23/08/2026
Caddaaladda, Sinaan iyo Wadajirka Bulshada
Sida aynu wada ognahay, degaankena Waxaan Kusoo Kordhay gobolo ,dagmoyin iyo ismaamulo cusub waxay keeneen xilal iyo kuraas cusub oo aan h**e uga jirin deegaanka, gobolka Liibaan waxaa kusoo kordhay dhismaha Gobolka Guradhamole, Degmada Xagar Moqor, iyo labada Ismaamul Magaalo ee Filtu iyo Doollo Ado
Fursadahaas cusub waa in aan loo arkin oo keliya kuraas la kala qaato, balse loo arkaa mas’uuliyad lagu dhisayo kalsoonida iyo mustaqbalka bulshada.
Sidaa darteed, waxaan masuuliyiinta, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha ay arrintani khusayso ugu baaqaynaa in magacaabista xilalkaas lagu saleeyo caddaalad, aqoon, karti, waayo-aragnimo iyo matalaad bulsho, lagana fogaado in lagu saleeyo qabiil, eex, riixasho ama fikirka ah “kan waa reer hebel, kan waa laandheere, kan kalena waa laan-gaab.”
Caddaaladdu ma aha in qof walba wax isku mid ah la siiyo; caddaaladdu waa in qof walba la siiyo waxa uu xaq u leeyahay, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda aqlabiyadda iyo tan dadka laga tirada badan yahay.
Sidaas darteed, waa muhiim in la tixgeliyo (Majority Rule iyo Minority Rights) sida Dastuurka dalka (Constitution Ethiopia) Ku Cad
qodobada Qodobka 8
Qodobka 25
Qodobka 29
Qodobka 39
Qodobka 50(2)
Qodobka 53
Lana raaco daraasadaha iyo cilmi-baarisyadii h**e ee deegaanka laga sameeyey. Haddii loo baahdana, ha la sameeyo daraasad cusub oo madax-bannaan oo lagu ogaanayo habka ugu caddaaladda badan ee bulshada loo matali karo.
Bulshadeennu waa walaalo wada deggan, wadaaga taariikh, dhaqan iyo mustaqbal. Xil maanta la helay waa mid ku-meel-gaar ah, laakiin dhaawaca ay eexdu bulshada ku reebto wuxuu noqon karaa mid jiilal badan sii jira.
Sidaa darteed, waxaan masuuliyiinta leenahay: ha ka dhigin magacaabista xilalka cusub sabab dhalisa colaad, cuqdad iyo kala-fogaansho. Qofka xilka loo dhiibayo ha noqdo mid bulshada mideeya, kalsoonideedana kasbada.
Ugu dambayn, waxaan leenahay:
Bulshada ha loo sinaado, caddaaladdana ha la hormariyo. Aqlabiyadda ha la tixgeliyo, dadka laga tirada badanna xuquuqdooda ha la ilaaliyo. Xilalka yaan lagu qaybin eex iyo riixasho, ee lagu qaybsado xaq, karti iyo mas’uuliyad.
Bini’aadamku caddaalad dhammaystiran ma gaadhi karo; caddaaladda kaamilka ah Alle ayaa iska leh.
Laakiin waxaa waajib inagu ah inaan si daacad ah ugu dadaalno caddaaladda intii karaankeenna ah.
Somalidu waxay tidhaahdaa: “Rag iska riixid iyo Rabbi ka cabsiina.” Haddaba masuuliyiinta, siyaasiyiinta iyo waxgaradka waxaan leenahay:
Rag iska riixid yaanay idinka noqon; Rabbi ka cabsi hala sameyo.
Xilku waa amaano, magacaabistuna waa imtixaan. Ha la doorto waxa bulshada mideynaya, ee yaan la dooran waxa maanta qof lagu raalli-gelinayo, balse berri bulshada lagu kala dilayo.
Caddaaladdu ha noqoto saldhigga, walaaltinimaduna ha noqoto hadafka.