Somali News

Somali News Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali News, Media/News Company, 01, Jijiga.

24/08/2026

Abdi Iley ma dagaalami doona , Maadama Qodobka 39aad meesha laga saaray?








20/08/2026

Dabcasar iyo Ogaden maxaa kala haysta? �

17/08/2026

Jigjiga View�

16/08/2026

42 Guurada Aasaaska ONLF ��

Sanad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ururka Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF)

16/08/2026

42 Guurada Aasaaska ONLF ��

Sanad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ururka Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa si weyn looga xusay dalka Eritrea, iyadoo munaasabado lagu xusay taariikhda iyo halganka ururka la qabtay.

Xasuuqii loo gaystay Beesha Abraahin waxaa soo baxday in gabdho yaryar oo 18 jir ah, inta Ciidanka Gafeedhe qabteen, mad...
15/08/2026

Xasuuqii loo gaystay Beesha Abraahin waxaa soo baxday in gabdho yaryar oo 18 jir ah, inta Ciidanka Gafeedhe qabteen, madaxa bac basbaas ah u geliyeen ay figeeyeen. Waa dhacdo yaab leh.

Mustafa Cagjar oo lahaa amarka Ciidamadu hawlgalkaas ay ku fuliyeen, maalin walba wuxuu inooga sheekeeyaa in deegaanka intuu xilka hayay tacadi ka dhicin. Waad argagaxaysa haddaad dhagaysato gabdhaha yar yar waxa loo gaystay.

Ubax Nuur Aadan
Sacdiya Cabdikariin Maxamad

Waa gabdho yaryar oo aan qaangaadhin. Ciidamada ayaa soo qabtay, waxaana la saaray Maxkamad Milatari, iyadoo lagu xukumay halkaas. Gabdhaha yar yar waxaa lagu sameeyay tacadi aad u daran, iyagoo loogu hanjabay in markale la soo qaban doono haddii ay warbixin siiyaan warbaahinta wixii soo gaadhay.

Waa in baadhitaan adag lagu sameeyo Xasuuqa ka dhacay Wardheer, isla markaana Dawladda Federalka laga caawiyo sidii loo heli lahaa xog buuxda. Badal Xiis iyo Mustafa Cagjar waxay rabaan inay dhiigiina duudsiyaan, iyagoo idin xasuuqay.

XASUUQA DOOLLO:Waxaa Gobalka Doollo ka dhacay tacadi aad u balaadhan kaas oo isugu jira dil, xadhig iyo jidhdil aad u da...
15/08/2026

XASUUQA DOOLLO:

Waxaa Gobalka Doollo ka dhacay tacadi aad u balaadhan kaas oo isugu jira dil, xadhig iyo jidhdil aad u daran waxaa soo baxaya in gabdha yar yar inta la soo qabtay bac basaas ku jiro kurka loo galiyay laba dible loo xidhay

Warbixin laga diyaariyay Xasuuqa iyo tacadiga ka dhacay Doollo gaar ahaan aaga Wardheer ayaan idinla wadaagaynaa Maalmahan sidoo kale kiiskan ayaa loo gudbiyay Dawlada Dhexe si baadhitaan qoto dheer loogu sameeyo xasuuqa iyo tacadiga halkaas ka dhacay.

Shacabkii oo ka warbixinaya wixii ay la kulmeen markii Ciidamadii uu Hogaaminayay Gafeedhe ay qabteen.👇

1. Dheeg Yusuf Umal. Bac basbaas ah ayaa kurka la ii galiya waa la i figeeyay, waxaana la igu bilaabay budh. Goobtu waxay ahayd-Afar irdoood.

2. Ahmed Cabdulaahi Biixi. Waa la i figeeyay waxaana la igu riday god musqul ah. Goobtu waa Afar irdoood.

3. Maxamd Kad Axmad Yasin. Waa la jidhdilay. Bac basbaas leh ayaa madaxa loogaliyay. Goontu waa Laan Jaleeno.

4. Coke Maxamad Biixi. Waa la jidh dilay. Bac basbaas leh baa madaxa loo galiyay. Goobtu waa Afar Irdood
5. Liibaan Axamad Umal. xiniin ayaa i dilaacday sidii la ii garaacayay goobtuna waxay ahayd Lix irdoood.

6. Sulub Ismacil Wilinje. 2 bakoorad ayaa lagu garaacay. Jilbaha ayaa budh lagaga garaacay Dhabarka ayaa lagaga tuntay. Goobtu waa Lix Irdood.

7. Axamad Deeq Ismacil Wilinje. Waa la jidhdilay aad u xun ayaa loo gaystay goobtu waa lix Irdood.

8. Bishaaro Sheekh Barakaale. Bac basbaas ayaa madaxa loogaliyay, waana la jidhdilay. Goobtu waa Caado.

9. Cise Maxamad Cabdulaali jidh dil aad u xun ayaa la ii gaystay goobtu waa Caado.

10. Qool Muxumad Cabdulaahi. Waa la jidhdilay. Wajiga ayaa laga garaacay qoriga afkiisa Goobtuna waa Caado.

11. Cabdulaahi Ibraahin Nuur guray. Waa la jidhdilay. Baca basbaas ah ayaa madaxa loogaliyay. Goobtu waa Caaado.

12. Liina Kamas Cabdulaahi Ibraahin Nuur Guray. Waa la jidhdilay. Waa la garaacay. Baca basbaas ah ayaa madaxa loo galiyay Goobtuna waa Caado.

13. Cabdi Khadar Deeq Xasa

Beeshii Makaahiil Oo burburtay😓Mustafa cagjar ayaa u Xil saaray Burburinta Beesha Makaahil Qalbi dhagax iyo Ahmed yasiin...
15/08/2026

Beeshii Makaahiil Oo burburtay😓

Mustafa cagjar ayaa u Xil saaray Burburinta Beesha Makaahil Qalbi dhagax iyo Ahmed yasiin Kuwaasi Oo Gobalka doolo Ka wareejiyay Gabi ahaantiba Taariikhda Baal madow ayay ka Galeen Waxayna Noqotay in Mushaarka yar Ee Mustafa cagjar Siiyo Siistaan Sharaftoodii Halgameed iyo Tii Beeshoodaba, Waxaan kula talin lahaa Beesha Makaahil in Ay isku Tashato.



Somali News

Beesha Abraahin oo weli dhibaatooyin kala kulmaysa dowladdaWaxaa jira walaac laga muujinayo xaaladda Sakariye Macalin Dh...
08/08/2026

Beesha Abraahin oo weli dhibaatooyin kala kulmaysa dowladda

Waxaa jira walaac laga muujinayo xaaladda Sakariye Macalin Dhoodaan, Cabdi Yare Shukri iyo Ugaas Tamaan Dhagacade, iyo dad kale oo la sheegay inay weli xiran yihiin.

Qoysaskooda iyo bulshada ayaa dalbanaya in xaaladdooda si cad loo ogaado, lana hubiyo in la dhowrayo xuquuqdooda sharciga ah.

Haddii ay jiraan eedeymo loo haysto, waxaa muhiim ah in si waafaqsan sharciga loo horgeeyo maxkamad, halka haddii aan wax eedeyn sharci ah lagu haynna, la sii daayo.

Caddaalad iyo xuquuq siman ayaa qof walba xaq u leeyahay.

08/08/2026

Males sanawi oo ka cabanaya ONLF iyo Maxamed Cumar Cismaan.

Address

01
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share