Abdiqani Osoble

Abdiqani Osoble Waqti walba Kala soco warar xaqiiqa ah iyo wax ku xisa galiyo

08/03/2025

Horjoogihii Ugu Sareeyay AS Gobalka Shabelaha Dhaxe oo Duqeeyn lagu Dilay.

Wabar Maxamed Wabar Axmed ayaa Hambalyo iyo salaan ugu tagay, Ugaaska Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
14/05/2024

Wabar Maxamed Wabar Axmed ayaa Hambalyo iyo salaan ugu tagay, Ugaaska Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Maasha Alaah Ugaas Yuusuf Allah La Garab Galo Hogaanka Bulshada uu Hogaanka uyahay.
13/05/2024

Maasha Alaah Ugaas Yuusuf Allah La Garab Galo Hogaanka Bulshada uu Hogaanka uyahay.

Hay,ada Nabadsugida Qaranka oo Maalmihii Naruurada Ubilaawatay.
09/04/2024

Hay,ada Nabadsugida Qaranka oo Maalmihii Naruurada Ubilaawatay.

Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norwa...
02/04/2024

Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway.

Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway

Fal-celin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay inuu dareemay cabsi xad-dhaaf ah kadib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka, “taasi oo ku noqotay musiibo wayn oo usoo hoyatay.”

Salwan ayaa dhawaan si qarsoodi ah isaga tagay Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaasi, isaggoo ka go’ayna madalaha bulshada sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysto.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrinkaan. Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.

09/10/2023

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa Axaddii ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka.

“Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

“Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas.

“Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo waddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaasha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee Beijing.

Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur argagixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin.

Safaaradda Israel ee Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel.

“Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in Shiinuhu uu taageero iyo garab istaag u fidiyo Israel xilligan adag,” ayay safaaradda ku qortay barteeda X.

Xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Israel ayaa si weyn u ballaartay 30-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay labada dal sameysteen xiriir diblomaasi sannadkii 1992-kii, inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu taagnaa.

Khilaafyada ayaa waxaa ka mid ah kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta la xiriira, xiriirka Shiinaha uu la leeyahay cadawga Israel, sida Iran, iyo welwelka la xiriira amniga ee Israel ee ku saabsan wareejinta teknolojiyadda gaarka ah ee Shiinaha.

Sawirada ugu danbeeyay ee goobta uu qaraxu ka dhacay degmada buulabarde,Warar hor dhac ah oo la helayo aya waxa aay Shee...
28/09/2023

Sawirada ugu danbeeyay ee goobta uu qaraxu ka dhacay degmada buulabarde,
Warar hor dhac ah oo la helayo aya waxa aay
Sheegayan qasarha dhimashada in aay tahay
Ku dhawaad 5 ruux dhaawacuna yahay in ka badan 10

Update: xogo hordhac ah oo aan helnay ayaa shegaya in qaraxa gordhow kadhacay buulo burde uu ahaa gaari laga soo buuxiye...
28/09/2023

Update: xogo hordhac ah oo aan helnay ayaa shegaya in qaraxa gordhow kadhacay buulo burde uu ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Xogtan ayaa shegeysa in qaraxa uudhaliyey qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sida laxaqiijiyey dhimashada ayaa ah 2Askari oo katirsan cidanka CXDS.

Halkan kala soco wixii kasoo kordha. Muraal TV.

Osoite

Turku

Nettisivu

Hälytykset

Tiedä ensimmäisenä ja anna meille oikeus lähettää sinulle sähköpostitse uutisia ja promootioita Abdiqani Osoble :ltä. Sähköpostiosoitettasi ei käytetä muihin tarkoituksiin, ja voit perua milloin tahansa.

Jaa