09/02/2025
: Xukuumada ayaa qoraal kasoo saartay maqaalkii ay baahisay Reporter, waxay kaloy markii u horreysay ka hadleen isbadalkii xafiiska biyaha lagu sameeyay.Hoos ka akhriso qoraal uu baahiyay Abdikadir Rashid Duale wasiirka warfaafinta DDS 👇
DOOD CELIN
Dalka Ethiopia isbadelka ka hor saxaafaddu waxay ahayd mid aan haysan xorriyad waafi ah. Isbadelka kadib, waxaa la xaqiijiyay xorriyatul-qawl muwaadiniiniinta xaq u siinaysa inay fikirkooda cabiraan; Waxaase iyana jirta bisayl la,aan abuuraysa faafinta xogo aan sugnayn. Docda kale, wakhtigan casriga ah waxaa soo ifbaxay warfidiyeeno badan kuwaas oo inta badan iska noqday madal lagaga xamaasho ama dhaqaale lagaga tabcado.
Dhowaan majalada "The Reporter" waxaa lagu daabacay xog aan sugnayn xaqiiqdana aad uga fog oo ku saabsan xaaladda helidda biyaha nadiifta ah ee deegaanka. Waa qalinka iyo caadadii in marka qof ama haayad ay xog daabacdo in la helo qof naqdiya oo ka jawaaba, akhristayaashuna ay noqdaan garsoorayaal.
Xisbiga Barwaaqo iyo xukuumadiisu waxay dhaxleen qaan ama deymo farabadan oo ay kamid tahay horumar macmal ah oo daah looga dhigo heeso iyo suugaan. Isbadelka kadib, waxaa la qaatay in la xaqiijiyo horumar taaba gal ah oo aan ahayn mid lagu meel marinayo heeso. Waxaa qorshe loo qaatay in laga shaqaysiiyo mashaariicaha qabyada ah, in la dayactiro wixii dayactir u baahan si ay adeeg u bixiyaan, in la bilaabo mashaariico mug weyn oo lagaga jawaabayo baahiyaha shacabka.
Waxaan mid mid u dul istaagi ama aan uga jawaabi mashaariicaha ku jira warbixinta majalada "The Reporter" oo ah mid laga soo miin guuriyay xogo been abuur ah (reports from rumors).
A) Waxaa hubaal ah in heer daboolka biyaha nadiifta ah ee magaalada Jigjiga uu ahaa mid aad u hoseeya isbadelka ka hor. Sidoo kale, koriinka magaalada oo xawaare ku socda iyo fulinta mashaariicaha horumarineed ee sida wadooyinka waxay sameeyaan helida biyo nadiif ah oo ku filan magaalada Jigjiga. Mashruuca Jigjiga ee wajiga labaad waa mashruuc taabo gal noqday oo biyo nadiif ah siiya shacabka caasimadda. Waxaa hubaal ah in magaalada Jigjiga xaafad kasta oo ay marto tuubada biyuhu ay sadexdii habeenba ay habeen helaan biyo ku filan.
B) Mashruuca Godey oo ah mashruuc aad u baaladhan waa mashruuc si buuxda loogu guulaystay shacabka magaaladana siiya adeeg dhamaystiran. Waa hubaal yaxaaska iyo shacabku inay kala nabad galeen kadib markay ka baaqsadeen inay jiinka wabiga biyo u doontaan.
C) Mashruuca shilaabo waa mashruuc si buuxda u shaqeeya, shacabkuna ay ka helaan biyo nadiifa
D) Mashruuca biyaha Magaalada dhagaxbuur "The reporter" way ka been sheegtay, xogta ay baahisayna waxaa cad xataa mashruuc ahaan inaysan xog ka hayn. Mashruucu marka h**e waa laba qaybood: qaybta koowaad waxaa la bilaabay 2022 waa mashruuc degdegg ah (emergency) oo aanan kufilnayn magaalada, haddana wuxuu kujiraa tijaabadii koowaad.
Mashruuca labaad waa mashruuca rasmiga ah ee loogu talagalay inuu magaalada waraabiyo mustaqbalka wuxuu marayaa 70%.
E) Mashruuca Waangay waxaa fulinaysa dawlada federaalka mana aha mashruuc hoos taga Xafiiska Biyaha ee heer deegaan. Muddo hal sano ah wuu taagan yahay waxaana socda dedaalo dib loogu bilaabayo shaqada. (Shacabka ma hafrayno ee beenta hafaryada ahna yaanan lagu kaadsoomin).
Docda kale, xilku waa ul isu dhiib, in xilka aad maalin hayso sidaa si lamidana in maalin kalena laga qaado waa sunaha dawladnimada. Waxaa dhowaan soo afmeermay shirweynihii labaad ee Xisbiga Barwaaqo oo ah xisbi shacab oo una taagan ka jawaabidda baahiyaha shacabka iyo xaqiijinta barwaaqo loo dhanyahay waxa uu jiho u qaatay in la sameeyo dib u habayn qoto dheer ( in-depth reform and reshuffle) si loo xaqiijiyo korna loogu qaado adeeg bixin dhamaystiran oo ay shacabku helaan. Wax ka badelka lagu sameeyay hogaaminta xafiiska biyaha maaha mid la xidhiidha warbixinta majadala "The Reporter" balse waxay qeyb ka tahay bilawna ay u tahay dib u habayn balaadhan oo lagu samayn doono hogaaminta iyo shaqaalaha hay'adaha dawliga ah si loo xaqiijiyo adeeg bixin hufan oo ay shacabku kuqanacsanyihiin.