Bayaxow Web TV

  • Home
  • Bayaxow Web TV

Bayaxow Web TV U adeegista Bulshada Soomaaliyeed

Bayaxow Web TV 📺

15/12/2025

Captain ibrahim tarore ayaa wuxuu difaacag dadka soomaaliyed isagoona ka jawaabay hadalkii donal trump soomaalidu waa dad qa***n ah ……..

12/12/2025

Baaq Nabadeed:-

Waxgaradka iyo dhalinyarta ka soo jeeda deegaanka Baali ayaa baaq nabadeed oo degdeg ah u diray Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Waxay ku boorinayaan maamulka in si dhab ah loo joojiyo colaadaha soo noq-noqanaya, loona helo xal waara oo ku salaysan cadaalad, wada hadal, iyo ilaalinta xuquuqda bulshada deegaanka.

Tuulada baar-guun ee Degmada Elele ayaa waxaa Ka qabsoomay xalafad Qalinjabin ah oo loo qabtay Arday baratay cilmiga dii...
10/12/2025

Tuulada baar-guun ee Degmada Elele ayaa waxaa Ka qabsoomay xalafad Qalinjabin ah oo loo qabtay Arday baratay cilmiga diinka

Xalfadan ayaa waxaa kasoo Qaybgalay Wasiir-ku xigeenka xafiiska xirfadaha iyo shaqo abuurka DDS mudane Cabdi Qaadir Maxamed shukri maamulka Gobolka maamulka Magalada Godey,Maamulka Degmafa Ellale, Culimo-owdiin oday-dhaqameed iyo Marti sharaf kale.

📸 Xamari photo graphy

Akhrisku waa furaha aqoonta, iftiinka maskaxda, iyo jidka horumarka nolosha. Qofka wax akhriya wuxuu helaa aragti balaar...
10/12/2025

Akhrisku waa furaha aqoonta, iftiinka maskaxda, iyo jidka horumarka nolosha. Qofka wax akhriya wuxuu helaa aragti balaaran, fikir qoto dheer, iyo awood uu ku fahmo naftiisa iyo dunida ku xeeran. Buug walba waa saaxiib, cashar, iyo khibrad cusub oo maskaxda lagu koriyo.
Si aan u dhiirrigelino akhriska, wadaaga fikradaha, iyo barashada midba midka kale, waxaan bilaabaynaa Group Akhris ah, meel ay isugu yimaadaan dadka jecel aqoonta iyo horumarka nafta.
Haddii aad daneynayso safar aqooneed, isbeddel, iyo horumar joogto ah, Ku soo biir group-ka akhriska

https://chat.whatsapp.com/DPaYgTjczdqC9BEl0Ii3ws?mode=hqrt1

Aqoontu waa hanti aan kaa dhammaanayn. Aan wada akhrino, aan wada korno.

10/12/2025

Labada Degmo ee Salaxaad iyo Raaso waxaa ka taagan xaalad halis ah iyo hub aruursi u dhexeeya laba qoys oo Soomaaliyeed oo halkaas deggan.

Colaaddan ayaa salka ku haysa ceel-biyood la sheegay in ay qodayso Dowladda Federaalka Itoobiya.

Muuqaallada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa ah kuwo argagax leh, kuwaas oo muujinaya heerka colaadda iyo hubka tirada badan ee dhex yaalla gudaha deegaannada Soomaalida.

Bayaxow Web TV like share fallow

Xuska 20aad ee Maalinta Qoomiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya ee 29-ka bisha Hidhaar 2018-ka ayaa si meeqam sare leh looga ...
09/12/2025

Xuska 20aad ee Maalinta Qoomiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya ee 29-ka bisha Hidhaar 2018-ka ayaa si meeqam sare leh looga maamuusay magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeelle.

Munaasabada oo uu soo agaasimay Xafiiska Golaha Baarlamaanka ee Maamulka Magaalada Godey ayaa waxaa halkudhag looga dhigay "Isfahan ku sallaysan midnimo qaran" ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Gudoomiyaha gobolka Mudane Cabdi Faarax, Duqa Maamulka Magaalada Mudane C/laahi Cali Xaaji, ciidanka, shaqaalaha iyo shacabka qeybihiisa kala duwan.

Af hayeenka Golaha Baarlamaanka ee Maamulka Magaalada Godey Mudane C/laahi Mukhtaar oo furay munaasabadan ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu suurogaliyay in uu meesha ka saaro kala sarayntii qowmiyadaha loona sinnaado talada dalka.

