Dawa Global Media

Dawa Global Media Falanqaynta Siyaasadda Wararka Dalka iyo Horumarka Deegaanka

Dhismaha Dowladda Cusub: Maxaa laga filan karaa marxaladda cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali?Itoobiya waxay u gud...
16/08/2026

Dhismaha Dowladda Cusub: Maxaa laga filan karaa marxaladda cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali?

Itoobiya waxay u gudbaysaa marxalad siyaasadeed oo cusub kadib doorashadii guud ee 7-aad. Xisbiga Barwaaqada ayaa helay aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka Federaalka, taasoo u saamaxaysa inuu dhiso dowladda cusub.

Baarlamaanka cusub ee House of Peoples’ Representatives ayaa la filayaa inuu xilka la wareego bisha September 2026, waxaana marxaladdaas ka dib la filan karaa dhismaha iyo qaabeynta xukuumadda cusub.

Maxaa indhaha lagu hayaa?

Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadda cusub
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa hoggaaminaya geeddi-socodka dhismaha dowladda cusub, iyadoo la sugayo qaabka loo dhisayo Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiinta sare.

Wasiirrada iyo Wasiiru-dowlayaasha
Waxaa si weyn loo sugayaa cidda loo magacaabi doono xilalka wasiirrada, wasiiru-dowlayaasha iyo masuuliyiinta kale ee muhiimka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safiirrada
Siyaasadda arrimaha dibadda ayaa noqon doonta meel muhiim ah. Waxaa la eegi doonaa jihada cusub ee xiriirka Itoobiya la leedahay dalalka gobolka iyo bulshada caalamka.

Dhismaha hay'adaha dowladda
Dowladda cusub waxay u baahan doontaa inay xoogga saarto tayeynta hay'adaha, adeegyada bulshada, dhaqaalaha, amniga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed.

Dhismaha hoggaanka Xisbiga Barwaaqada
Sidoo kale indhaha ayaa lagu hayaa qaabka loo dhisi doono hoggaanka sare ee xisbiga iyo cidda qaban doonta xilalka muhiimka ah.

🔎 Falanqaynta Dawa Global Media

🇪🇹 September 2026 waxay noqon kartaa bil muhiim u ah jihada siyaasadeed ee Itoobiya.

Adiga maxaad ka filaysaa Dowladda Federaalka cusub? Fikirkaaga ku qor faallada.

Hogaaminta Ugu Sarreeya ee Gudiga Presidium DDS  Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar Madaxweyne kuxigeenka DD...
15/08/2026

Hogaaminta Ugu Sarreeya ee Gudiga Presidium DDS
Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar

Madaxweyne kuxigeenka DDS Ibrahim Ousman Farah

Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laanta DDS Mudane Mohamed Shalle

Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda Mudane Abdirahman Hassan H**e

Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo DDS Mudane Feysal Rashid

Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS Mudane Hussein Kasim

Ethiopia oo u gudbaysa nidaamka madaxwaynanimada 🇪🇹Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa galay marxalad xasaasi...
13/08/2026

Ethiopia oo u gudbaysa nidaamka madaxwaynanimada 🇪🇹

Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa galay marxalad xasaasi ah, iyadoo doodaha ku saabsan qaabka mustaqbalka loo maamulayo dalka ay sii xoogeysanayaan. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ka qaybgalayaasha qaar ay heer talo-soo-jeedin ah ku taageereen in Itoobiya laga guuro nidaamka baarlamaaniga ah loona wareego nidaam madaxwayne.

Haddii nidaamka madaxwaynanimada la qaato, su'aasha ugu weyn waxay noqonaysaa: Yaa dooranaya madaxwaynaha?

Waxaa hadda miiska saaran laba aragti:

1️⃣ Baarlamaanka ha doorto madaxwaynaha
Habkan wuxuu siinayaa baarlamaanka door weyn oo ku saabsan xulashada madaxwaynaha, wuxuuna yareyn karaa tartanka doorashada madaxtooyada ee tooska ah.

