10/26/2025
Muhiimadda Wacyiga bulshada.
Horumarka ay bulsho gaarto waxa uu ku xiran yahay heerka wacyigoodu gaarsiisan yahay. Wacyigu wax kale ma ahan, waa in bulshadu ay garanayso danteeda iyo meesha laga jiro, sidoo kalana ay la socoto sebenka ay nooshahay. Bulshadaas way danbaysaa marka la leeyahay, waa marka aysan noolayn casrigeeda, ee ay la haysato qarniyo h**e.
Wacyiga bulshadu marka uu dhisan yahay nolosha bulshadaasi si atoomaatik ah ayay u hormaraysaa, iyada oo aan shaqo badan la galin, sababtoo ah waa bulsho iyadu isdiraysa oo taqaan dhanka hormarku ka jiro. Cidda kaliya ee dhisi karta wacyiga bulshada waa isla indheergaradka ay bulshadaasi leedahay. Indheergaradku waa shakhsiyaadka ka wacyi sarreeya bulshadooda.
Waxa dhib aynu hadda sheeganayno ha ahaato; hoggaan xumo, siyaasad aan xasilnayn, musuqmaasuq, hormar la'aan, tiknoolajiyad darro, dhaqaalo xumo, fakhri iyo gaajo, iyo mushkiladaha ina haysta oo dhan, waxaa aabe iyo hooyo u ah wacyi xumo.
Bulshada wacyigeedu dhisan yahay, iyada ayaa hoggaanka habboon soo saarta, iyada ayaana la xisaabtanta. Siyaasi beenlow ah ma harawsan karo, ganacsade jeebwayne ah kuma takrifali karo, wadaad kitaab gaab ah uma fatwoon karo, shirkado shisheeye oo qawlaysato ah heshiisyo dhagar ah kuma khatali karaan, meelna laga ma soo gali karo, maadaama ay tahay bulsho soo jeedda.
Hal mar ayaa wacyiga bulshada laga maarmaa, waa marka bulshadaas iyo dawladdeeda loo dajiyay nidaam adag oo wada shaqeeya, oo isagu iskiis natiijada la rabo u soo saari kara, dadkuna ay ku sandulleysan yihiin in ay raacaan maadaama noloshooda lagu xiray. Soomaaliya ma leh nidaam iskiis u shaqeeya oo dadka ka madaxbannaan, sidaas darteed waa in la helo bulsho wacyigeedu sarreeyo, si looga gudbo marxaladdaan fadhiidka ah, mustaqbalkana nidaam loo dajiyo si jiilasha danbe ay u raacaan.
Jiilka hadda nool waa kii wax dhisi lahaa, ee ma ahan mid ay wax u dhisan yihiin oo tamashlayn kara, waxaa looga baahan yahay wacyi sare iyo masuuliyad ka badan sida caadiga ah. Maadaama aynan noolayn nolol caadi ah waa khalad in aynu iska ahaanno bulsho caadi ah. Tusaale ahaan bulshada Iswiidhan ee hadda nool wacyi badan loogama baahna, sababtoo ah nidaam adag ayaa u degsan; balse bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay wacyi sare, maadaama aysan jirin nidaam dagsan oo la isku halleeyo. Dadkii nidaamka dajin lahaa waxa ay ka soo dhex bixi doonaan bulshada wacyigeedu sarreeyo.
Wacyiga bulshada waxaa lagu dhisaa in buugaag loo qoro, barnaamijyo maqal iyo muuqaal ah loo sameeyo, saxaafaddu dukumintariyo samayso, indheergaradku doodo sameeyaan, baraha bulshada la soo galiyo barnaamijyo wacyi dhis ah, bahda akadeemiggu ay cilmibaaris ku sameeyaan arrimaha ahmiyadda u leh bulshada, Think-tanks badan oo kala mawduuc duwan in la furo, madallo iyo kulammo in ay yeeshaan indheergaradku oo ay baahiyaan shaqadooda, barnaamijyo wacyigalin oo ku talagal ah in la sameeyo iwm.