Miyir Media

Miyir Media Nagu soo biir oo kamid noqo saxiibada bogeen Miyir Media, 🙏

KHUDBADAHA  JIMCAHA IYO SALUUGAYGA: Khudbadda Jimcuhu waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee bulshada lagu wacyigeli...
17/08/2026

KHUDBADAHA JIMCAHA IYO SALUUGAYGA:

Khudbadda Jimcuhu waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee bulshada lagu wacyigelin karo, lagu hagaajin karo fikirkooda, laguna toosin karo hab-dhaqankooda guud. Waa fursad toddobaadle ah oo kumannaan qof ay si wadajir ah u dhegaysanayaan hadal diini ah. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in bulshadu hesho khudbado su'aalo weydiiya hab fikirkooda, xalal soo jeediya, qalbiga mujtamaca taabta, caqliyada dhaqaajiya, isla markaana qofka ku xidha masuuliyadda uu ku leeyahay qoyskiisa iyo bulshadiisa.

Diintu ha noqoto iftiin lagu hago nolosha, khudbadduna ha noqoto buundo isku xidhdha Qur'aanka iyo waaqaca, masaajidka iyo bulshada, iimaanka iyo ficilka.

Khudbadaha in bulshada lagala hadlo ay mudan tahay waxa ka mid ah: tarbiyadda carruurta, xidhiidhka waalidka iyo ubadka, kala-qaybsanaanta bulshada, akhlaaqda ganacsiga, musuqmaasuqa, dayaca dhalinyarada, isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada, waqtiga oo la dayaco, waxbarashada, shaqo la'aanta, khilaafaadka qoysaska, furriinka, derisnimada, nadaafadda deegaanka, mas'uuliyadda bulshada iyo sidii qof walba uga qayb qaadan lahaa dhismaha bulsho wanaagsan iyo kuwo badan oo looga sii baahi badnaan karo.

Ugu dambayn,Boorama waxay u baahan tahay khudbado la nool waaqaceeda.

Ustaad Naafic Mohamed Qaadi

Raysal wasaraha Somalia Hamza Abdi Barre “ Dowladda waxa ay shaqo siisay hooyada ardaygii galay kaalinta koowaad ee inti...
17/08/2026

Raysal wasaraha Somalia Hamza Abdi Barre “ Dowladda waxa ay shaqo siisay hooyada ardaygii galay kaalinta koowaad ee intixaamka qaranka”.

17/08/2026

Curintii Hiboole Abdulqani Dahir Haji 🦻

16/08/2026

Anaga wanaag idiinku talinayna waaxad doonay saanbaan Doonaynaa Malinkay Adkayd Suldaan Mohamed Suldaan Salebaan 🙏♥️

16/08/2026

Fariin Mihiima kuna socota shirkada wada biyo galinta Magalada Awbarre iyo xafiiska biyaha

Ganacsade u dhashay dalka Kenya ayaa baraha bulshada caan ka noqday, kadib markii qeyb ka mid ah wajigiisa, gaar ahaan f...
16/08/2026

Ganacsade u dhashay dalka Kenya ayaa baraha bulshada caan ka noqday, kadib markii qeyb ka mid ah wajigiisa, gaar ahaan faruurtiisa, ay si weyn u barartay qaniinyo shinni oo ku dhacday xilli uu malab maalayay.

Dhacdadan xanuunka lahayd ayuu ganacsaduhu u beddelay xeelad xayeysiis, isagoo sawirka wajigiisa bararsan u adeegsaday inuu ku muujiyo in malabkiisu yahay mid dhab ah oo si toos ah looga soo ururiyo shinnida.

Xeeladdiisa ayaa si weyn u soo jiidatay dadka baraha bulshada, iyadoo fariintiisu ahayd: “Haddii aad rabto caddeyn in malabkani asli yahay, eeg waxa shinnidu igu samaysay.”

16/08/2026

Nastexo Mawliid Xasan waxa ay ka mid ahayd ardaydi ka baxady dugsiga sare Magalada Awbarre,

Waxay waxbarashada jamacadana ka diyarisay jamacada Adal kadib markay ka mid noqotay ardayda kalma h**e ka gashay jamacada waxa loo xudhay in ayKa shaqaysa Dhakhtarka Adal Qaybta Caruurta,

Gabadh dadaalbadan oo kamidho dhalisay hayanankedii wax barasho guulo badan ayaan kuu rajaynaynaa wlal

Maamulka Deganka ayaa manta qaybiyay 100 motoyin ah oo logu tallo-galay dadka Nafada ah. Mootoyinkan oo ah nooca casriga...
16/08/2026

Maamulka Deganka ayaa manta qaybiyay 100 motoyin ah oo logu tallo-galay dadka Nafada ah. Mootoyinkan oo ah nooca casriga ah aya sacidi doona dadka nafada ah.

16/08/2026

Awooda Ilaahay 👀

Shirwaynaha Wadatashiga Hormarinta Magaalada Qabribayax ee Qurbojoogta iyo Maamulka Magaalada
15/08/2026

Shirwaynaha Wadatashiga Hormarinta Magaalada Qabribayax ee Qurbojoogta iyo Maamulka Magaalada

Address

Abdiwahab Mohamed Miyir
Jijiga
00204882

Telephone

+252654629170

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Miyir Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Miyir Media:

Shortcuts

Share