31/07/2026
20 Itoobiyaan ah oo ciyaar Kubbada Cagta ah loo geeyay dalka Sweden oo baxsaday
Sida booliska dalka Sweden ay shaaciyeen waxaa la la’yahay ciyaartoy meteleysa kooxo ka dhisan dalka Itoobiya oo ka qeyb galayay tartan kubadda cagta ah oo lagu qabtay magaalada Göteborg, iyadoo la waayay maalintii ugu dambeysay ee tartanka. Laamaha amniga waxey sheegeen iney si iskood ah uga hareen tartanka oo sifo sharci darro ah oo tahriib ah u dhuumaaleysanayaan.
Tartanka Gothia Cup oo sidoo kale loo yaqaan Koobka Kubadda Cagta Dhallinyarada Adduunka, ayaa sanadkan waxaa ka qaybgalay kooxo ka socday 77 dal, waxaana Itoobiya ka socday afar kooxood.