2️⃣ Shacabka ha doortaan madaxwaynaha
Habkan wuxuu shacabka siinayaa awood toos ah oo ay ku doortaan qofka ugu sarreeya dalka. Taageerayaashiisu waxay ku doodaan inuu kordhin karo isla-xisaabtanka iyo sharciyadda madaxwaynaha.

Laakiin su'aashu intaas kuma eka.

Haddii shacabka si toos ah u doortaan madaxwaynaha, waxaa muhiim noqon doona in si cad loo qeexo xadka awoodda madaxwaynaha, muddada xilka, tirada xilliyada uu xilka qaban karo, awoodda baarlamaanka, madaxbannaanida maxkamadaha iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Sidoo kale, isbeddelka nidaamka dowladnimo ma noqon karo oo keliya in magaca Ra’iisul Wasaare loo beddelo Madaxweyne. Waxa ugu muhiimsan waa in la dhiso hay'ado awoodaha kala xadidaya, doorashooyin lagu kalsoonaan karo iyo nidaam ilaalinaya xuquuqda muwaadiniinta iyo dowlad-goboleedyada.

Itoobiya waxay hadda taagan tahay meel go'aannadeedu saameyn weyn ku yeelan karaan jiilka soo socda.

Adigu haddii aad ergada ka mid ahaan lahayd, kee ayaad u codayn lahayd?

🔵 A. Baarlamaanka ha doorto Madaxwaynaha
🔴 B. Shacabka ha doortaan Madaxwaynaha

Aragtidaada ku qor faallooyinka.

Dawa Global Media Siyaasad • Falanqayn • Warar

Wada-tashiga Qaran ee Itoobiya: Qodobbada La Isku Raacay iyo Kuwa Weli La Isku Khilaafsan YahayErgada ka kooban 500-ka q...
13/08/2026

Wada-tashiga Qaran ee Itoobiya: Qodobbada La Isku Raacay iyo Kuwa Weli La Isku Khilaafsan Yahay

Ergada ka kooban 500-ka qof ee ka qaybgalaya Wada-tashiga Qaran ee Itoobiya ayaa isku raacay in qaab-dhismeedka federaalka ee ku salaysan qowmiyadaha uu sidiisa u sii ahaado.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in Itoobiya lagu maamulo nidaam uu madaxweyne hoggaamiyo.

Hase yeeshee, qodob muhiim ah ayaa weli dood ka taagan tahay: Sidee loo dooranayaa Madaxweynaha Itoobiya?

In Madaxweynaha laga soo doorto Baarlamaanka, iyadoo dalku ku shaqaynayo nidaam baarlamaan.

Ama in Itoobiya yeelato nidaam madaxweyne oo buuxa, iyadoo Madaxweynaha ay shacabka si toos ah u dooranayaan.

Sidoo kale, waxaa weli la isku khilaafsan yahay arrimo ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka dowladda, nidaamka siyaasadeed, matalaadda iyo nidaamka doorashooyinka.

Maadaama aan heshiis buuxa laga gaarin qodobadan, waxaa la go’aamiyay in aragtiyada kala duwan loo gudbiyo marxaladda xigta ee Wada-tashiga Qaran.

Waxaa sidoo kale jira kala aragti duwanaansho ku saabsan sida xubnaha Golaha Federaalka (House of Federation) loo matalayo, waxaana qodobkan isna loo gudbiyay marxaladda xigta.

👉 Sida muuqata, Wada-tashiga Qaran wuxuu gaaray heshiisyo muhiim ah, balse qodobbada ugu xasaasisan ee la xiriira nidaamka siyaasadeed, awood-qaybsiga iyo doorashada Madaxweynaha ayaa weli u baahan wada-hadal iyo is-afgarad dheeraad ah.

