23/10/2025
Sanad miisaniyeedka 2018-ka, dhaqaalaha Itoobiya waxaa la filayaa inuu koro 10.2%, iyadoo Golaha Wasiirradu qiimeeyeen qorshaha 100-maalmoodka iyo xaaladda guud ee dhaqaalaha adduunka, iyo sidoo kale waxqabadka dhaqaalaha Itoobiya ee rubuca h**e ee sanadkaan.
Xogta ka timid xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujisay in qiimeyntaasi ay ku jirtay isbeddelka kobaca iyo xaaladda guud ee horumarka dalka. Marka loo eego isbeddelka dhaqaalaha caalamka, Itoobiya ayaa lagu sheegay inay muujisay adkaysi iyo koboc ka sarreeya celceliska dalalka kale.
Sanad miisaaniyadda 2017 T.I. dhaqaalaha guud ee Itoobiya wuxuu sameeyey koboc dhan 9.2% GDP, iyadoo ay horseedeen:
• Beeraha oo gaaray 7.3%,
• Warshadaha (Industry) oo kordhay 13%,
• Adeegyada (Services) oo koray 7.5%.
Dhaqaalaha Itoobiya wuxuu noqday mid si isu dheellitiran u kobcaya, iyadoo saamiga GDP uu ahaa:
• Beeraha 31.3%,
• Warshadaha 30.2%,
• Adeegyada 39.6%.
Waxaa la sheegay in kobacaasi uu ka dhashay isbeddellada ay dawladdu waddo ee dhinacyada maalgashiga, iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan. Sidaas darteed, waxaa la saadaaliyay in sanadka 2018 dhaqaalaha Itoobiya uu sii kordhi doono10.2%.
mashruuca Biyo-xireenka Itoobiya (GERD), iyo wax-soosaarka bacriminta iyo horumarinta gaaska dabiiciga ah ayaa door wayn ka qaadan doona dardar-gelinta koboca dhaqaalaha.
Saadaasha kororka ee qaybaha dhaqaalaha ayaa ah:
Beeraha oo kor u kici doona 7.8%,
Warshadaha, oo ay sabab utahay dibu haynta iyo warshadaha cusub kororka ayaana gari doona13.2%,
Adeegyada kala duwan, iyadoo lagu kobcinayo ganacsiga, gaadiidka, dalxiiska iyo dhaqaalaha dijitaalka ah, ayaa la filayaa inay kordhaan 9.3%.
Ganacsiga dibadda ayaa gaaray $2.5 bilyan, taas oo ka badan qorshihii h**e iyo waxqabadkii sanadkii hire.
Sidoo kale, waaxda maaliyadda ayaa door muhiim ah ka ciyaartay taageerada maalgashiyada iyo mashaariicda horumarinta, iyadoo rubucii h**e ee sanadka ay bixisay deyn kor u kacday 113% marka la barbardhigo sannadkii h**e.
Adeegyada maaliyadda dijitaalka ah ayaa si xawli ah u ballaaranaya, waxaana saddex bilood gudahood la diiwaangeliyay dhaqdhaqaaq lacageed oo gaadhay 6.5 tirilyan birr.
Guud ahaan waxqabadka dhaqaalaha Itoobiya ee sannadkan wuxuu muujinayaa natiijooyin wanaagsan, taas oo caddeyneysa in dalka uu ku jiro marxalad degdeg ah oo isbeddel ah — kuna socdo dhabbaha kobac dhaqaale oo waara.