Gir-Gir Media

Gir-Gir Media GIR-GIR MEDIA
warbixin togan iyo waxtarka bulshada deegaanka Soomaalida ayan halkan ku baahina.

02/03/2026

Balan qaadki madaxwayne Mustafe Muxummed Cumar ee qurxinta taalada sayid maxamed cabdule xasan oo uu ka dhabeeyay

Waxaa la daah-furay goobta nasashada ee Sayid Maxammed Cabdille Xasan oo ay ku baxday lacag dhan 150 milyan oo Birr.Mada...
02/03/2026

Waxaa la daah-furay goobta nasashada ee Sayid Maxammed Cabdille Xasan oo ay ku baxday lacag dhan 150 milyan oo Birr.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa si rasmi ah u daah-furay goobta dalxiiska ee halgamaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan—goob loo asteeyay xusuusta, taariikhda, dalxiiska iyo damashaadka bulshada, kuna habboon meeqaamka Sayidka.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in goobtii h**e ee uu sayidku yaalay ay adkayd in sawir lagula galo cidhiidhiga ka jiray awgeed, balse hadda la keenay goob ku habboon.

Taaladdan oo horrey u taallay goobtii kala-wareegga ee magaalada ayaa astaan u ah halgankii gobannimo-doonka iyo geesinimada Sayidka. Si kastaba ha ahaatee, qorshihii dib-u-habaynta iyo qurxinta magaalada ayaa sababay in taaladda loo raro meel ka muuqaal iyo meeqaam wanaagsan halkii h**e.

Waxaa sida oo kale goobta nasashada ee Sayidka lagu sameeyay afur-wadareed ay kasoo qayb'galeen masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Mustafe "Muwaadiniinta shaqa abuurka tooska ah loo sameeyay lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxay dhan yihiin ...
14/02/2026

Madaxweyne Mustafe "Muwaadiniinta shaqa abuurka tooska ah loo sameeyay lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxay dhan yihiin 79,646 muwaadin."

Madaxweynaha Deegaanka oo ka hor hadlaya Baarlamanka ayaa yidhi."Dhaqaalaha Deegaanku wuxuu sanadkii lasoo dhaafay kordh...
14/02/2026

Madaxweynaha Deegaanka oo ka hor hadlaya Baarlamanka ayaa yidhi.

"Dhaqaalaha Deegaanku wuxuu sanadkii lasoo dhaafay kordhay 7.8%. sidoo kale sanadihii tagay dhaqaalaha Deegaanku wuxuu kordhayay celcelis ahaan 6%."

"Waxaa mushaar kordhin loo sameeyay 1869 Macalin, waxaana si cusub loo meeleeyay 410 macaliniin aqoontoodu tahay degree iyo diploma."

Madaxweynaha Deegaanka ayaa markii ugu h**eysay waxa uu sheegay in xoola dhaqatadu ay xoolahooda damaanad u isticmaali k...
14/02/2026

Madaxweynaha Deegaanka ayaa markii ugu h**eysay waxa uu sheegay in xoola dhaqatadu ay xoolahooda damaanad u isticmaali karaan si ay lacag deyna uga qaataan bangiyada dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in markii ugu h**eysay Deegaanka laga bilaabay nidaamka dhag-dejinta, taasoo xooluhu ay ku yeelanayaan sumad gaara sidii dhaqanka ahaan jirtey, wuxuuna xusey in taasina ay sahlayso in xoola dhaqatadu ay xoolahooda damaanad u dhigi karaan deyna kaga qaaadan karaan bangiyada dalka.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo Gollaha Xildhibaanada DDS ka soo horjeediyey warbixinta waxqabadka Xuku...
14/02/2026

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo Gollaha Xildhibaanada DDS ka soo horjeediyey warbixinta waxqabadka Xukuumadda ee lixdii bilood ee la soo dhafaay ayaa su,aalo ay xildhibaanadu waydiiyey oo uu ka jawaabay kadib ay Golluhu codbuuxa ku ansixiyeen warbixinta waxqabadka xukuumadda.

11/02/2026

Jigjiga — Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qayb-galay bandhigga buugga “Xuquuqda iyo Waajibaadka Dumarka."

Waxaa dhammaaday qodista afar (4) ceel oo kamid ah toddobadii (7) ceel ee laga waday aagga Waaji, halka laba (2) kamid a...
11/02/2026

Waxaa dhammaaday qodista afar (4) ceel oo kamid ah toddobadii (7) ceel ee laga waday aagga Waaji, halka laba (2) kamid ahna dhismahoodu weli socdo.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, oo ay weheliyaan Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Qaybta Afrika ee hay’adda UNDP, Marwo Ahunna Eziakonwa, iyo masuuliyiin kale, ayaa booqday ceelasha laga hirgelinayo aagga Waaji, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay toddobo (7) ceel.

Afar kamid ah ceelashaasi waa la dhammaystiray, halka laba kalena ay shaqadoodu weli socoto, midka kalana qorshihiisa la billaabayo. Ceelashan ayaa lagu xoojin doonaa biyo-gelinta magaalada Jigjiga.

Waxaa xusid mudan in ceelasha la dhammaystiray, ay durba ka faa’iidaysanayaan bulshada ku dhaqan nawaaxiga goobaha laga qoday, kuwaas oo helay biyo nadiif ah oo ay ka isticmaalaan cabitaan iyo waraabinta xoolahaba, taasoo si weyn uga qayb qaadanaysa horumarinta noloshooda.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoo...
11/02/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Qaybta Afrika ee hay’adda UNDP, Marwo Ahunna Eziakonwa iyo wafdi sare oo ay hoggaaminayso.

Komishineerka Guud Ee Komishinka Booliska DDS, Sareeye Guud Abdi Ali Siyaad (Gafaydhe) oo shir gudiimiyay kulanka amniga...
09/02/2026

Komishineerka Guud Ee Komishinka Booliska DDS, Sareeye Guud Abdi Ali Siyaad (Gafaydhe) oo shir gudiimiyay kulanka amniga Booliska ee todobaadlaha ah, kaasoo lagu gorfeeyay xoojinta iyo adkaynta amaanka iyo Xasiloonida deegaanka.

Golaha Fulinta DDS oo ansixiyay Waxqabadka Xukuumadda DDS ee lixda bilood SM 2018 T.I.Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe M...
09/02/2026

Golaha Fulinta DDS oo ansixiyay Waxqabadka Xukuumadda DDS ee lixda bilood SM 2018 T.I.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen Golaha Fulinta DDS. Kulankaasi oo uu Xafiiska Qorshayntu kusoo jeediyay warbixinta waxqabadka xukuumadda ee heer deegaan oo uu Golahu ansixiyay.

08/02/2026

Wa min shari xaasidin idaa xasad✅️

Address

Sayid Maxamed Street
Jijiga
15

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gir-Gir Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category