20/12/2024
Xafiiska Nabadgelyada Deeganka ayaa qoraalkan hoose soo saaray:
"Xog ku saabsan dhacdooyinka ka dhacay, dhulka u dhexeeya degmooyinka Xarshin iyo Yoocaale."
"Waxaa jirtay asbuucyadii aan soo dhaafnay in lagu dilay hogaankii nabadgalyada degmada yoocaale iyo laba qof oo shacab ah dhulka u dhexeeya qabalaha dacawaleey ee degmada xarshin gobolka faafan iyo qabalaha duudbaydaale ee degmada yoocaale gobolka jarar, dilkaasi oo ay gaysteen dableey hubaysan."
"Kadib hoggaaminta labada gobol ee jarar iyo faafan, hogaaminta labada degmo ee yoocaale iyo xarshin, xildhibanada ka soo kala jeeda labada degmo, xafiiska nabad-galayda iyo xubno kamid ah police ka deegaanka ay u tageen in ay xaliyaan dhibkaas dhacay."
" Iyadoo xalka loo waa jahay sidan:-
1. Sugidda amniga iyo wacyigalinta bulshada,
2.Soo qabashada gacanku dhiigla yayaasha,
3.Dhamaystirka muran dhuleed oo horay u jiray,
4.Iyo nabadaynta bulshada.
"Soojeedintii talooyinka gudiga ayaa odayaasha , labada dhinac loo bandhigay go,aanka xalka loo soo jeediyay kaas oo laysla qaatay in lafuliyo."
" Hadaba markii gudigii u dhaqaaqay fulinta go,aankii laysla qaatay ayay shalay dableey hubaysan xabadaysay hogaamintii shaqada ku jirtay Isla markaana dhaawac uu soo gaadhay askari police ah, mana jirin wax jawaab ah oo ay ka fal celiyeen ceedanka police ku."
"Keddib na saaka subixii h**e ayaa waxaa ay dableey hubaysan weerar ku soo qaadeen, xubnihii ciidanka police deegaanka, ee ahaa staff ka hogaaminta iyo police kii joogay goobta, waxaana lalaayay ciidan police ah lana dhaawacay saraakiil dawladeed."
"Haya’daha amniga Deegaanka waxay ugu baaqayaan shacabka nabada-jecel inay la shaqeeyaan ciidamada Deegaanka iyo maamuladda labada Gobol, si loo dhamaysitro xalkii lagu heshiiyay, dabyladda sharci-daradda ahna meesha looga saari lahaa."