SiTTi Media News

  • Home
  • SiTTi Media News

SiTTi Media News warar nadiifa ah

Wadooyinka socda iyo kuwa la qorsheeyayba waxba uguma jiraan dulmanihii mabsuudka ahaa,  tolow goorma ayay Barwaaqada PP...
18/07/2025

Wadooyinka socda iyo kuwa la qorsheeyayba waxba uguma jiraan dulmanihii mabsuudka ahaa, tolow goorma ayay Barwaaqada PP soo gaadhi doontaa dhulkayga .

Waa 24 wado oo degaanka laga fulinayo, qaarkoodna socdaan.

Maamulka gobolka Siti oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 48aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti 🇩🇯.Masuuliyiin ka tirs...
27/06/2025

Maamulka gobolka Siti oo ka qaybgalay munaasabadda xuska 48aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti 🇩🇯.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Siti ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah uga qaybgalay munaasabadda weyn ee lagu xusayay sanad1guurada 48aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Jabuuti heshay xornimada, taasoo sanad walba si heer sare ah loogu dabaal-dego 27-ka bisha June.

Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Cali-Sabiix ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Siti Mudane Ibraahim Xuseen Khayre oo ay weheliyaan masuuliyiin heer gobol ah iyo maamulka degmada Ayshaca.

Xafladdan ayaa ah mid sanad walba shacabka reer Jabuuti si weyn ugu xusaan xornimada dalkooda, iyadoo lagu muujiyo qiimaha ay leedahay madax-bannaanida iyo midnimada.

Masuuliyiintan ka qaybgalay xuska ayaa shacabka reer Jabuuti ugu hambalyeeyay sanad-guurada 48aad, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka walaaltinimo, iskaashi iyo derisnimo ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xaflada cawa cidanka xooga dalka mashaAllah 🥰❣️🇩🇯
26/06/2025

Xaflada cawa cidanka xooga dalka mashaAllah 🥰❣️🇩🇯

Kahor intii aan la dhisin Jabuuti ee aanay magaalo noqon, dekedda ugu weyn mandiqaddan waxna laga dhoofiyo waxna laga so...
25/06/2025

Kahor intii aan la dhisin Jabuuti ee aanay magaalo noqon, dekedda ugu weyn mandiqaddan waxna laga dhoofiyo waxna laga soo dejiyo Saylac bay ahayd. Xilligaa gaadiidka la rarto awr bay ahayd. Safarrada Saylac ka baxa waxa ay toos u tagayeen magaalada Adari (Harar) oo ahayd xarunta Islaamka ee Geeska Afrika.

Waxa kale oo ay safarradu halkaa ka soo qaadayeen alaabada loo dhoofiyo dibadaha oo ay keenayeen dekedda Saylac. Safar walba waxa Raaci jiray rag Ciise ah oo abbaanno u ahaa si ay u jid mariyaan.

Safarradu muddada ay ku jiraan socodka waxa jiray goobo ay ku sii nastaan oo awrta lagu furo. Goobahaasi waxa ka samaysmay magaalooyin yaryar oo haatan in ka mid ahi burbureen. Hilinkaa ay safarradu marayeen iyo meelihii ay ku nasanayeen waa kuwan.

safarku marka uu ka soo baxo Saylac kulanka ayuu duddada ka marayey, kolka uu kulanka mudh ka soo yidhaa waxa uu soo marayey :
Selel
Giriyaad
Laanley
Buqdhada Jidhi
Kartataan ( Ceelka madow)
Dacar Budhuq
Sanka Baydda
Baxar
Geel-ka-gooji
Dareema cadde
Gujuuf
Gubur Dheer
Beeya Hagoog
Dhebi
Eles yar
Dallaymale
Aboorrey
Salala
Jaldaysa ( Qalcad)
Qalcad waxa weli ka sii muuqda raadad badan Hada waa Tuulo yar oo hoos timaad Ismaamulka Dir dhaba .

Qalcad marka ay ka baxaan waxa ay sii marayeen
Kaaba-qabad
Haama
Sandalool
Dabaylle
Ogta
Balawe
Dabadeed Buur madow bay halkaa ka galayeen ilaa Adari ( Harar)

Xigasho Cabdalla Xaaji Mustafe Hassan Rayaale

21/06/2025

Jawigii maanta iyo saylac

Gudoomiyaha Gobolka Selel Mudane Cabdi Siciid Faahiye Alaale Oo Ay Weheliyaan Mayarka Degmada Saylac Mudane Maxamuud Cig...
21/06/2025

