Somali banana media

Somali banana media Personal blog

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen d...
02/01/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

30/12/2023

Musse billeh 😃 Qosol

Khan Baba oo uu isugu yeedha ninka ugu xoogga weyn Pakistan iyo guud ahaan dunida ayaa raadinaya gabadh uu guursado oo c...
02/06/2023

Khan Baba oo uu isugu yeedha ninka ugu xoogga weyn Pakistan iyo guud ahaan dunida ayaa raadinaya gabadh uu guursado oo culeyskiisa qaadi karta!

Mr.Khan weligii ma guursan, waalidkiisna waxa ay rabaan inuu guursado. Waxa la kulmay oo uu la sheekeystay in ka badan 300 oo gabdhood todobadii ilaa siddeedii sano ee la soo dhaafay balse dhammaantood waa ay diideen, inkastoo misaankoodu ahaa miisaan dhexdhexaad ah. Hadda waxa uu tixgalinayaa inuu helo gabadh misaan culus oo culeyskiisa iska xajjinka karta.

Dheererkiisu waa 1.98 Miters halka culeyskiisuna uu yahay 436 kiilogaram. Xirfaddiisu waa lagdinta waa Youtuber. Waa nin Mulsim ah oo hantidiisa lagu qiyaasay 260 kun oo doolar. Wuxuu cunaa 36 ukun, 4 digaag ah, 3 kiiloogaraam oo hilib cas ah, iyo 5 litir oo caano ah maalintii.

BBC

02/06/2023

FARQIGA U DHEXEEYA HOOYO IYO AABE

Hooyo: waa kuu dhiig-baxdey.
Aabe: waa kuu harraadey.

Hooyo: qalbigeedu waa iskuul.
Aabe: qalbigiisu waa jaamacad.

Hooyo: laabta ayay kugu qaaddaa.
Aabe: dusha ayuu kugu qaadaa.

Hooyo: qalbiga ayay kaala xiriirtaa.
Aabe: caqliga ayuu kaala xiriiraa.

Hooyo: fooshaada ayay leedahay.
Aabe: ab-saxankaaga ayuu leeyahay.

Hooyo: waxay kaala-dirirtaa baahida.
Aabe: wuxuu kaala diriraa rafaadka.

Hooyo: masuuliyad ayay ku saartaa.
Aabe: masuuliyad ayuu kugu abuuraa.

Hooyo: waxay kaa ilaalisaa inaad kufto.
Aabe: wuxuu kaa ilaashaa inaad kiciweydo.

Hooyo: waxay kaa dhigtaa qof hadli kara.
Aabe: wuxuu kaa dhigaa qof fekeri kara.

Hooyo: waxay la oydaa xanuunkaaga.
Aabe: wuxuu la xanuunsadaa oohintaada.

Hooyo: adiga oo jirin ayay ku keentey.
Aabe: adiga oo tabar-yar ayuu ku xoojiyay.

Hooyo: waxay wax kuugu gudbisaa fikrad.
Aabe: wuxuu wax kuugu gudbiyaa ficil.

Hooyo: dhibaatada waa ay kula wadaagtaa.
Aabe dhibaatada xal ayuu u raadiyaa.

Hooyo: jacaylka ay kuu qabto waa mid muuqda.
Aabe: jacaylka uu kuu qabo waa mid qarsoon.

Hooyo: dunida ayay qof-ahaantaada bartaa.
Aabe: adiga ayuu dunida waxay tahay ku baraa.

Hooyo: sagaal bilood ayay caloosha kugu siddaa.
Aabe: inta noloshaada ka hartay ayuu ku isdaa.

Hooyo: la’aanteed waa hilow iyo raxmad la’aan.
Aabe: la’aantiis waa xanaf iyo karaamo la’aan.

Hooyo: waa meesha ay naxariista kaaga imanayo.
Aabe: waa meesha ay xikmadda kaaga imanayo.

Hooyo: waxay kula tacaashaa inta aadan dhibtoon.
Aabe: wuxuu kula tacaalaa marka aad dhibtooto.

Hooyo: haddey diin la’aan tahay nolol kuuma jirto.
Aabe: hadduu go’aan la’aan yahay nolol kuuma jirto.

Hooyo: jacaylka ay kuu qabto indheheedaad ka garataa.
Aabe: jacaylka uu kuu qabo xooggiisaad ka garataa.

Hooyo: geerideeda waxaa lagu fahmaa qiimaha sokorta.
Aabe geeridiisa waxaa lagu fahmaa qiimaha milixda.

Hooyo: waxay ku dadaashaa in aadan baahan.
Aabe wuxuu ku dadaalaa in aad ogaato qiimaha baahida.

Hooyo: fal-celiskeedu waa hooshaarka iyo quruxda nolosha.
Aabe: fal-celiskiisu waa halganka iyo waaqica nolosha.

Hooyo: waxay wax kugu bartaa khibradda ay leedahay.
Aabe: wuxuu wax kugu baraa khibradda aad adigu leedahay.

Hooyo: jacaylkeeda waxaad garanaysaa maantaad dhalato.
Aabe: jacaylkiisa waxaad garanaysaa maantaad waalid noqoto.

Hooyo: markay ku cayaarsiinayso, naftaada ayay farxad-gelisaa.
Aabe: markuu ku cayaarsiinayo, naftiisa ayuu farxad geliyaa.

Hooyo: waa muraayad aad ka aragto quruxda iyo dhamaystirka.
Aabe: waa muraayad aad ka aragto waaqica iyo dadaalka.

