Xogshiil News

Xogshiil News Hoyga Wararka Somalia, Geeska Africa & Caalamka.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa shirkii dhawaan lagu qabtay Morocco ka...
01/12/2025

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa shirkii dhawaan lagu qabtay Morocco ka jeediyay hadal si weyn uga dhex muuqday goobta, kuna adkeystay in Soomaaliya aysan doonayn caawimo, balse ay raadineyso iskaashi dhab ah iyo maal-gashi lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka. Hadalkan ayaa ka mid noqday hadallada ugu miisaanka culus ee laga maqlo madaxda Soomaaliya muddo ku dhow 35 sano.

Mudane Hamza Abdi Barre ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiye ka duwan madaxda dalka soo maray, isagoo ku caanbaxay akhlaaq wanaagsan, faham diimeed, iyo jiheyn ku dhisan dowlad-wanaag iyo daacadnimo. Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa rumeysan in Hamza uu leeyahay geesinimo hoggaamineed iyo caddeyn hadal oo ka tarjumaysa aragti qaranimo iyo gobannimo.

Aragtidan ayaa sii xoogeysanaysa maadaama falalka iyo hadallada Raysal Wasaaruhu ay ka tarjumayaan hoggaamiye leh hami siyaasadeed oo sarreeya, isla markaana mudan in loo arko shaqsi u qalma hoggaaminta dalka heerka ugu sarreeya, haddii si caddaalad leh loo qiimeeyo xaaladda siyaasadeed ee maanta.

  Hadalka uu jeediyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre  waxa jiraan dad hoos gabanaya oo isu muujinaya inay weli “kacaa...
27/11/2025



Hadalka uu jeediyay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre waxa jiraan dad hoos gabanaya oo isu muujinaya inay weli “kacaankii” xurmo u hayaan, balse dhab ahaantii ka tirsan kuwii diidanaa dowladnimadii Soomaaliya. Kuwo badan oo ka mid ahi waxay u arkaan hadalkiisa fursad siyaasadeed oo ay ku gaadhi karaan kursiga Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale, bulshada qaarkeed ayaa lagu arkaa dareen sahlan oo si fudud loogu kiciyo marka ay arkaan qof la weerarayo; iyagoon is weydiin sababta dhabta ah ee arrinta keentay. Waxaa caado noqotay in haddii qof lagu maago, in dad badan ay si toos ah ugu biiraan dhaleeceynta, iyagoon eegin xaqiiqada ama macnaha guud.

Haddaba, su’aasha muhiimka ah waxay tahay: Maxay tahay “xumaanta” uu Xamse ka sheegay kacaankii?
Haddii uu yiri “kacaanku wax wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed uga tagay ma jirin,” runtii waa dood furan, waana aragti siyaasadeed oo qof kasta xaq u leeyahay inuu ka hadlo. Laakiin su’aashu ma aha mid ku saabsan qiimeynta kacaankii keliya.

Waxaa muuqata in hadalka lagu haysto Ra’iisul Wasaaraha uusan ahayn aragtidiisa ku aaddan kacaanka, balse ay jiraan dad isweydiinaya sidee adiga oo Ogaden ah ugu noqotay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya?

Qofkii garasho iyo fikir qoto dheer leh wuu fahmi karaa arrinta. Kan aan fikirinina wuxuu raacayaa dhinaca dabaysha iyo durbaanada loo tumo, iyada oo aanu is weydiinin halka ay dhab ahaantii u socdaan.



War deg deg ah Turkiga oo Mamnuucay Diyaaradaha Israa’iil iyo Dhisaya Goobo Gabbaad Dhulka HoostiisaAnkara – Dowladda Tu...
29/08/2025

War deg deg ah Turkiga oo Mamnuucay Diyaaradaha Israa’iil iyo Dhisaya Goobo Gabbaad Dhulka Hoostiisa

Ankara – Dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabooyin culus oo ka dhan ah Israa’iil, kadib markii hay’adda sirdoonka ee dalkaasi ay soo jeedisay in la dhiso xarumo gabbaad oo dhulka hoostiisa ah si looga hortago khataraha suuragalka ah.

Go’aannada Ankara waxay sidoo kale ku jiraan in si buuxda loo mamnuuco isticmaalka hawada Turkiga ee diyaaradaha Israa’iil, halka maraakiibta ganacsiga ee dalkaasi laga reebay inay ku xidhmaan dekedaha Turkiga.

