04/07/2026
Itoobiya: Ilaa 50 Milyan oo Qof Weli Ma Helaan Biyo Nadiif ah
Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in qiyaastii 40 illaa 50 milyan oo qof ay weli ka maqan yihiin adeegga biyaha nadiifka ah. Dowladda ayaa dhanka kale qorsheynaysa in afarta sano ee soo socota shacabka oo dhan la gaarsiiyo biyo nadiif ah.
Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in in ka badan 230,000 oo mashruuc biyo ah la hirgeliyay, kuwaas oo adeeg gaarsiiyay in ka badan 82 milyan oo qof Si kastaba ha ahaatee, kororka tirada dadka, caqabadaha dhismaha iyo maamulka mashaariicda, iyo sare u kaca qiimaha tamarta ayaa weli caqabad ku ah ballaarinta adeegga biyaha.
Waxaa sidoo kale la soo bandhigay hannaan cusub oo lagu xoojinayo maamulka adeegyada biyaha, kor loogu qaadayo tayada biyaha, iyo dayactirka xarumaha biyaha, iyadoo si gaar ah loo dhiirrigelinayo isticmaalka tamarta qorraxda ee deegaannada miyiga.