04/09/2026
XOG CUSUB
🇪🇹 Xukuumadda cusub ee Itoobiya 2019: Isbeddel ballaaran oo la filayo
Xisbiga (Prosperity Party ayaa go’aansaday in marka la dhiso xukuumadda cusub kadib natiijada doorashadii guud ee 7-aad ee Itoobiya ee ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, in 70 ilaa 80 boqolkiiba xilalka sare ee dowladda loo magacaabo shaqsiyaad cusub, sida ay Wazema ka heshay ilo xog-ogaal ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqada, Dr. Abiy Ahmed, uu go’aankan ku wargeliyay wasiirrada iyo wasiir-ku-xigeennada xilalka haya. Waxaa sidoo kale la sheegay in mas’uuliyiintii muddo dheer xilalka hoggaamineed hayay loo sheegay inay isu diyaariyaan hawlo iyo xilal kale.
Arrintan ayaa muujinaysa in qaar ka mid ah wasiirrada iyo wasiir-ku-xigeennada xilka haya loo magacaabi karo safiirro.
Ilo wareed ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu kulan uu la yeeshay wasiirrada iyo wasiir-ku- xigeennada uu ku sheegay in “70 ilaa 80 boqolkiiba xilalka sare isbeddel lagu samayn doono.” Tan iyo markii go’aankaas la sheegay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu maalmo xiriir ah kulamo ula yeelanayay wasiirrada iyo wasiir-ku-xigeennada.
Shan sano ka hor markii uu Abiy dhisay golihiisa wasiirrada, 3 ka mid ah 22-ka xil ee wasiirrada ayuu siiyay hoggaamiyeyaal ka tirsanaa xisbiyada mucaaradka. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, waxaa hadda jirta fursad weyn oo ah in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka loo magacaabo xilal wasiirnimo.
Hoggaamiyeyaal xisbiyo siyaasadeed oo Wazema la xiriirtay ayaa sheegay in ilaa hadda aan xisbiyadooda loo gudbin codsi rasmi ah oo ku saabsan magacaabista, hase yeeshee waxaa jira hoggaamiyeyaal xisbiyo ah oo sheegaya in loo ballanqaaday xilal dowladeed.