Xayle Media

Xayle Media Kuso Dhawoow Xayle Media Waxad Naga Heli Karta Muqaalo & Sawiro Tayo Leh.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Fulinta DDS ee Sannad...
26/08/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Fulinta DDS ee Sannad-Miisaaniyaddeedka 2019 T.I. oo ay ka mid tahay Ansixinta koodh-u-samaynta dhismaha Cusbitaalka Qabribayax, oo qaybo cusub lagu darayo; Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyay koodh-u-samaynta balaadhinta Cusbitaalka Qabribayax, taas oo qayb ka ah diyaarinta iyo hirgelinta adeeg caafimaad oo muhiim u ah bulshada ku nool magaalada Qabribayax iyo nawaaxigeeda.

Allah mahadleh

Madaxwayne Mustafe ayaa caawa ka qayb-galay munaasibadda  baalfurka Buugga Hiil-shacab ee uu qoray Samafale Nasradiin Hi...
26/08/2026

Madaxwayne Mustafe ayaa caawa ka qayb-galay munaasibadda baalfurka Buugga Hiil-shacab ee uu qoray Samafale Nasradiin Hiill-shacab, kaasi oo uu ka qoray waayihiisii samafalnimo.

Bulshada Soomaaliyeed ee St. Cloud ayaa shalay isugu timid munaasabad lagu taageerayay dhismaha Macadka weyn ee warathul...
25/08/2026

Bulshada Soomaaliyeed ee St. Cloud ayaa shalay isugu timid munaasabad lagu taageerayay dhismaha Macadka weyn ee warathul Abiyaa iyo masjidkiisa oo laga dhisayo magaalada Qabribayax ee deegaanka Soomaalida.

Hora-howd:-Magaalo Strategiyadeed oo  Hodan ku ah waxsoosaarka,biyaha iyo Macdanta.Magaalada Hora-Howd oo Magaalo waxsoo...
23/08/2026

Hora-howd:-Magaalo Strategiyadeed oo Hodan ku ah waxsoosaarka,biyaha iyo Macdanta.

Magaalada Hora-Howd oo Magaalo waxsoosaar ayaa maanta laga dhagax dhigayaa dhismayaal isugujira Xafiisyo,Hoolal,guryaha martida,xarumo ganacsi iyo guryo wadareedyo.

Qurbajoogta iyo Ganacsatada Kasoojeeda Dagaanka Hora-Hawd ayaa sameeyay Iskutashi ay kudhisayaan Magaaladan Oo ah Goob Strategiyadeed oo hodan ku ah Waxsoosaarka,waraabka iyo Macdanta lehna taariikh mugwayn.

Xafladda dhagax dhiga ayaa waxaa kasooqaybgalay wasiiro,hogaaminta gobalka faafan,hogaaminta MMQ/beyax,Hogaaminta Degmada Shabeelay,Hogaaminta Degmada Qabribeyax,hogaaminta Degmada gursum,maareeyayaal,xildhibaano,Qurbajoog,ganacsato,salaadiin iyo Shacabwaynaha Magaalada Hora-howd.

Shacabwaynaha Magaalada Hora-Howd ayaa sidiiran usoodhaweeyay waftiga kaladuwan,Shacabka ayaa bogaadiyay dhagaxdhiga mashaariicdan hormarineed ee laga bilaabayo Magaalada.

Magaaladan oo leh taariikh wayn ayaa katirsan Degmada Shabeele-buladari ee Gobalka Faafan,DDS.

Hambalyo MeherWaxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa Xamse sheekh magartay iyo marwadiisa Ayaan Maxamed Yuusuf...
23/08/2026

Hambalyo Meher
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa Xamse sheekh magartay iyo marwadiisa Ayaan Maxamed Yuusuf, oo maanta oo Axad ah, taariikhduna tahay 23-ka Agoosto 2026, meherkoodu ka dhacay mm maglada Dhagaxbuur, ee caasimadda gobolka Jarar.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu ka dhigo lammaane isku waara, isku naxariista, kuna barakeeyo ubad khayr qaba oo diinta iyo dalkaba anfaca.
Hambalyo, hambalyo, hambalyo! 💐❤️
Xayle Media

21/08/2026

Ardayda markasu itqaan qaybtiisa shareecada iyo luuqada carabiga ayaa waxay soo badhigeen kutubta ay qaateen qayba kamida oo ah kitaabka magciis layidhado
“Wasiyyatu Ibnu Isxaaq
Xayle Media

Sawiro Waxaa maanta oo Arbaco ah xaflad sagootin ah loo sameeyay maamulaha Markizka Al-Itqaan, Sheekh Cabdi Jabar, Xafla...
20/08/2026

Sawiro Waxaa maanta oo Arbaco ah xaflad sagootin ah loo sameeyay maamulaha Markizka Al-Itqaan, Sheekh Cabdi Jabar,
Xafladda waxaa ka qayb galay ardayda Markazka iyo macallimiinta Markazka Al-Itqaan, kuwaas oo u sagootiyay Sheekh Cabdi Jabar, iyagoo ugu duceeyay inuu si wanaagsan uga faa’iidaysto waxbarashada diinta Islaamka.

14/08/2026

Muxaadaro cinwaankeedu yahay “Nafta oo la Dahiro”, waxaa soo jeedinaya Sheekh Xamse Maxamed Cadaani.
Masjidka Anwar, Qabribayax.

14/08/2026

Waa darsigii 4aad ee kitaabka

magaciisa la yiraahdo… Al-Urzūjūzah Al-Mi’iyyah
oo ka hadlaya taariikhda iyo noloshii Nebiga ﷺ
(Ibnu Abii Al-Cizz Al-Xanafī)
Waxa marinay sheekh xamse maxamed cadani
Xayle Media

13/08/2026

Waa darsigii 3aad ee kitaabk.

magaciisa la yiraahdo… Al-Urzūjūzah Al-Mi’iyyah
oo ka hadlaya taariikhda iyo noloshii Nebiga ﷺ
(Ibnu Abii Al-Cizz Al-Xanafī)
Waxa marinay sheekh xamse maxamed cadani
Xayle Media

Address

.
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xayle Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share