27/08/2026
Qiiq-raacis
Duruufaha ku gadaannaa halgamaa Cabdikariim
Halgamaagu wuxuu u yimid qoys iyo reero dartiis u noqday: wax la uus-baxaalay, wax la mooraduugay, wax ambaday iyo wax la curyaamiyay!
Maanta markuu ururkii uu ka tirsanaa soo xaroodayna dadkaasi waxay sugayeen inuu madax ahaado oo ay ugu yaraan ka helaan taageero qawl iyo mid qadaadiiceedba! Waxaasina waa wax aan haynta ku xidhnayne, waxay ka mid yihiin haylaamaha la socda madaxnimada.
Sidaas darteed, halgamaaga waxaa u furaa laba waddo oo kaliya. Midi sharaf bay u ahayd balse, wuu ilduufay, midda kalana waatan uu ku dhacay ee daad-xoorta badan.
Haddab, Cabdikariim Sheekh Muuse isagoo duruuftaas lagaga faa'iidaysanayo ayaa loo tusay inuu xilkani yahay meesha maanta rajo ugu dhaw ee uu wax uun ka laac-laaci karo. Sidaas darteedna, uuna fursaddan isa seejinin.
Haddii uu wax uun dan ummadeed ah, ku dabeeban lahaa, Maaday waxay ku kala tageen madax adayg! Oo rajo fiican kamuuna qabin. Si kale haddii aan u dhignana wuxuu is tusay inuu Maaday yaraysanayo oo uu u arko Jabhad daalay.
Intaas ka gadaal isagoo yaabban ayaa si qabow loogu sheegay xaqiiqo hoggaankii la sudhay ku keenaysay.
Waa maxay xaqiiqadaasi?
Cabdikariim waxaa dhayda looga caddeeyay in ururkan lagu dhex dagaallamay, qoladan uu la socdaana ay ugu dambtii go'aansatay in ururkaas la kala diro! Ciddii aan iyaga ahayn ee maanta damacsan inay sii daba joogtana, uuna waxba u qabsoomaynin ee ay hungo ku dambayn doonta! Waa siday is aaminsiiyeene.
Kol haddii ay sidaas tahay, oo aan rajo laga qabin urur ONLF la yidhaahdo oo madaxdiisii midaysan tahay, oo dan ummadeed u taagan ama siiba wadi kara. Kol haddii ay beeshii ururka isa siisay jeebab rag ku kala dhacday, kol haddii aan lahaynin ciidan dagaallamaya oo la isku hallayn karo, ayaa waxaa lagu yidhi Cabdikariim “Urur ma jiree inta uu magacu sii witiitigayo ka mid noqo ragga ku shaaheeya! Cidi kaama xigto oo waxaad gashatay cid gashatay way yar tahaye.
Wayna ka ahayn, wixii aad ku tiir iyo tacab beeshay adoo dhawraya rag aan kaa mudnaynin malaxda doogtiisa ha iska dhuuqaan jeebashana ha ka buuxsadaan!”
Intaas kolkuu dhab u dheegtay, way la ahaatay duqa!
Haddaba, maxaa seegay Qalbi-dhagax?
Waa nin duq ah, halgamaa ah, dadkiisuna aad u jecel yihiin oo ay waliba hadda ka hor 100% ku kalsoonaayeen. Sidoo kale, wuxuu ahaa askari ka soo tirsanaa C.X.D.S meel uu kaga baxayna ma jirine burburkii ka gadaal wuxuu sii waday uun mid ka mid ah mabaadii'dii xoogga qaranka. Wuxuu qaranka Soomaaliya isaga ka galay gaf wayn oo ah inay cadaw u gacan galiyeen! Halkaasina waxaa weeye fursad kale oo illaa hadda u shakaalan isaga.
Intaas kolkaad dheegato, waa inay kuu soo baxdo fursad dahabi ah oo uu dayacay balse, wali daba-qabasho leh.
Waxay ahayd inuu hal dhagax ah laba shimbirood ku wada dilo oo uu deegaanka iskaga boxo oo uu Soomaaliya caga dhigto. Dawladdaasna uu u gardhigto, isagoo leh “war askari qaran oo soo dhaawacmay oo waayo arag ah baan ahay.
Waana la igu gafay oo qarankaygii baa cadaw ii dhiibay, sidaas oo ay tahay qaranku igama maarmo oo maanta aqoon wayn baan u leeyahay la dagaallanka Jabhaddan argagixisada ah, aniguna qaranka k**a maarmo oo gacan-qabasho ayaan u baahnahaye aynu wada shaqaynno.
Sidoo kale, waxay ahayd inuu Jahliyadaha Ogaadeeniya ee dunida taraaray maalo. Waan hubaa oo mayna hagar ka galeene.
Hadda maxaa la gudboon?
Maanta wuxuu marayaa imtaxaan wayn oo uuna marin xilligii duur-galaynta, waxaa ku da'aysa daroorin Kabadeed oo aad u foolxun.
Waxaa waajib ku ah inuu badbaadiyo taariikhdiisa dhawrsan iyo ballankii wiilashii uu mid ba meel haadda ugaga tagay.
Waa inuu waxan ka tanaasulo uu agoonta iyo bulshada kalaba tix galiyo. Sidaas oo isaga iyo ummaddaba u dan ah.
Cabdikariim waa askari siyaasaddana aad uguma xeeldheera. Waxaana loo dhex raacay qiiq siyaasadeed oo uuna aad waxba uga dhex arag
Ugu dambayntii, qiiq-raacyadan heeryada ku rartay ma isagay u danaynayaan?
Maxay xilka isaga ugu dooreen?
Iyagu miyayna dhaqaalaha iyo luflufka ay isaga u sheegayaan u baahnayn?
ONLF yaa ku dhex dagaallamay?
La soco qiiq-raacyada iyo jawaabaha………….
Qalinka: Maxamed C. Maxamed