Miisaaniyadda lixdii maamul-Magaalooyinkii  H**e  iyo Magaalooyinka CusubKulan-weynaha diyaarinta qorshaha Sannad-Miisaa...
10/08/2026

Miisaaniyadda lixdii maamul-Magaalooyinkii H**e iyo Magaalooyinka Cusub

Kulan-weynaha diyaarinta qorshaha Sannad-Miisaaniyadeedka 2019 T.I waxaa diiradda lagu saaray miisaaniyadda iyo qorshayaasha horumarineed ee lixdii maamul-magaalo ee h**e iyo maamul-magaalooyinka cusub, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha iyo mudnaanta magaalo kasta.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay magaalooyinku u leeyihiin kobaca dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo isbeddelka nolosha bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Axmed Shukri, ayaa sheegay in la sii xoojinayo qorshayaasha horumarineed ee lixdii maamul-magaalo ee h**e iyo magaalooyinka cusub, iyadoo la doonayo in miisaaniyaddu si dhab ah uga jawaabto baahiyaha jira.

Waxaa muhiim ah in magaalooyinkii h**e iyo magaalooyinka cusub loo sameeyo miisaaniyad ku salaysan baahida dhabta ah, iyadoo magaalooyinkii h**e xoogga la saarayo tayeynta adeegyada iyo kaabeyaasha jira, halka magaalooyinka cusub mudnaanta la siinayo adeegyada aasaasiga ah, kaabeyaasha iyo dhismaha hay’adaha maamulka.

Ujeeddadu waa in miisaaniyadda magaalo kasta ay noqoto mid keenta horumar la taaban karo, dakhli-abuur, maalgashi, shaqo-abuur iyo adeegyo tayo leh.

MUSUQMAASUQA: OL’OLE CUSUB OO INDHAHA LAGU HAYODowladda dhexe waxay sheegtay inay qaaday tallaabooyin ballaaran oo ka dh...
07/08/2026

MUSUQMAASUQA: OL’OLE CUSUB OO INDHAHA LAGU HAYO

Dowladda dhexe waxay sheegtay inay qaaday tallaabooyin ballaaran oo ka dhan ah musuqmaasuqa iyo dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah. Tirada la shaaciyeyna ma ahan tiro yar:

➡️ 573 qof oo masuuliyiin iyo shaqaale isugu jira
➡️ 80 shirkadood
➡️ In ka badan 7,000 ganacsi iyo bakhaarro
➡️ 7 barnaamij oo cryptocurrency ah

Waxaa la sheegay in tallaabooyin kala duwan, oo ay ku jiraan xiritaanno, laga qaaday qaar ka mid ah dadka iyo hay’adaha lagu bartilmaameedsaday

Musuqmaasuqu haddii uu ku koobnaado hal xafiis ama hal qof lama ciribtiri karo. Waa dhibaato nidaam u baahan in si joogto ah loo baaro, loo kormeero, loona xisaabtamo.

Xilli la sugayo dhismaha xukuumadda cusub, waxaa sidoo kale muhiim ah in indhaha lagu hayo deegaanada. Shacabka waxay filayaan in hufnaanta iyo isla-xisaabtanku aysan ku ekaan dowladda dhexe, balse ay gaaraan deegaanada, gobollada iyo degmooyinka.

Masuul kasta oo loo dhiibo xil dadweyne waa inuu ogaadaa in xilku yahay mas’uuliyad iyo adeeg bulsho, ee uusan ahayn fursad gaar ah oo lagu uruursado hanti.

Haddii ololahan loo beddelo nidaam joogto ah oo aan cidna laga reebin, wuxuu noqon karaa tallaabo muhiim ah oo dib loogu dhisayo kalsoonida shacabka.

Laakiin haddii sharciga si xulasho ah loo adeegsado, su’aalo badan ayaa ka dhalan doona.