Tallaabooyinkan ayaa loo arkaa kuwo muujinaya diyaar-garow ballaaran oo Ankara ay uga jawaabayso xiisadda sii kordhaysa ee ka dhex aloosan gobolka. Khubaro siyaasadeed ayaa saadaalinaya in haddii xaaladdu kasii darto, dagaal toos ah oo dhexmara Turkiga iyo Israa’iil uu noqon karo dhamaadka saamaynta maamulka Zionist-ka ee gobolka.


Waxaa bogaadin mudan geedi socodka kobcinta midnimada Qaranka.Is-aragga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaal...
26/08/2025

Waxaa bogaadin mudan geedi socodka kobcinta midnimada Qaranka.

Is-aragga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sayid Xamsa Cabdi Barre, iyo Aayatulaahi Suldaan Wabar oo ka socda gobolka Awdal, wuxuu astaan cad u yahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan wuxuu si dhab ah uga tarjumayaa mowqifka dowladda Federaalka ee ku aaddan qodobka 2-aad ee Qaraarka Golaha Wasiirrada ee 27-ka Juun 2024, kaasoo si cad u qeexaya in gooni goosadku yahay khatar weyn oo lid ku ah jiritaanka iyo midnimada dalka.

Suldaan Wabar wuxuu u taagan yahay hal-abuur iyo astaan mideyn, halka Ra’iisul Wasaaruhuna hoggaaminayo dadaalka dowlad dhis iyo difaaca qarannimada Soomaaliyeed. 🇸🇴☝🏻


War Degdeg ah: Doorashada Madaxtooyada Waqooyi Bari State oo lagu Wada Qabto Maalinta KhamiistaGuddiga Doorashooyinka Wa...
25/08/2025

War Degdeg ah: Doorashada Madaxtooyada Waqooyi Bari State oo lagu Wada Qabto Maalinta Khamiista

Guddiga Doorashooyinka Waqooyi Bari ayaa shaaciyey in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Waqooyi Bari lagu qaban doono maalinta Khamiista ee soo socota.

Sida ay tilmaameen shuruudaha tartanka, musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha waxaa laga doonayaa inay bixiyaan $30,000, halka musharrixiinta dumar ah looga baahan doono $15,000.

Dhanka kale, musharrixiinta Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa isna laga doonayaa inay bixiyaan $20,000, iyadoo haweenka musharrixiinta ah laga doonayo $10,000.

Go’aankan ayaa qayb ka ah habraacyada lagu hagaajinayo tartanka doorashada, iyadoo lagu doodayo in lacagahan ay kaalin ku leeyihiin nidaaminta musharrixiinta iyo yareynta tirada tartamayaasha. Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay dood iyo falcelin xooggan oo ku saabsan saamaynta dhaqaale ee musharrixiinta, gaar ahaan dhanka haweenka iyo dadka dhaqaale ahaan ku yar.


Wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee sheegaya in Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Puntland ay is-dhiibtay dalka...
23/08/2025

Wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee sheegaya in Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Puntland ay is-dhiibtay dalka Talyaaniga iyadoo magangalyo dalbanaysa, weli lama xaqiijin. Ma jiraan ilo rasmi ah ama warbaahin madax-bannaan oo arrintan si cad u xaqiijisay. Sidaas darteed, warkaasi hadda waa mid aan la hubin.


War deg deg ahDr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaa...
23/08/2025

War deg deg ah

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya. Doorashadiisa waxaa loo arkaa mid astaan u ah saamaynta dowladda federaalka oo musharixiinta qaar si buuxda u taageeraysay. Guusha Dr. Aadan ayaa loo fasirayaa inay hordhac u tahay natiijada doorashada Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, iyadoo fursad badan loo arko in musharaxa dowladda federaalka ay taageerto uu markale guuleysto, halka Madaxweynaha xilka haya, Firdhiye, la filayo inuu wajahayo tartan adag.


Waxa la ii sheegay in Sh Xasan Turki waagii Dhoobley uu joogay uu xukun dil ah ku riday Mr. Haldhaa, laakin uu Kenya u b...
11/08/2025

Waxa la ii sheegay in Sh Xasan Turki waagii Dhoobley uu joogay uu xukun dil ah ku riday Mr. Haldhaa, laakin uu Kenya u baxsaday. Axmed Madoobana ma arki karo. Maalmahan buu Xamze caydiisa waxtar uga dhigaa. Waa Ceebtii oo qof ah.

Kasoo dhex saar Axmed Madoobe sawirada hoose.
11/08/2025

Kasoo dhex saar Axmed Madoobe sawirada hoose.

Address

Birmingham

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogshiil News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogshiil News:

Share