Voice
of
Voiceless. Warar iyo warbixino dhex'dhexaada
(2)
26/10/2025
Ganacsatada Wajaale ayaa cabasho ka muujiyay suuq la'aan soo food saartay. Waxay sheegen in dadkii Diridhaba, Jigjiga iyo Itoobiyada kale uga iman jiray ee wax gadanayay lalla warreegay. Koox dilaalin ah ayay ku sheegen in ay ilaa Diridhaba tageen oo ay dalabkii toos u dalbaan ilaa Shiinnaha.
Ganacsatada ayaa sheegtay in Magaaladii Wajaale haawannayso. "Wajaale Saylad Sarif ayay noqotay. Annagu canshuur baan bixinaa in Magaalada la xidho maaha.." ayay dhaheen.
26/10/2025
Deeganka Soomalida sannadadii tegay waxaa ka soo baxayay dad qisadoodu qabsato baraha bulshada, oo saameyn ku yeesha Soomalida kale.
Moobelkan oo qofkii lahaa ka lumay ayaa Jigjiga lagu hayaa. Cidii lahayd halla xidhiidho: 092 947 6600
25/10/2025
"8613 kamid ah heerarka kala duwan ee hogaaminta ayaa laga talaabo qaaday markay gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday." Waxaa sidaasi sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo.
25/10/2025
"Masuulka aan si daacada ugu adeegin bulshada, kuwa ku sifooba musuqa iyo maamul xumada, kuwa aan ixtiraamin shacabka loo adeegayo, dhamaantood waxaa laga qaadi doonaa talaabo."
Waxaa caasimasa Deeganka ku noqday oday dhaqamedka Afdheer ka soo jeeda ee ku sugnaa Caasimada AdisAbaba. Oday dhaqamedkan oo kamid ah odayaashii dhaliilaha u jeedinayay maamulka Deeganka ayaa Jigjiga gaadhay. Oday dhaqameedka, qaybaha kale bulshada xubno kamid ah iyo hoggaaminta matasha gobalka Afdheer ayaa kulan la qaatay Madaxwayne Mustafe.
Kulankan ayaa lagu lafa-guray cabashooyin ay tirsanayeen bulshada gobalka Afdheer. Waxayna labada dhinacba yeeshen dooddo adag. Ugu dembeyn madaxwyane Mustafe, wuxuu soo jeediyay in ay Jarati maamul magaalo noqon doonto, isagoo waliba u sheegay in ay u sii dabaal degi karaan sidda Ilo-goob joog ah sheegen.
25/10/2025
Gobalka Silte ee Deeganka Badhtamaha Itoobiya ayaa maalmahan la hadal hayay fal uu geystay Askari Booliska Deegankas kamid ah. Askarigan ayaa hooyo wadhato ah ka daadiyay khudaar ay gadaysay, waxaana la arkay muuqalka isagoo lugaha ku firdhinaya khudaartii.
Booliska gobalka Silte oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in uu Askarigan ku kacay wax ka baxsan shaqadii loo igmaday oo ahayd inuu amnigga suggo. Waxay sheegen in ay ahayd in sharciga lagu soo dhaweeyo hadii qalad jiray,
Taliye Nuradiin, oo warbaahintu dhacdadan wax ka waydisay ayaa yidhi; "Waa run askarigu wuu geystay falkaas. Waa mid anshaxa iyo bini'aadanimada lid ku ah. Markii hawlo noocan ah dhacaan waa in tallaabo qaad yimaado. Askarigaasna waxaa lalla tiigsaday sharciga oo waa la xidhay."
25/10/2025
HADALO CUL CULUS OO ITOOBIYA KA SOO YEEDHAY.
Birhanu Julla, Taliyaha Ciidamada Itoobiya, oo ka hadlay munnaasabad xerada tababarka Ciidamada Badda ka qabsoontay ayaa yidhi: "Soddon kii sanne tagay waan hurudnay, hada se waan toosnay. Itoobiya waxay u baahan tahay marin Badda ah. Waan diyaar garownay. Waxaan awood u leennahay inaan hirgalino marin Badd ah. Saddex arrimood ayay Itoobiya u baahan tahay: Nabadda,Horumar iyo marin Badda ah."
Admiral Kandhu, Taliyaha Ciidanka Badda Itoobiya ayaa isaguna yidhi:"Waxaan awood u leennahay in aan hirgalino awaamiir kasta oo la faro Ciidamada badda, helitaanka marin baddeedku wuxuu Itoobiya uga dhigan yahay mid ku xidhan jiritaan-keeda, Ciidamada badduna waxay haystaan hubkii, tababarkii iyo farsamadii dagaal oo ah mid dhameystiran."
Major General Birhanu Tilahun oo kamid ah saraakiisha ugu sarreya ciidanka Itoobiya ayaa isaguna maanta yidhi: "Waa in aad ogaataan in badda-cas ay tahay hantiddeenii Itoobiya, kuwiina isku diyaariyay inaad hirgalisaan in dalku uu helo dekadda, waa in aad markale muujisaaan geesinimadii aabayashiin iyo awawyadiin."
"Dowladda aan laga cabban karin, cabashadana aan maarreyn karin, Dowladdasi ma noqoto mid sii jirta."
"Dawladda adag waxaa sal u ah in adeega ay bixineyso ay u abbuurto meel lagaga cabban karo, adeega ay bixineyso cabashooyinka ka yimaadana ay ku maareyn karto."
Waxaa sidaasi yidhi Komishineer Ku-xigeenka komishanka cabashooyinka Deegaanka Soomaalida oo xusay in ay muhiim in la dhagaysto cabashooyinka ka yimaada bulshada, lana sameeyo goob lagu xalin karo.
Be the first to know and let us send you an email when Voss Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.
Police officer throws 9-year-old boy party after no one showed up to his birthday.
When no one from his class came to a 9-year-old Michigan boy’s birthday party, local police officers stepped up to make his celebration extra special.
The Grand Rapids Police Department wrote in a Facebook post that Officer Lynema spotted a young boy, Thomas Daniel, running after a school bus he had just missed. Lynema then received permission from Thomas' mother to take him to school.
Lynema found out it was Thomas' 9th birthday that day, and that he feared no one from his class would come to his party later that evening, as he was bullied in school.
Thomas invited Lynema to his party, and when Lynema showed up later that day, he saw that “unfortunately Thomas' fears came true,” according to police. Lynema and Thomas’ siblings were the only ones who attended.
Police said Officer Lynema took matters into his own hands the next day, surprising Thomas as he got off the school bus with a new party complete with a Krispy Kreme donut cake, gifts and a singing quartet.
Thomas called it the “best birthday ever,” according to police.
“No kid should get bullied, and no kid should worry if anyone will come to the party,” the Grand Rapids Police Department wrote on Facebook. “Next year Thomas Daniel, make sure you drop us that invite a little sooner. We wouldn't want to miss it!”
This is an example For all Ethiopian military, especially for DDS police.