Somali Fex

Somali Fex Wararka Soomaaliya iyo caalamka oo degdeg ah, sax ah, ahna madax-bannaan.

31/01/2026

Colaadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran ayaa qarka u saaran in ay foodda is daraan.

Somali Fex



Diyaarad casri ah oo laga leeyahay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Madaxweynaha & Raysal wasaaraha Soomaaliya ka soo ...
18/01/2026

Diyaarad casri ah oo laga leeyahay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Madaxweynaha & Raysal wasaaraha Soomaaliya ka soo qaaday magaalada Laascaanood ka dib 3 maalin oo ay u joogeen caleema-saarka madaxda maamulka Woqooyi-bari.

Somali Fex



Degdeg:  Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay shirkado ay leeyahay Imaaraadka Carabta, kuwa...
16/01/2026

Degdeg: Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay shirkado ay leeyahay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo lagu eedeeyay inay taageero siiyaan kooxda Xuutiyiinta.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, tallaabadan waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo maalgelinta iyo taageerada dhaqaale ee kooxaha hubeysan ee khatar ku ah amniga gobolka.

Cunaqabateyntan ayaa saameyn doonta ganacsiyada iyo hay’adaha la xiriira shirkadahaas, iyadoo la filayo inay dhaliso isbeddel siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhexeeya Mareykanka iyo Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaato arintaan ayaa u muuqda in uu soo gabagaboobay isbahaysigii imaaradka iyo mareekanka.

Somali Fex

**aanta


Telefishinka dowladda Iiraan ayaa baahiyay sawir muujinaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo ay la socotay fa...
16/01/2026

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa baahiyay sawir muujinaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo ay la socotay farriin hanjabaad ah oo oraneysa in “markan bartilmaameedka aan la seegi doonin”. Warbixintan ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta caalamka, waxaana soo xigatay wakaaladda wararka ee Agence France-Presse (AFP).

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo h**e, xilligii ololaha doorashada ee Donald Trump, la isku dayay in la waxyeelleeyo ama la beegsado, balse uu ka badbaaday. Sidaas darteed, farriintan cusub ayaa loo arkaa mid daba socota dhacdooyinkaas h**e, isla markaana sii xoojinaysa cabsi iyo walaac dhinaca ammaankiisa ah.

Sawirka Trump oo ay hareer taagan yihiin ilaalada ammaanka, kana muuqday telefishinka rasmiga ah ee Iiraan, ayaa loo fasiray farriin siyaasadeed oo si toos ah u taabanaysa xiriirka cakiran ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, gaar ahaan khilaafaadkii soo jiitamayay sannadihii u dambeeyay.

Illaa iyo hadda, wax jawaab rasmi ah k**a soo bixin Donald Trump ama dowladda Mareykanka, balse falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in hanjabaaddan ay sii hurin karto xiisadda diblomaasiyadeed, isla markaana saameyn ku yeelan karto amniga iyo siyaasadda caalamka.

Somali Fex



**aanta

16/01/2026

Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Caasimada Midnimada ee Laascaanood .



16/01/2026

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Fiqi oo ku dhawaaqay in la dhisayo Awdal state .

Somali Fox



15/01/2026

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u diray ciidan si ay u difaacaan jasiiradda Greenland 🇬🇱, taas oo Trump doonayo inuu qabsado.




Ciidamada Denmark ayaa h**e u gaaray jasiiradda Greenland, halkaas oo ay ka bilaabeen diyaar-garow iyo tababaro millatar...
15/01/2026

Ciidamada Denmark ayaa h**e u gaaray jasiiradda Greenland, halkaas oo ay ka bilaabeen diyaar-garow iyo tababaro millatari oo la xiriira amniga gobolka. Ilo-warbaahineed ayaa sheegaya in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo difaaca jasiiradda, maadaama ay leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo caalami ah.

Sidoo kale, Faransiiska ayaa ku biiroay howlgalkan, iyadoo ay la filayo ciidamo ka kala imaanaya Germany iyo Ingiriiska. Wadamadaasi waxay qorsheynayaan inay Greenland ka sameeyaan dhoolla-tus millatari iyo tababaro wadajir ah oo muujinaya iskaashi amni oo xooggan.

Ujeeddada ugu weyn ee dhaqdhaqaaqan ayaa ah in la muujiyo in jasiiradda Greenland ay leedahay awood difaac oo la isku halayn karo, isla markaana la tuso Mareykanka iyo beesha caalamka in gobolka uu yahay mid si buuxda loo ilaalin karo.

Somali Fox



15/01/2026

Caasimada midnimada Laascaanood oo muujisay awood.


Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkaysanaya mowqifkiisa ku aaddan in Mareykanku qaado tallaabo militari oo ka dhan ah Ir...
14/01/2026

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkaysanaya mowqifkiisa ku aaddan in Mareykanku qaado tallaabo militari oo ka dhan ah Iran, inkasta oo ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku saabsan in la dejiyo xiisadda sii kordhaysa ee Bariga Dhexe.

Dowladda Washington waxay ku doodeysaa in weerarkaasi uu la xiriiri doono danaha amniga Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka.

Waddamada Khaliijka oo uu hoggaaminayo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa si cad ugu sheegay Mareykanka in ay ka soo horjeedaan in hawada dalalkooda loo adeegsado weerar lagu qaado Iran.

Sacuudiga ayaa si gaar ah u caddeeyay in haddii Mareykanku ku adkaysto weerarka, uusan sinaba u adeegsan doonin hawada Sacuudiga ama kaabayaashiisa militari.

Tallaabadan Sacuudiga ayaa muujinaysa isbeddel istaraatiiji ah oo ku yimid siyaasadda gobolka, iyadoo Riyadh ay u muuqato inay dhabarka u jeedisay Mareykanka iyo qaar ka mid ah xulafadiisa reer Galbeedka.

Sacuudiga ayaa xoojinaya iskaashi dhow oo ay la leedahay quwadaha soo kacaya sida Shiinaha, Pakistan, iyo Ruushka kuwaas oo loo arko awoodo caalami ah oo xakameyn kara saameynta Mareykanka ee caalamka.

Isbeddelkan siyaasadeed wuxuu dhalin karaa saameyn ballaaran oo ku saabsan isu dheellitirka awoodaha Bariga Dhexe, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya quwadaha waaweyn iyo dalalka Khaliijka.

Somali Fox




13/01/2026

Duqow asxaabtiisa oo h**ey dil u geystay ayaa iyagoo baxsad ah, lagu toogtay tuulo hoos timaadda deegaanka Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Somali Fox


13/01/2026

Ciidamada PSF ee Puntland oo ka horyimid Madaxweyne Deni, kuna biiray howlgalladii Gobalada Waqooyiga Soomaaliya .

Somali Fox




Adresse

Paris
75000

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Somali Fex publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Partager