Gudoomiyaha Gobolka Selel Mudane Cabdi Siciid Faahiye Alaale Oo Ay Weheliyaan Mayarka Degmada Saylac Mudane Maxamuud Cigal Wacays & Mayar Kuxigenka Degmada Saylac Mudane Daahir barkhad Cali Xoghayaha Fulinta Degmada Saylac Cilmi Sahal Faarax Ayaa Saka Subaxdii H**e Degmada Saylac Ee Gobolka Selel Ka Furey imtixanadka Dugsiyada 12aad & 8aad
Madax Warbahinta Dawlada Hoose Degmada Saylac Suxufi CeleYe Laan

Dib isku xasuusin;Wax ka ogaaddaa magacda xildhibaanaddi beelaha hoos ku xusan ugu jiray golihi baarlaamaanka Somaliland...
20/06/2025

Dib isku xasuusin;

Wax ka ogaaddaa magacda xildhibaanaddi beelaha hoos ku xusan ugu jiray golihi baarlaamaanka Somaliland iyo meelaha ay ka soo baxayeen ka hor isku biirkii koonfur iyo waqooyi
(Ciise iyo Gedabuursi)

1-Sheekh Abibakar Sheekh Cumar;
(Gedabuursi Boorama)

2- Cabdi Xassan Buuni;
(Gedabuursi Bonn)

3- Xaaji Ibrahim Nuur;
(Gedabuursi Dila)

4- Jaamac Geele Ciise;
(Ciise Saylac)

5- Xaaji Muuse Axmed Shirwac;
(Ciise Cabdul Qaadir)

20/06/2025

Seylac & Sabtida/Axadda!
👁👁👁

20/06/2025

DEG DEG: Dhaq-dhaqaaq xoogan oo xilka lagaga tuurayo maayirka Saylac iyo kuxigeenkiisa oo hada ka socda magalada Saylac.

Badi xildhibaanada mucaaradka ayaa isku raacay in markale maayirka magalada ku dhisaan Yuusuf Cawaale Daahir, ay-na iska dhex doortaan maayir kuxigeen cusub.

Maayirka hada jooga magalada iyo kuxigeenkiisa oo u muuqda kuwo ay ka awood bateen mawjadaha mucaaradku ayaa dadaal ku bixinaaya sidii ay gacanta ugu dhigilahayeen xildhibanada.

Waxase suurto gal ah in bari sabtida subax h**e kadhaco kal fadhigu xarunta maamulka gobolka Selel.

Sideed u aragtaa??

Lughaya TV

Badhasaabka gobolka salal mayirka degmada saylac iyo mayir kuxigeenka lughaya Ayaa shacabwaynaha ku dhaqan degmayada say...
06/06/2025

Badhasaabka gobolka salal mayirka degmada saylac iyo mayir kuxigeenka lughaya
Ayaa shacabwaynaha ku dhaqan degmayada saylac kula tukaday salaadii Ciida
Iyagoo sido kle masuuliyiintu shacabawaynaha ugu hampalyeeyay munaasibada ciidul odxa awgeed.

Ciid mubarak
Diirshe Ph-graphy

X/Dm

SiTTi Media News

Waxaan bogaadinayaa xadhig ka jarka Xarunta  caafimaadka dayax ee dagmada Ayshaca oo ay maanta xadhigga ka jareen wasiir...
03/06/2025

Waxaan bogaadinayaa xadhig ka jarka Xarunta caafimaadka dayax ee dagmada Ayshaca oo ay maanta xadhigga ka jareen wasiirka caafimaadka Dr.Muuse iyo Gudoomiyaha Gobolka Siti Gudoomiye ibraahim. Taas oo la hubo in ay wax badan ka tari doonto baahiyaha caafimaad ee ka jira aaggaas.

waxaan rajaynaynaa in dagmadan ayshaca ee ku taalla goobaha istiraateejiga ah Eebbana uu ku manaystay khayraad badan oo dabiici ah ay heli doonto mashaariico mug leh oo u qalma Meeqaankeeda.
hogaaminta deegaankuna ay ku daridoonaan liiska ka Core-districs rather than perphery districts.
Maxaa yeelay waxaan hubaa hadii xaggaa kaabayaasha dhaqaalaha dagmadan laga dhiso ay noqon karto mid inta ay dhaafto isku fillaan ay gaadhi karto heer ay qasnadda deegaanka dhaqaale dheeri ah ku darta.

Waxaa xusid mudan dagmadan ayshaca oo ka kooban 16 qabale marka laga reebo 8deedda qabale ee laamida jabuuti marto in inta kali ay san lahayn wax kaabayaal dhaqaale ah.

Waana dagmada ugu baaxadda wayn dagmooyinka gobolka.
sidii loo aas aasay xilligii xayla salaase na aysan wax dagma ah oo ka go'day aysan jirin marka laga reebo qabalaha dhidinle oo hadhagaala la raacshay.

Horumar Taabba gala.

X/ Nour Hasan Jama

SiTTi Media News

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SiTTi Media News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SiTTi Media News:

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share