Wal-Waal Media

Wal-Waal Media Warar, dhacdooyin iyo Qoraalo xiiso leh ayay idiin soo gudbinaysaa warbaahinta Wal Waal Media

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa sheegey in kooxda AS ay saaka soo weerartay Baydhabo ayna iska caabiyeen — tan oo imanaysa ...
03/09/2026

Maamulka Koonfurgalbeed ayaa sheegey in kooxda AS ay saaka soo weerartay Baydhabo ayna iska caabiyeen — tan oo imanaysa ka dib dagaal saacado badan magaaladaasi ku dhexmaray ciidanka DFS, kuwa KGS iyo xoogag taabacsan Laftagareen.

Agasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa Galabtay Gaaray magaladda Boosaso ...
02/09/2026

Agasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa Galabtay Gaaray magaladda Boosaso halkaas oo u yeeray madaxweynaha Puntland.

Khilaafka labadaan masuul ayaa ka bilowdey Isku heyn shaqo, iyo qalabeynta Xafiiska Dhakhliga oo dhawaan la dhisey!.

Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in cashuur dheeraad ah la saari doono bulshada, si loo daboolo kharashaadka iyo ...
02/09/2026

Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in cashuur dheeraad ah la saari doono bulshada, si loo daboolo kharashaadka iyo mushaharka ciidamada tirada badan ee ay dowladdu dhowaan la wareegtay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in ciidamada ay dowladdu la wareegtay ay u baahan yihiin dhaqaale iyo mushahar, taasina ay keeni karto koror cusub oo dhanka cashuuraha ah.

“Wixii ciidan ahaa ee aanu la wareegnay waa ogaydeen, dhaqaale iyo mushahar bay rabaan. Cashuur badan baa soo socota, ha la ogaado,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor.

Dadka Puntland ayaa wajahaya duruufo dhaqaale oo adag oo isbiirsaday kuwaas oo ay ka mid tahay abaaro soo laablaabtay, dhaqaale xumo iyo awooda wax iibsigga oo hoos u dhacday.

Halkee ayuu ku dambeeyay harqaankii Booliiska Puntland ee la sheegay in lagu soo saari doono dharka ciidanka?
02/09/2026

Halkee ayuu ku dambeeyay harqaankii Booliiska Puntland ee la sheegay in lagu soo saari doono dharka ciidanka?

Xukuumada Puntland ayaa goordhawayd xabsigga dhigtay ganacsade Axmed Sanay Hilowle, oo maanta madaxweynaha Puntland u je...
02/09/2026

Xukuumada Puntland ayaa goordhawayd xabsigga dhigtay ganacsade Axmed Sanay Hilowle, oo maanta madaxweynaha Puntland u jeediyay cabasho ka dhan gudiggii loo xil-saaray xuska 1-ada August.

Axmed wuxuu sheegay in weli ay ka maqantahay xaqii uu lahaa, kaas oo ah in dawlada ay u toleen dharkii ay xirteen dadkii maray xuska 1-da August ee caasimada Garoowe ka dhacay.

Gudiggaas ayaa sidoo kale waxaa weli ku maqan oo laga cabanayaa xuquuq ay balan-qaadeen sidda ay nala soo wadaageen shaqaalaha dawlada, ayna ka mid tahay

1: Shaqaalaha Puntland ee maray oo lacag loo balan-qaaday maalinkaas, balse weli ay qaybo ka maqan yihiin.

2: Shaqaalaha Puntland oo markaas bil mushahar ah loo balan-qaaday in loo fasaxayo, balse weli lama siin.

Xarigga Axmed Sanay ayaa ah mid kasoo horjeeda dastuurka Puntland iyo shuruuda kale, waana mid dhaawacaya xaqa muwaadiniintu ay cabashadooda kusoo bandhigikaraan iyo xoriyada hadalka.

xukuumada Puntland ma sheegin sabab ay u xirtay
ilaa iyo hadda muwaadinkaas. xarigyada isdaba joogo ah ee xukuumada Said Deni ay ku beegsanayso dadka ka aragtida duwan iyo suxufiyiinta ayaa intoo badan bahda sharciyaqaanadu waxay tilmaameen inay yihiin kuwa sharciga baal-marsan.

Waxaa goor dhowayd saldhigga dhexe Garowe looga yeeray mulkilaha Harqaanle ka cabanayay in la duud siiyay lacag uu dowla...
02/09/2026

Waxaa goor dhowayd saldhigga dhexe Garowe looga yeeray mulkilaha Harqaanle ka cabanayay in la duud siiyay lacag uu dowladda ku leeyahay oo ah dhar uu ciidanka u tolay.

