Xagarey Media

Call Website Contact the business

Xagarey Media boga wararka

Sawirada Magaalada Wardheer oo Roob helay. Sawirada: Ibrahim Akhdar
23/09/2026

Sawirada Magaalada Wardheer oo Roob helay.

Sawirada: Ibrahim Akhdar

Madaxwayne Sicid Cabdilaahi Dani ayaa codsi rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo uu kaga codsan...
23/09/2026

Madaxwayne Sicid Cabdilaahi Dani ayaa codsi rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo uu kaga codsanayo in Puntland gooni uga godo Soomaaliya inteeda kale, isaga oo arrintaas sabab uga dhigay in shacabka reer Puntland ay ku cadaadinayaan in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.

Geeska Afrika wuxuu galay marxalad cusub: yaa u adkaysan kara isbeddelka?Gobolka Geeska Afrika wuxuu wajahaya marxalad k...
23/09/2026

Geeska Afrika wuxuu galay marxalad cusub: yaa u adkaysan kara isbeddelka?

Gobolka Geeska Afrika wuxuu wajahaya marxalad ka duwan waqti kasta oo h**e, taas oo lagu tijaabinayo cidda xukunka haysa, iyadoo loollan dibadeed oo dhinacyo badan leh ay dalal kala duwan ku raadinayaan saameyn iyo joogitaan ay ku yeeshaan gobolka.

Mareykanka wuxuu arkayaa in saameyntiisa gobolka ay hoos u dhacayso, taa beddelkeedana Shiinaha ayaa ballaariyay saameyntiisa.

Isbeddelkan waxaa ka gudbi kara cidda u adkaysata cadaadiska, kana fogaata in faragelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.

Waxaase jira khatar ah in isbeddelkan uu gobolka u horseedo xasillooni-darro iyo qalalaase ballaaran, xilli Suudaan ay ku jirto dagaal muddo dheer socday, Itoobiya ay ka soo cusboonaadeen dhaqdhaqaaqyo cusub, halka meel aan ka fogeyn Telaabiib lagu diyaarinayo qorshe lagu tijaabinayo hoggaamiyaha muddada dheer xukunka haya ee Isaias Afwerki.

Madaxa CIA-da Mareykanka, John Ratcliffe, ayaa toddobaadkii h**e tagay Masar, isagoo halkaas gaarsiiyay farriin ku saabsan Geeska Afrika. Isla maalintii booqashadiisa, Masar waxay saraakiil militari u soo dirtay Muqdisho, halka Al-Sisi uu John Ratcliffe u sheegay in Masar ay doonayso inay ballaariso saameynta ay ku leedahay Soomaaliya.

Joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale isbeddello laga dareemayaa, iyadoo Pakistan ay iyaduna raadinayso inay dhankeeda joogitaan ku yeelato Muqdisho.

Is ballaarinta Xuutiyiinta Yemen oo hadda saameyn ku yeeshay marin-biyoodka Bab al-Mandab oo xisaabta gobolka ku soo daraysa Iiraan, ayaa fool-dhaweyso u noqday isbeddel soo jiitamayay oo saameynayay gobolka Geeska.

Geeska Afrika wuxuu galay xilli ay dalal badan isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan gobolka. Fursad ayay noqon kartaa haddii dalalku ilaashadaan danahooda, laakiin waxay isu beddeli kartaa dhibaato haddii loollanka quwadaha dibadda uu galo khilaafaadka gudaha.

Waxa hadda la tijaabinayo waa awoodda hoggaamiyeyaasha gobolka ay ugu maarayn karaan tartankan iyagoo aan lumin go’aankooda iyo danahooda qaran.

Madaxweynaha Iiraan Mascuudd Pezeshkian oo ka hadlaya QM:"Trump wuxuu nagu tilmaamay argagixiso, balse waxa aan nahay dh...
23/09/2026

Madaxweynaha Iiraan Mascuudd Pezeshkian oo ka hadlaya QM:

"Trump wuxuu nagu tilmaamay argagixiso, balse waxa aan nahay dhibanayaasha argagixisada.

Waxa la shirqooley hoggaamiyaasheennii sharafta lahaa, iyada oo aan loo marin wax sharciyad ah, ma aragtaan carruurtan? Waxa duqeeyey Mareykan & Israa||, haddana waxa aad sheegataan in aad ilaalisaan xuquuqda dadka.. maxaa u disheen?

Israa||, waxa gacanta ugu jira bambooyin Nukliyeer balse annaga ayaa adduunku naga waardiyeynayaa in aan yeelano Nukliyeer, waxay dileen 70K carruur reer Qasa ah, laakiin annaga oo miiska wada-hadal joogna ayaa nala duqeeyey.

