Jigjiga University CSSH

Jigjiga University  CSSH Han iyo himilo yelo

XasuusinLambarka Aqoonsiga Qaran waa shardi lama huraan  ah oo looga baahan yahay dhammaan ardayda u fadhiisanaysa Imtix...
09/05/2025

Xasuusin

Lambarka Aqoonsiga Qaran waa shardi lama huraan ah oo looga baahan yahay dhammaan ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka Qaran ee Exit-ka ee soo socda. Aqoonsiga Qaranka ayaa loo adeegsan doonaa xaqiijinta aqoonsiga ardayga, diiwaangelinta, iyo diyaarinta dhamaan shahaadoyinka iyo natiijooyinkaba. Waxay wasaarada tacliintu cadaysay in arday aan wadan Aqoonsi Qaran sax ah loo oggolaan doonin inay galaan imtixaanka. Sidaas darteed, ardayda waxaa si adag loogu boorinayaa inay helaan Aqoonsigooda Qaranka sida ugu dhaqsaha badan.
————————

JAAMACADA JIGJIGA:Guddiga maamulka Jaamacadda Jigjiga ayaa dib u eegis ku sameeyay waxqabadkii sagaalka bilood ee jaamac...
04/05/2025

JAAMACADA JIGJIGA:
Guddiga maamulka Jaamacadda Jigjiga ayaa dib u eegis ku sameeyay waxqabadkii sagaalka bilood ee jaamacadda, waxaana guddoonkaas hoggaaminayay Dr. Tesfaye, iyadoo si faahfaahsan loo falanqeeyay heerka waxbarashada, cilmi-baarista, adeegyada bulshada, iyo mashaariicda socda.

Warbixinta waxqabadka sagaalka bilood waxay muujineysaa in jaamacaddu ay horumar fiican ka sameyneyso dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay.

Guddiga Maamulka Jaamacadda Jigjiga oo Kormeeray Warbixinta Waxqabadka 9-Bilood ee JaamacaddaGuddiga Maamulka Jaamacadda...
02/05/2025

Guddiga Maamulka Jaamacadda Jigjiga oo Kormeeray Warbixinta Waxqabadka 9-Bilood ee Jaamacadda

Guddiga Maamulka Jaamacadda Jigjiga ayaa qabtay kulan qiimeyn ah oo joogto ah si loo eego warbixinta waxqabadka sagaalka bilood ee jaamacadda. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Dr. Tesfaye Beljige Dara, oo ah Wakiilka Guud ee Dowladda Federaalka ee Baarlamaanka, waxaana la wehliyay xubno kale oo guddiga ah iyo masuuliyiinta sare ee jaamacadda.

Intii kulanka lagu jiray, guddigu waxay booqdeen qaybo ka mid ah adeegyada taageerada waxbarashada iyo mashaariicda horumarineed ee salka u ah horumarka jaamacadda. Ujeedadu waxay ahayd in si toos ah loo qiimeeyo heerka waxqabadka iyo koboca adeegyada waxbarasho iyo maamulka.

Madaxweynaha Jaamacadda, Dr. Beshir Abdulahi, ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ka hadleysay guulaha la gaaray, mashaariicda socda, iyo caqabadaha u baahan xal. Ka dib dood furan iyo falanqeyn qoto dheer, guddigu waxay bogaadiyeen meelaha laga muujiyay horumar xooggan, waxayna ku dhiirrigeliyeen in la sii xoojiyo. Sidoo kale, waxay bixiyeen talooyin wax-ku-ool ah si looga gudbo caqabadaha jira oo loo dardar-geliyo hawlaha mustaqbalka.

Gebagebadii, Dr. Tesfaye ayaa bogaadiyay guulaha iyo wax qabadka maamulka jaamacada isagoo sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la sameeyo hagitaan istiraatiijiyadeysan, iyo iskaashi joogto ah si kor loogu qaado adeega jaamacadda ee dhammaan laamaha muhiimka ah.

________________CSSH

Daadihiyaasha shirka wada-tashiga iyo doodaha dhalinyarada deegaanka Soomaalida waa kuwo leh codkarnimo, aqoon iyo aragt...
23/04/2025

Daadihiyaasha shirka wada-tashiga iyo doodaha dhalinyarada deegaanka Soomaalida waa kuwo leh codkarnimo, aqoon iyo aragti fog. Runtii waa haldoorro dadkooda u taagan horumar iyo isbeddel togan.
M. Jeerar iyo Mustafe sheikh —
waxaad tihiin hogaamiye-yaal cusub oo dhiirrigelin u ah jiilka soo kacaya. Amaan iyo bogaadin idinla gudboon!

Hogaaminta jigjiga University?

On this blessed occasion of Eid Al-Fitr, Jigjiga University extends its warmest greetings to our students, faculty, staf...
29/03/2025

On this blessed occasion of Eid Al-Fitr, Jigjiga University extends its warmest greetings to our students, faculty, staff, and the entire Muslim community. Eid is a time of reflection, gratitude, and unity, a moment to strengthen the bonds of brotherhood and embrace the values of compassion, generosity, and peace.

May this Eid bring joy to every home, prosperity to our nation, and renewed strength to our collective efforts in education, development, and nation-building.

Waxaa shalay kaqabsoomay jamacada Jigjiga afur wadareed ay soo abaabulen ardayda college of social science and humanitie...
24/03/2025

Waxaa shalay kaqabsoomay jamacada Jigjiga afur wadareed ay soo abaabulen ardayda college of social science and humanities una dhaxeeyay labada department ee kala ah sociology iyo social work kaasooy iskood uqabsadeena siina xoojiyeen wada jirka iyo iskuduubnida labada department waxaan idin leenahay guuleesto

Address

Jijiga

Telephone

+251915888054

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jigjiga University CSSH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jigjiga University CSSH:

Share