01/09/2026

Burcad badeedka Soo cusboonaadey ee la keenay xeebaha Puntland, waxaa iska kaashanaya Turkiga iyo Dowladda Xasan , ujeedka waa in la gaaro xeebaha Puntland, si loo dhaqangaliyo heshiiskii Xassan shiikh u saxiixey Turkiga oo ahaa in Turkigu la wareego khayraadka ama Amniga Puntland, Puntland laga xiro Badda Ayuu yiri Mahamad Abdiwahaab oo ka Falan qooda Arimaha Soomaalia iyo Geeska Africa

01/09/2026

Madaxweyne Deni oo Maanta qorshe cusub ka dejiyey maamulada Gobollada Bari iyo Mudug kadib maanta shir dhexmaray isaga iyo Goleyaasha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay qorshe cusub oo lagu xoojinayo maamulka iyo korjoogteynta Gobollada Bari iyo Mudug, iyadoo la qorsheynayo in gobolladaas loo magacaabo mas’uuliyiin sare oo si toos ah uga hoos shaqeeya Madaxtooyada Puntland.

Mas’uulka loo magacaabo xilkan ayaa yeelanaya awood korjoogteyn iyo isku-xirnaan, isaga oo dusha kala soconaya shaqada Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa Degmada, si loo xoojiyo maamulka iyo fulinta siyaasadaha Dowladda.

Qorshahan ayaa si hordhac ah durba looga bilaabay Gobolka Bari, iyadoo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), loo xilsaaray inuu door sare ku yeesho maamulka iyo korjoogteynta gobolka, isaga oo ka sarreeya Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Mr. Dhedo ayaa lagu doortay Lexe-jecladda Gobolka Bari, waxaana doorkiisa cusub lagu tilmaamay mid isku-xiraya maamulka gobolka iyo Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in tallaabadan ay la xiriirto muhiimadda istiraatiijiyadeed iyo xasaasiyadda Gobollada Bari iyo Mudug, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, oo laf-dhabar u ah amniga, dhaqaalaha iyo Dowladda Puntland.

01/09/2026

Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay rag loo haystay dilka Askari ka tirsana.........more

Madaxweynaha Puntland Said Deni oo maanta golaha wasiirada, xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadiisa kula ku...
01/09/2026

Madaxweynaha Puntland Said Deni oo maanta golaha wasiirada, xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadiisa kula kulmay Boosaaso, ayaa soosaaray amaro cusub oo la xiriira xaalada Puntland, Madaxweynaha ayaa golaha wasiirada la wadaagay

1. Hubka sharci-darrada ah: Madaxweynaha Puntland ayaa shaaciyay in beelaha is-dagaala malayshiyaadka hubaysan ee dhinacyada ka kala tirsan la xiro lagana qaado hubka, dawlada usoo wareego hubkaasi. wuxuu sheegay in hubka iyo malayshiyaadka la qabto, loosoo bandhigo saxaafada.

2. Ciidamada: Sidoo kale dadka hubaysan iyo ciidamada aan shaqada ku jiran ee hubka magaalooyinka ku dhex-wata ayuu madaxweynuhu amartay in la xiro lagana qaado hubka. cidii dagaalanta talaabo laga qaado.

Ciidamada dawlada ayuu uga diggay inay dagaalada beelaha ka qayb-qaataan, askarigii ama ciidankii ka qayb-qaata ayuu sheegay in talaabo laga qaadayo.

3. Ilaalada madaxda: In la yareeyo tirada ilaaladda. wasiirka waxaa loo oggolaaday labo askari, wasiir ku xigeenka hal askari.

4: Xeebaha: Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la kordhinayo ciidamada ka hawgelaya xeebaha Puntland, taas oo ujeedkeedu yahay kordhinta dakhliga iyo la-dagaallanka burcad-badeedda.

5. Dekedda Boosaaso: Wuxuu amray in beri la bilaabo in la wacyigeliyo dadka deggan xaafadaha ku dhaw dekedda Boosaaso, taas oo la balaarinayo, sidoo kalena khamiista la bilaabo duminta xaafadaha ku dhaw.

6. Amniga: Madaxweynaha Puntland Said Deni ayaa sheegay in Gaalkacayo iyo Boosaaso ay ahaayeen magaalooyinka ugu amni liita Puntland, maalinkii uu xilka yimid, meelkasta ay ciidamo hubaysan joogeen, maantana ay yihiin magaalooyinka ugu amnigga wanaagsan Puntland.

Address

145th Walwaal Street
Jijiga
001100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wal-Waal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share