26/06/2025
🚨kusoo dhawoow SR Blood Connect
Hooyooyin,caruur iyo bukaano ayaa sanad kasta ku dhinta deegaankeena sababo la xidhiidha helitaan la'aanta dhiig ku habboon wakhtiga loo baahnaa.
Muddo ku dhow saddex sano waxaan dhiig ku deeqayay 3-dii biloodba mar.waxaan leeyahay nooca dhiiga ee aadka u yar -O ( O negative), taas oo ka dhigaysa mid si gaar ah loogu dhibtoodo helidiisa marka xaaladaha degdegga ah jiraan.
Waxaan arkay dad noloshoodu ku badbaaday dhiig si degdeg ah loo helay, waxaan arkay dad kale oo nasiib darro naftooda ku waayay maadama aysan helin dhiig ku haboon si dhakhso ah
🔴Taasi waxay sababtay inaan aasaasno Somali Region Blood Connect (SR Blood Connect) oo ah shabakad si dhakhso ah isugu xidha dadka dhiig ku deeqi kara ah iyo bukaanada u baahan dhiig🩸
✅️ waxyaabaha Aan Qabanno
📝Diwaangelinta dhiig-bixiyeyaasha iyadoo lagu salaynayo nooca dhiiga iyo goobta
🏥Iskaashi la yeelashada isbitaallada si loo gaaro caawimaad degdeg ah
🎤wacyigelin iyo ololayaal dadweyne
👨💻Adeegsiga tignoolojiyada si degdeg loogu wargeliyo dadka
Tani waa dhaqdhaqaaq bani'aadaminimo oo ku dhisan naxariis.Nagu soo biir, oo noqo qayb ka mid ah isbadalka .Hal dhibici oo dhiig ah ayaa badbaadin karta naf.🩸
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSf49QMsu5V7HSM0k312RcdQpBmPL7Ll1XVEh0krgTd3_tIR2Q/viewform?usp=header
🚨 Follow our page, Get involved. Be a life-saver