
06/09/2025
Maanta, oo kale 6-da September, waa maalin muhiim u ah nolosheyda. Sannadkan oo kale, 6/9/2022, ayaan ku biiray kiron open higher education taasoo noqotay isbeddel weyn oo nolosheyda ah.
Ka hor intaanan Kiron ku biirin, nolosheydu ma lahayn jiho sax ah. Waqtigeyga intabadan waxaan ku bixin jiray baraha bulshada anigoo aan lahayn wax yool ah, waxaana seexan jiray wagu marku baryo, jadwal nololeedna ma anan haysan. Fursad waxbarasho oo sarena ma haysan, waxaan dareemayay in aan haysan wax fursada ah haba yaraate.
Laakiin wax walba way is badalen qadarka alle alx waxan helay madal heer sare ah oo waliba organization ah o la yiraahdo Kiron open higher education , waxay awood ii siiyen markan codsaday inan si bilaash ah oga barto madasha aadka u weyn ee Coursera kuna barto si bilaash ah dhamaan Courses ka ku jira dhamaan waxaan qaatay Courses farabadan balse kuwa nolashayda wax ka badlay waxan dhihi karaa wa kuwan sida social media marketing digital marketing e-commerce sales operations Ma aha oo kaliya casharro waxay ahaayeen xirfado dhab ah, aqoon iyo rajo u yeelay nolashayda.
Xirfadahaas awgeed, waxaan aasaasay shirkad layiraahdo: Hiigso Digital Service.
Hiigso waa magac somali ah oo macnihiisu yahay hiigsasho sare iyo horay u socod. Magacan wuxuu ka tarjumayaa sheekadayda isbeddelka iyo hamigayga ah inaan sameen karo horo usucod sidoo kalena an ku caawiyo dadkayga si ay u gaaraan guulahooda.
Markaan dib u milicsado, safarkaygi waxaan ogaaday hal xikmad:
Dadaalkaaga maanta ayaa qaabeen doona guusha aad berri u dabaaldagidoonto.
Mahadsanid Kiron, waxaa tahay ifiyaha dhalinyaro badan oo musataqbalkooda donaya inay ifiyaan.
Happy 10th anniversary, Kiron may you continue changing lives across the world, just as you changed mine
Kiron Open Higher Education