Dawa Global Media

Xiisadda Xuduudda Itoobiya iyo Suudaan Oo Sii KordheysaWararka laga helayo xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ayaa mu...
01/08/2026

Xiisadda Xuduudda Itoobiya iyo Suudaan Oo Sii Kordheysa

Wararka laga helayo xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ayaa muujinaya in xaaladda amni ay saaka gashay marxalad cusub, kadib markii iska horimaad hubeysan uu ka qarxay deegaanka Lugdi.

Xogaha hordhaca ah waxay sheegayaan in xiisaddu ay bilaabatay kaddib markii ciidamada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen afar askari oo ka tirsan ciidamada Suudaan, kuwaas oo la sheegay inay gudaha u galeen dhulka Itoobiya. Arrintaas ayaa la rumeysan yahay inay sababtay iska horimaad si degdeg ah u sii xoogaystay, iyadoo labada ciidan ay isku adeegsadeen hub culus.

Ilaa iyo hadda, lama hayo war rasmi ah oo ka soo baxay labada dowladood oo si faahfaahsan u xaqiijinaya khasaaraha iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta furimaha dagaalka.

Dhanka kale, wararka ka imanaya Galbeedka Tigray ayaa tilmaamaya in howlgallada milatari ay sii ballaaranayaan, taas oo muujin karta in xaaladda amni ee waqooyiga iyo galbeedka Itoobiya ay weli tahay mid xasaasi ah.

Haddii xiisadahaasi sii socdaan, waxay saameyn ku yeelan karaan amniga xuduudaha, dhaqdhaqaaqa shacabka, iyo xasilloonida guud ee gobolka. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la sugo xogaha rasmiga ah isla markaana la dhiirrigeliyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dejinayo xaaladda.

28/07/2026

Mustafa Omer

Miisaaniyadda Mamul magaalooyinka Deegaanka Soomaalida
27/07/2026

Miisaaniyadda Mamul magaalooyinka Deegaanka Soomaalida

Jigjiga – Af-hayeennada Golaha Xildhibaannada DDS, Marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhiga11-aad ee Golaha 6-aad, kaas...
27/07/2026

Jigjiga – Af-hayeennada Golaha Xildhibaannada DDS, Marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhiga11-aad ee Golaha 6-aad, kaasi oo ay horyaalaan 13 ajande oo kala ah:

1. Ansixinta Hadal-qoraaleedkii Kalfadhigii 10-aad ee Golaha 6-aad.
2. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DDS ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
3. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Xafiiska Golaha Xildhibaannada DDS ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
4. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hay’adda Garsoorka ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
5. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Hanti-dhawrka Guud ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
6. Soo-jeedinta iyo dhagaysiga Warbixinta Waxqabadka Wakaaladda Warbaahinta SRTV ee Sannad Miisaaniyadeedka 2018 T.I.
7. Dhagaysiga iyo Ansixinta Warbixinta Waxqabadka Commission-ka Baadhista Tacadiyadii ka dhacay Deegaanka Soomaalida.
8. Meel-marinta Bayaanka Miisaaniyadda Sannadka Miisaaniyadeedka 2019 T.I.
9. Bayaanka Meel-marinta Miisaaniyadda Dheeraadka ah ee Wajiga Labaad ee Sannadka 2018 T.I.
10. Soo-jeedinta iyo Ansixinta Xeer Nidaameedka Ujuurrada Garsoorka ee Xafiiska Maxkamadda Guud DDS.
11. Bayaanka Aqoonsiga iyo Ilaalinta Xabsiga Dhexe ee Deegaanka ee loo yaqaano Jeel Ogaadeen si loogu asteeyo goob xasuus u ah tacadiyadii dhacay ee loo gaystay bulshada deegaanka.
12. Bayaanka Wax-ka-beddelka Bayaanka Canshuurta Dakhliga DDS.
13. Dhaarinta Mas’uuliyiinta.

Address

Jigjiga
Moyale

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawa Global Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share