07/06/2026
Baaq iyo Digniin: Joojiya Halista Gawaarida Xamuulka Ah ee Rakaabka Sida
Waa su'aal maankayga xanuunjisay: Maxaa ku qasbaya dad intaas la eg, oo ka yimid dhul barwaaqo ah, inay naftooda halis u geliyaan raacista gaari xamuul ah oo noocan oo kale ah?
Khatarta baaxadda leh ee ka dhalata marka gawaarida waaweyn ee loogu talagalay alaabta lagu raro boqolaal qof oo rakaab ah waa mid aan marnaba la aqbali karin.
burburka gaariga sida ka muuqata waxay markhaati u tahay dhibka qabsaday dadkaas masaakiinta ah. Ma jiri karto baahi loo cudur-daaro oo sababi karta in nolosha bini'aadamka la moodo xamuul .
Waxaan halkan baaq iyo codsi uga dirayaa Maamulka iyo Dowladda Puntland, gaar ahaan laamaha nabadgelyada waddooyinka iyo gaadiidka ,Waa in si adag loo xakameeyo gawaarida waaweyn ee xamuulka ah, lana saaro mamnuucis buuxda oo ah inay soo qaadaan rakaab, gaar ahaan kuwa ka yimaada dhinaca degmada Kallafo iyo deegaanada fogfog.
waxaa jira basas yar yar oo si ammaan ah u shaqeeya oo loogu talagalay rakaabka,Waa in dadka lagu dhiirrigeliyo, laguna khasbo isticmaalka gaadiidkaas loogu talagalay dadka.
Noloshu waa qaali, baahina uma sababi karto inaan u dhinto si sahlan oo dayacaad ah.