Hooyo: waxay ku brtaa sidii labada lugood aad ugu socon lahayd. Aabe: wuxuu ku baraa sidii nolosha aad ula socon lahayd.

Hooyo: wanaagga ay kuu qabto waa ka gumuc wayn-yahay badda moolkeeda.
Aabe: wanaagga uu kuu qabo waa ka qari wayn-yahay buuraha dhaadheer.

Hooyo: waxay dhawaaqdaa marka ay ku foolanayso adiga oo aanan maqlayn.
Aabe: wuxuu dhawaaqaa markaas dabadeed adiga oo maqlaya.Eebow u naxariiso oo u denbi-dhaaf dhamaan waalidiintaya.

Qore: Dr. Saadiq Enow
[email protected]

Waa wiil soomaaliyed 🇸🇴  waxa jilbaha dhulka u dhigtay  gabadh u dhalatay wadanka norway 🇳🇴 Adi ma ka aqbali lahayd  mis...
02/06/2023

Waa wiil soomaaliyed 🇸🇴 waxa jilbaha dhulka u dhigtay gabadh u dhalatay wadanka norway 🇳🇴

Adi ma ka aqbali lahayd mise waa diidi lahayd

Farax is not easy 😕 😒

Galaha wasiirada AMERICA 🇺🇸 IYO KUWA SOMALIA 🇸🇴 America waa 52 state Somalia 6 State Iyo Muqdisho Waa maxay shaqada ay Q...
01/06/2023

Galaha wasiirada AMERICA 🇺🇸 IYO KUWA SOMALIA 🇸🇴
America waa 52 state
Somalia 6 State Iyo Muqdisho
Waa maxay shaqada ay Qabtaaan wasiirada intaaas leeg ?????

Soomaalida oo gaalaa-bixi doonta Bariga Afrika.Uma baahan doontid dal-ku-gal dalalka;Burundi, Kenya, Rwanda, Uganda iyo ...
01/06/2023

Soomaalida oo gaalaa-bixi doonta Bariga Afrika.

Uma baahan doontid dal-ku-gal dalalka;Burundi, Kenya, Rwanda, Uganda iyo Tanzania.

Waa mid ka mid ah faa'iidada ku biirista Somalia ee Ururka EAC oo caawa la aqbalay codsigeeda.

01/06/2023

Dadka Caqliga badan ma saaxiibo badno, waayo marwalbo uu caqligaaga sii kordho saaxiibadaaduna waa ay sii yaraanayaan, dadkuna ma jecla qofka caqliga badan, hadaba hadii aad saaxiibo yartahay ogow inaad tahay qof caqli badan.

Sawirku Waa 1936 Villa Soomaaliya - Waagii h**e Waxaa loo Yaqaanay (Villa Vicereal Mogadiscio) 1960meeyadii Waxay Noqota...
01/06/2023

Sawirku Waa 1936 Villa Soomaaliya - Waagii h**e Waxaa loo Yaqaanay (Villa Vicereal Mogadiscio) 1960meeyadii Waxay Noqotay Villa Soomaaliya Xaruntii Madaxweynaha. Sawirada Hoos Dhanka Comment ka fiiri

Qof aad taqaanid codkiisa caadiga ah haddii laguu soo diro, oo dhageyso wuxuu dhahayo aragna lagu dhaho, 100% ha iska aa...
01/06/2023

Qof aad taqaanid codkiisa caadiga ah haddii laguu soo diro, oo dhageyso wuxuu dhahayo aragna lagu dhaho, 100% ha iska aaminin, xataa codka haddii uu kiisii cml u dhawaaq egyahay.

Sanadkaan hadda la joogo waa sahal in cod qof kale si sahal ah loo isticmaalo ayadoo la isticmaalayo computerada iyo aaldahan caqliga macmalka ah leh.

Qofkana wuxuu rabo inuu sheegayo ayaa lagaaga dhigi karaa.

Tusaalaha ugu yar ayaa waxay tahay, inaan aniga ku tijaabiyay computerka codka gabar yar oo aan dhalay oo 5 sano jir ah inuu kayga cml u bedelo, ilbiriqsiyo gudahoodana hadalkii ay dhahaysay inaan aniga dhahay oo kale ayuu ka dhigay, inkastoo weli hormarin ay rabaan computerada, lkn heerka ay marayaan waa mid shaki badan abuuri kara waxyaabaha qaar.

Marka iska hubi wax walboo laguu sheego ama laguu keeno, qofka afkiisana aadan ka maqlin.

Maalin wanaagsan 😊by

Maku soo gaartay qeybta cusub ee WhatsApp Locked Chat, oo ah qeyb aad ku qarsan kartid wada sheekeysidaada qaar Password...
01/06/2023

Maku soo gaartay qeybta cusub ee WhatsApp Locked Chat, oo ah qeyb aad ku qarsan kartid wada sheekeysidaada qaar Password ama fartaadana ku xiran kartid ama ku furan kartid?

Wada sheekeysigii iyo magaca qofka xataa aad toos u qarsan kartid, hadhowna adiga un bes soo saari kartid.

Aniga shalay ayay isoo gaartay.
Waana qeyb cusub, dadka WhatsAppyada aanan asalka ahayn isticmaala, sida WhatsApp GB iwm k**a hadlayo.

Maalin wanaagsan

Adresse

Paris

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Somali banana media publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Partager