Damiin siyaaded oo aan saamayn siyaaded lahayn hadhowna dadkiisa dhuunta ugala oo dhahaya idoorta si aan wax idinkuugu q...
07/12/2025

Damiin siyaaded oo aan saamayn siyaaded lahayn hadhowna dadkiisa dhuunta ugala oo dhahaya idoorta si aan wax idinkuugu qabto

Ree shabele iyo godeyba waxan fariin udirayna inay kasoo horjeestaan damiinkan siyaasadeed ee aan wax faa’iido ah oogu fadhinin dadkii uu matalayay

07/12/2025

Aan aragno
Meeshay tabartaada ku dhigto

Wasiir ku xigeen dadkii uu matalayay aan meelna ku ogayn iskabadaa in uu wax uqabtee dadkii reerkiisa ahaa isku diray oo...
07/12/2025

Wasiir ku xigeen dadkii uu matalayay aan meelna ku ogayn iskabadaa in uu wax uqabtee dadkii reerkiisa ahaa isku diray oo cadaawad kala dhax dhigay

Ninkan Waa faysal odowaa oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska qorshaynta iyo hor dhaqaalaha deegaanka
soomalida ahna xildhiban heer federal ah oo aan wax faa’iido ah oogu fadhinin deegaanka iyo dadkii uu wax ku ahaaba

Faysal odowa oo mudadii uu xilka wasiirnimo lo magacaabay ayuu bilaabay inuu isku diro dadkii uu kasoo jeeday waliba. Beeshiisi hoose ee (ahmed abdale ) oo uu ukala qaybiyay labo qayb

Qaybna ay yihiin kuwo ay isaga isku sii xigaan oo uu xafiisyadii magalda ama degmooyinka uu ku qoray
wilal uu adeer uyahay halka kuwii kale inuu wax udhiibo iska daaye xafiisyadii ay horaan hayeen uu kala dagaalamay inay sii joogan

Waxaa kale oo jirto in xafiiska uu asaga ku xigeenka ka yahay uu ka shaqaalaysiiyay wiil uu adeer u yahay iyo ku ay walalo laxmi ah yihiin hadii loo baahdo magacyadooda iyo sawiradoo postiga xiga ayaan soo dhigi waxyaabo badana way dhiman yihin isha ku hay

Bayaxow Web TV

Jigjiga — Waxaa lagu soo bandhigay Buugga Sahmin Falsafad Soomaaliyeed oo uu qoray Nuuradiin Askar Ibrahim.Madaxweynaha ...
06/12/2025

Jigjiga — Waxaa lagu soo bandhigay Buugga Sahmin Falsafad Soomaaliyeed oo uu qoray Nuuradiin Askar Ibrahim.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qaybgalay bandhigga buuggan oo lagu qabtay Hotel Lotus. Buuggan ayaa akhristaha u furaya fahamka aasaaska falsafadda, isaga oo si fudud u sharxaya su’aalaha waaweyn ee nolosha, sida jiritaanka, aqoonta, akhlaaqda iyo micnaha nolol-qofeed.

Madaxweyne Mustafe ayaa madasha ka yidhi: “Waxaa dhawaanahan batay qorayaasha deegaanka ee soo saaraya buuggaag kala duwan, taasi oo ah calaamad muujinaysa soo kabasho bulsho. Arrintaas aad baan u boggaadinaynaa, waana dhiirrigelinaynaa.”

Buuggan ayaa si gaar ah u iftiiminaya doorka falsafaddu ku leedahay fahamka bulshada, dhaqanka iyo hab-fikirka Soomaalida, isaga oo isku dheellitiraya fikradaha caalamiga ah iyo aragtiyaha maxalliga ah.

Bayaxow Web TV

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ...
06/12/2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Buundada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo dib loo dayactiray kaddib markii ay burburiyeen kooxaha argagixisada.

Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen in dib-u-furista buundooyinkan ay si weyn u kordhin doonto isku xirka bulshada, dhaqaalaha deegaanka, iyo fududeynta hawlgallada ciidamada. Waxay sidoo kale xuseen in Dowladda Federaalka ay wado hirgelinta mashaariic horumarineed oo lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dib-u-dhiska buundooyinkan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeyneyso maamul-wanaagga, isku socodka shacabka, iyo sugidda amniga deegaannada laga xoreeyay kooxaha khawaatijta.

Munaasabadda furitaanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Sahal Cabdulaahi Cumar, Taliyaha Ciidamada AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma; iyo wakiillo ka socday Safaaradda Turkiga. Mas’uuliyiintu waxay ammaan ku muujiyeen dhismaha iyo dib-u-hagaajinta buundooyinkan oo ah kuwo istaraatiiji ah u ah isku socodka bulshada, gaadiidka, iyo howlaha amniga ee gobolka.

03/12/2025

Mucjiso rabaani ah oo lagu arkay magalada godey

Magalada Goday maanta Orgigaa halka Ile ayaa ku dhashay,waa mid kamida Mucjisooyinka Alle swtc.

Address


Telephone

+251933313077

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bayaxow Web TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bayaxow Web TV:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share