18/10/2024
XAALADDA SICIR BARARKA & XALALKA II MUUQDA.
Shaqo la’aanta, Sicir bararka iyo Sinnaan la’aantu (ama kala duruga dabaqadaha dhaqaale), waa saddexda mushkiladood ee dhaqaaale ee dal kasta dawladdiisu la taacasho. Waa miqiyaaska laga eego, laguna qiimeeyo hufnaanta, bad-qabka iyo korodhka ama isbeddel ka dhabta ah ee uu sameeyo dhaqaalahu, madaama ay saddexdan qodob yahiin kuwa jaangooya ama turjuma saamaaynta tooska ah ee isbeddellada dhaqaale ku yeeshaan nolosha dadka, heer qof iyo qoysba. Markasta oo ay is raacaan laba kamid ahi waxa loo aqoonsadaa “Dhiig-bax Dhaqaale”. Sidaa darteed waa salka qiimaynta u ah shaqada ay dawladdu ka qabato dhaqaalaha iyo nuxurka doodaha doorashooyinka ee dhammaan dalalka aduunka ee ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi.
Imika Somaliland, sida ka muuqata shaxda hoose, waxa isku raacay sicir barar ba’an oo ku dhacay badi ascaarta asaasiga ah sida, maciishadda, tamarta iyo agab kale ee suuqa yaala badi. Waxa taas weheliya hoos u dhac weyn oo xawli ku socda oo ku yimi sarifka shilinka Somaliland, gaar ahaan muddooyinkan danbe. Iyada oo ay intaa dheertahay yaraansho ama hoos u dhac laga dareemayo suuqa shaqada iyo wax kala iibsiga. Sidoo kale, maadaama culayska ugu badan ee dhaqaale ku dhacayo dan-yarta, waxa kala durug ku iminayaa heerka sinnaanta bulshada (Economic inquality). Waxa intaaa dheer in Somaliland ganacsatadu ay alaabta ku qiimayso Dollar, dabadeed marka ay wax ka iibinayaan qof sida Somaliland shilling, waxa ay ugu dhuuftaan sarrif ay ugu yeedhaan gacanta labaad, taas oo kasii sarraysa sarrifkan kacay, taasina waxay kor usii qaaddaa qiimaha ascaarta lagu iibanayo ama sicir bararka.
Xaaladdani waxay culays dhaqaale oo aad u weyn ku keenaysaa guud ahaan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo gaar ahaan dan-yarta oo ay ku adkaanayso in ay gooyaan quutal daruuriga. Sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa awoodda wax iibsi iyo kala iibsi ee suuqa, taas oo saamayn taban ku yeelanaysa xaddiga dhaq-dhaqaada dhaqaalaha iyo wax kala iibsiga ee suuqa. Arrintani waxa ay horseedi kartaa silsilad taxan oo saamayno is daba socda oo taban leh, haddii aan lagu jabin ama joojin awooddaha dawladnimo ee sixitaanka Khalkhal-ka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha. Walaw Somaliland hannaankeeda dhaqaale ku salaysan yahay suuqa xorta ah, haddana dawladda waxa u furan dhawr siyaasadood oo ay xaaladan ku fara gelin karto si ay u saxdo. Xalalka waxa ka mid ah:
1) Siyaasadda Lacagta (Monetary Policy): in dawladda gaar ahaan Bangiga dhexe fara-galiyo iskuna miisaamo xaddiga lacageed ee suuqa ku jirta, iyada oo la dhimayo xadiga shilinka Somaliland ee suuqa ku jira, Bangiguna soo daayo lacag dollar ah, illaa sarrifka bartiisii lagu celinayo kuna xasilo.
2) Qiimaha Shidaalka: waa in dawladdu daristaa sababta qiimaha shidaalku si gaar ah innoogu kiciyay, si meesha looga saaro caqabad kasta oo arrintaa door ku leh. Sidoo kale waxa daruuri ah in dawladdu adeegsatato fursad kasta iyo tallaabo kasta oo haamaha kaydka shidaalka qaranku ummadda kaga jabin karaan qiimaha shidaalka ee cirka isku shareeray.
3) La Xaajoodka Ganacsatada Waaweyn: waa in dawladda gaar ahaan haayadaha ay khusaysaa kala xaajoodaan ganacsatada waaweyn, sidii ay u dhimi lahaayeen qiimayaasha, gaar ahaan kuwa nolosha iyo ganacsiga daruuriga u ah, tii oo ay dawladdu adeegsanayso fursadaha ay haysato sida cashuur dhimista ama kaabis ay ku samayso adeegyada iyo agabka asaasiga ah.
Dhanka kale, waxa muhiimaah in ganacsatada waaweyni ay ummaddooda u tudhaan, oo haddii ba culaysyo dhab ahi jiraan, ay iyagu qaataan culayska, dammiirkuna shaqeeyo oo ay bulshadooda duruufaha badani haystaan ee itaalka daran, aanay isu dhaafin culays kasta oo dhaqaale oo yimaad. Taasi badelkeedana ay si ehelnimo, islaannimo iyo waddaninimo ba leh u go’aan qaataan. Sidoo kale waxa muhiim ah ay dhugmo gaar ah u yeeshaan oo weliba kabaan shaqaalahooda iyo ganacsatada jeeb yarta ah ee ka hoos shaqaysa.
Ugu danbayn, waxa aan ka digayaa ilduuf kasta oo arrintan ku yimaadda iyo talaabooyin dhanka khaldan loo qaadaa in ay horseedi doonaan, caqabado iyo dhiig baxyo dhaqaale oo bulshada, dalka iyo dhaqaalaheenaba dhaxalsiiya khasaare weyn, Alle k**a dhigo e.
Allaa Mahad Leh.
Roble Abdi Muse
Muse Bihi Abdi la soco qoraalka dhalinyarada
Oct 18, 2024