaceylna waan rabaa, naxariisna waan doonaaya iyo nin ama Gabadh lacag leh ayaa rabaa taasi waa ganacsi, ganacsiguna waa xeelad ee naf isa siin ma aha walaashey/ walaalkey.
Qalbi ayaa leeyahay oo nin idhali karo ayaa lacag u guursanaaya, qalbi ayaa leeyahay hooyadaa ruux le’eg ayaa guursanaaya taasi waa raadin iyo maalgelin ganacsi oo kale faa’iido doon baatahaye, jaceyl iyo nolol doon matihid ee isbedel yaaku dhaha inta aadan qoomameyn.
Lacagta iyo Qurbaha aad u guursan rabtid makeenaan farxad, gadaal ayaa ka ogaan doontaa nolosha dhabta ahi waxay tahay qalbiga haduu kuu qanacsanyahay faraxsanyahayna taaj
Fadlan qoraalkan xaqiisa siiya.
Hadii aadan kamid ahayn asxaabta nala socoto fadlan .soo.dheh oo noosoo raac