Waxaan caalamka ugu yeedhaynaa iskaashi & wadashaqayn, si aan amni ugu wada noolaanno, haddii kale cidna keligeed kuma noolaanayso amni, adduunka qaybna ma gubanayso qaybna ma seexanayso hurdo fiican."

22/09/2026

Trump oo ka hadlayo Erdogan “Midkaan halkan fadhiyo ee Turkey kayimid waa saxbiibkeey, waa nin adag fantastic na ah”

Muuqaalka ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo dagaalka Ukraine iyo Ruushka, iyadoo la sheegayo in nidaam difaaca ci...
21/09/2026

Muuqaalka ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo dagaalka Ukraine iyo Ruushka, iyadoo la sheegayo in nidaam difaaca cirka ee Ruushka ee S-400, oo qiimihiisu gaari karo boqolaal milyan ilaa in ka badan $1 bilyan iyadoo ku xiran qaybaha iyo heshiiska, lagu bartilmaameedsaday weerar ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo Ukraine ah.

Warbixinta la faafinayo ayaa sidoo kale sheegaysa in drone aad u jaban, oo lagu qiyaasay ku dhowaad $400, uu waxyeello u geystay qalab aad qaali u ah, taas oo dhalisay hadal-heyn ku saabsan farqiga weyn ee u dhexeeya kharashka hubka weerarka iyo nidaamka difaaca.

Sida lagu baahiyey Warbaahinta dawladda Ethiopia xukuumadda Addis ababa ayaa xayiraad ku soo rogtay Tigray TV oo ah warb...
21/09/2026

Sida lagu baahiyey Warbaahinta dawladda Ethiopia xukuumadda Addis ababa ayaa xayiraad ku soo rogtay Tigray TV oo ah warbaahin ku hadasha Afka qoomiyadda degta Waqooyiga Ethiopia. War saxaafadeed lagu daabacay EBC ayaa lagu sheegay in Tigray TV aanu dib Ethiopia uga hawl geli doonin haddiii ay noqoto dhinaca tooska ah iyo dhinaca Internet-ka labadaba.

Tallaabadan ayaa daba socota go'aankii ay shaaciyeen 7 jabhadood oo ay ugu horraysay TPLF kuwaas oo ku dhawaaqay in ay dagaal la gelayaan dawladda Ethiopia.

Gallaydh TV

Puntland ayaa siidaysay ciidamadii Feraalka ee maanta ay Gaalkacyo ku qabatay, iyada oo ku wareejisey dhiggeeda Galmudug...
21/09/2026

Puntland ayaa siidaysay ciidamadii Feraalka ee maanta ay Gaalkacyo ku qabatay, iyada oo ku wareejisey dhiggeeda Galmudug.

Mas'uuliyiinta labada maamul ayaa sheegey in ciidanka ay dayoobeen.

20/09/2026

Masuuliyad daro badan buu sameeyey darawalkaas.

Hoggaamiyaha sare ee Xuutiyiinta Yemen, Cabdimalik Xuuti ayaa soo baxay isagoo si adag u diiday eedeymaha uga yimid Sacu...
18/09/2026

Hoggaamiyaha sare ee Xuutiyiinta Yemen, Cabdimalik Xuuti ayaa soo baxay isagoo si adag u diiday eedeymaha uga yimid Sacuudiga ee la xiriira Xuutiyiinta inay diyaarad aan duuliye lahayn ku beegsadeen magaalada barakeysan ee Maka.

Sida ay baahisay Al Jazeera, wuxuu yiri;

“Waxaan nahay dad Yemeniyiin ah.
Naftayada, nolosheena, hantideenna iyo wax kasta oo aan haysanno waxaan u huraynaa Maka iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.Waxaan nahay dadka ugu taxaddarka badan marka ay timaaddo ilaalintooda.”

Waxaa kaloo uu yiri;

“Marka laga hadlayo weerarrada gudaha Sacuudiga, waxaan mar walba xoogga saarnay bartilmaameedyada milatari iyo kuwa la xiriira awoodda dhaqaale, gaar ahaan shidaalka oo ah isha dhaqaale ee Sacuudigu ku maalgeliyo dagaalka uu dalkeenna ka wado.”

Intaa wuxuu ku daray;

“Dadka ku nool gobollada koonfurta iyo bariga Sacuudiga ma ahan bartilmaameedkayaga, mana doonayno inaan waxyeello u geysano.
Hadafkayagu mar walba waa xarumaha iyo goobaha milatari ee ciidamada Sacuudiga ay u adeegsadaan inay dadkeenna u bartilmaameedsadaan oo ay ku dilaan.”

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xagarey Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xagarey Media:

Shortcuts

Share