23/08/2026
Waxaa la baafinayaa Samiiro Jaamac Cismaan Axmed, oo afar maalmood ka hor ka soo baxday magaalada Garoowe.
Sida ay qoyskeedu xog ku heleen, waxaa la sheegay in shalay galabtii gabar iyada u eg lagu arkay magaalada Cagaarweyne, iyadoo saaran gaadhi booyad shidaal ah oo ku soo jeeday dhanka Deegaanka Soomaalida.
Qoyskeedu waxay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladdeeda, waxaana jira walaac laga qabo inay tahriib gashay ama ay ku sii jeeddo safar aan xog rasmi ah laga hayn.
Hay'adaha amniga deegaanka soomaalida, gaar ahaan ciidamada amniga ee ku sugan bar-kantaroolada, waxaa laga codsanayaa in haddii ay arkaan Samiiro Jaamac Cismaan Axmed, oo sawirkeedu halkan ka muuqdo, iyadoo gaadhi la socota, ama safar ah, ay si nabadgelyo leh u xaqiijiya xaaladdeeda, isla markaana gacanta ku hayaan inta qoyskeedu u imanayo.
Cid kasta oo aragtay samiiro, la kulantay ama haysa wax xog ah oo ku saabsan halka ay ku sugan tahay, fadlan si degdeg ah ula soo xiriir qoyskeeda.
📱 WhatsApp: +252 905 710 626/
👤 Jaamac Cismaan Axmed.
Fadlan qoraalkan la sii wadaag asxaabtaada (Share) si uu u gaadho dad badan. intaasiba waxay wax weyn ka tari kartaa in qoysku helo gabadhooda.
Mahadsanidiin.