22/06/2024
Taariikh Halgameedkii Sh. Ibraahim Cabdallaahi Maxamed (Maax) Oo Kooban.
Inkastoo ayna ahayn taariikh halgameedka Sh. Ibraahim wax lagu soo koobi karayo maqaallo, haddana si guudmar ah ayaan qormadan ugu dul istaagaynaa, maaddaama oo maanta (22, June) ay ku beeggan tahay maalinkii uu geeriyooday Sheekhu, oo ay ka soo wareegtay 16 sano, si uu quluubtooda ugu dhex noolaado malaayiin qof oo halgamayaal iyo shacabkiisii ah uu gobannimo heliddooda muddo dheer u gaylamay.
Sh. Ibraahim Cabdallaahi Maxamed (Maax), wuxuu ku dhashay 1941-dii magaalada Qallaafo ee Gobolka Shabeelle. Wuxuu xifdiyay Qur’aanka Kariimka ah isaga oo aad u da’ yar, sidoo kale, wuxuu markii h**e bartay qaybo ka mid ah culuumta Carabiga, fiqhiga Shaaficiyada iyo axaaddiista Rasuulka SCW, ka dibna wuxuu cilmi korodhsi ugu safray Dalka Sucuudiga.
1966-dii Sh. Ibraahim wuxuu ku biiray Jaamacadda Imaam Maxamed binu Sacuud oo uu ka qalin-jabiyay sannadkii 1970-kii. Ka dib, Sheekhu wuxuu ku soo laabtay Dalka Soomaaliya, wuxuuna bare ka noqday laga soo billaabo sannadkii 1973-dii, dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa.
Alle ha u naxariistee, Sh. Ibraahim wuxuu qayb ka noqday horraantii 70meeyadii ilaa horraantii 80meeyadii halgankii xoraynta Soomaali Galbeed ee xilligaa socday, wuxuuna ahaa Wakiilkii Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed (WSLF) u joogay Dalka Imaaraatka, sidoo kale, Sh. Ibraahim wuxuu ka mid noqday Golihii Dhexe ee WSLF.
Kadib, markii uu hagaas ku yimid halgankii ay wadday WSLF, isla markaana loo arkay Jamhuuriyaddii Soomaaliya inay marinkii ka leexisay, Sh. Ibraahim wuxuu ka mid ahaa 6-dii aqoonyahan ee magaalada Muqdisho ku aasaasay Ururka ONLF 15/8/1984-tii oo 40 guuradiisii ay inaga xigto laba bilood wax ka yar.
Shirwaynihii 1aad ee horraantii 1992-dii lagu qabtay magaalada Garbo ee Gobolka Nogob, Sh. Ibraahim waxaa loogu doortay Guddoomiyaha ONLF, wuxuuna xilkaa hayay ilaa 9 September, 1998-dii oo ahayd maalintii la doortay Guddoomiyihii h**e Admiral Maxamed Cumar Cusmaan.
Alle ha u naxariistee, Sh. Ibraahim muddadii uu xilka hayay waxaa lagu xusuustaa mayal-adaygii uu caanka ku ahaa iyo ismaandhaafyo dhex maray kooxdii Tigreyga, waxaana tusaale u soo qaadanaynaa ismaandhaafkii Buundada Qabridahar ka dhacay weedhiisii hal-ku-dhagga noqotay ee ahayd ‘’Kani-adaygu halganka ayuu ka mid yahay.’’
Sh. Ibraahim mar uu socdaal ku yimid 1993-dii magaalada Qabridaharre, ayaa booqashadii markii uu dhammaystay una ambabaxay xaruntii Gerigo'’an, magaalada ka baxeeda (buundada) oo ah dhanka jidka Dhagaxbuur aada waxaa ku joojiyey ciidankii Xabashida ee halkaa joogay, waxayna damceen inay baadhitaan ku sameeyaan gaadhiga Sh. Ibraahim saaran yahay, hase ahaatee, waxaa gaashaanka u daruuray raggii Sheekha sagootinayay oo ka diiday arrintaas.
Buundadii ciidanku joogay kolkii laga gudbay, ayuu Sheekhu dad badan oo sagootinayay halkaa khudbad ugu jeediyay, waxaana ka mid ahaa nuxurka hadalkiisa: ‘’Wadanka innaga ayaa iska leh, go'aanqaadashadiisuna innaga ayay inaga go'daa, marka yaynaan oggolaanin in aynu madaxa foorarinno oo aynu qaayibno dullinnimo. Nin Tigrey ah oo ciideenna gardarro ku yimid inuu siduu rabo inaga yeelo waa wax aan loo dulqaadan karin, waxaadna ogaataan, kani-adaygu waa qayb halganka kamid ah.’’
Mar kale, 22 Feb. 1994-tii, Sh. Ibraahim isaga oo booqasho ku joogay magaalada Wardheer ee Gobolka Doollo ayay weerar ku soo qaadeen ciidankii Tigreyga ee joogay halkaa oo go’aankoodu ahaa, inay ama geeri ku hubsadaan ama gacanta ku dhigaan, hase ahaatee, waxaa si adag u difaacay shacabkii Reer Wardheer, waxaana ku naf waayay dad tiradoodu gaadhaysay 56 qof.
Kooxdii TPLF kolkii ay joojin waayeen xadgudubka iyo dhaqan xumo badan oo lagu hagardaamaynayay masiirka shacabka Soomaalida, Sh. Ibraahim wuxuu shir guddoomiyay 20 April 1994-tii go’aankii khaadhaa ee lagu galay halgankii hubaysnaa ee socday 24 sano iyo dheeraadka.
Allaha u naxariistee, Sh. Ibraahim kolkii uu ka dagay xilkii guddoomiyannimo, wuxuu u faaruq noqday qoraalladii ahaa dhaxal-reebka ummadeed, wuxuuna 1999-kii aasaasay madaxna ka noqday Xarun-goboleedda Cilmibaadhista iyo Daraasaadka Istiraatiijiga ee Geeska Afrika. Sidoo kale, wuxuu wakhti u helay dhammaystirka kitaabkiisa wayn ee Tuxfatul Awfiyaa oo ka kooban 736 bog, sannado badanna uu soo waday. Si guud, Sh. Ibraahim wuxuu luuqadda Carabiga ku qoray 6 kitaab oo shan ka mid ah la daabacay, waxayna ku wada saabsan yihiin halgan iyo taariikh.
Sh. Ibraahim Cabdallaah Maax, wuxuu ahaa Mufakir Islaami ah oo aaminsan, qalinkiisana aan marna kala gabbanin Geeska Afrika inay isku hayaan Masaajid iyo Kaniisad, waana xaqiiqo jirta oo laga soo billaabo Menelik labaad ilaa talisyadii ka danbeeyay khudbadahooda ay ku caddahay.
Jannooyinkiisa Rabbi ha ugu bishaareeyo ee Sh. Ibraahim Cabdallaah wuxuu ku geeriyooday Dalka Imaaraatka, ammin salaadda duhur laga soo baxay, maalin Axad ah taariikhduna ahayd 22 June, 2008-dii.
F.G: intaasi waa guudmar kooban ee taariikhda Sh. Ibraahim oo dhammaystiran waxay kaga bogan doonaan jiilka kacay iyo kuwa danbaba buug aan gacanta ku hayo oo goortii ay suurtagal noqoto soo bixi doona haddii Rabbi idmo.
W/Q: Cabdixakiin M. Haaddi
22, June 2024.
La soco, waraysiyo lagaga warrmayo taariikhda Sheekh Ibraahim Cabdalle Maxamed (Maax).