19/05/2026
Saamaynta sii kordhaysa ee Itoobiya ee caalamka iyo ilaalinta danaha qaranka waxay leedahay door aad u muhiim ah
Saamaynta caalamiga ah ee Itoobiya ayaa si muuqata u sii xoogaysanaysa, iyadoo dalka uu ka ciyaarayo door istaraatiiji ah oo ku saabsan dublamaasiyadda iyo ilaalinta danaha qaranka.
Todobaadyadii u dambeeyay, Itoobiya waxay si firfircoon uga dhex muuqatay fagaarayaasha caalamka—laga bilaabo New Delhi ilaa Nairobi iyo Washington DC—taas oo muujinaysa kor u kac dublamaasiyadeed oo muuqda.
Guulahan ma aha kuwo iskiis u yimid, balse waa natiijada dadaallo isdaba joog ah oo ay dowladdu iyo Xisbiga Barwaaqo ku xoojinayeen iskaashiga caalamiga ah, dib-u-habaynta iyo xiriirka dibadda.
Booqashooyinka iyo kulamada heer caalami ee Addis Ababa ka dhacay, iyo sidoo kale wada-hadallada cusub ee Itoobiya la yeelatay dalalka waaweyn, waxay caddeeyeen kalsoonida sii kordhaysa ee beesha caalamku ku qabto Itoobiya.
Sidoo kale, iskaashiga dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee sii xoogaysanaya wuxuu muujinayaa in Itoobiya ay si tartiib ah u noqonayso xarun muhiim ah oo Afrika iyo caalamkaba saameyn ku leh.
Ugu dambayn, falsafadda wadajirka iyo horumarka (Medemer) ayaa loo arkaa tiirka hagaya guulahan dublamaasiyadeed
Kilil5TV