Gureey Hirsi

Gureey Hirsi Wellcome wanaaggu ha waaro

Waa talo iyo aragti uu horay usoo jeediyay Fahad Yaasiin , Taliyihii hore Nisa.
01/10/2025

Waa talo iyo aragti uu horay usoo jeediyay Fahad Yaasiin , Taliyihii hore Nisa.

Odaygii Ahmed ahaa wali Nairobi buu joogaa, Khayre iyo CC Warsamana in ay halkaa tageen baa la sheegayaa  odaygna talo i...
01/10/2025

Odaygii Ahmed ahaa wali Nairobi buu joogaa, Khayre iyo CC Warsamana in ay halkaa tageen baa la sheegayaa odaygna talo iyo aragti ku biiriyeen ayagoo madasha ka wakiil ah.

Safarkii Madaxwaynaha ee bari Kismaayo inuu dib udhacay baa la waraniyaa.

Saacadihii u danbeeyay wax yaaba badan baa dib isku fur furay.

Kirana waa lagu jiraa , dhulkii Wasaaradaha waa la beecinaa si loo musuqo.
30/09/2025

Kirana waa lagu jiraa , dhulkii Wasaaradaha waa la beecinaa si loo musuqo.

Dagaalkii waa dhamaaday, laakiin kaftankii ma dhamaan.
30/09/2025

Dagaalkii waa dhamaaday, laakiin kaftankii ma dhamaan.

Puntland ayaa qisaas ku fulisay Deeq Cabdul Cawil oo maxkamad ku xukuntay dil, kaddib markii lagu helay dembiga ah inuu ...
30/09/2025

Puntland ayaa qisaas ku fulisay Deeq Cabdul Cawil oo maxkamad ku xukuntay dil, kaddib markii lagu helay dembiga ah inuu dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil Xaaji Aadan oo uu ku dhex dilay goobtiisa ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo, 15-kii Febraayo 2024.

Qisaasta ayaa saaka ka dhacday magaalada Bosaso.

Dhimmo adigoo xaqa ku taagan.Waxaa jirto sheeko caan ah  oo la yiraa sheekadiii Diiqa.Diiqu sida caadada ah, aroor kasta...
30/09/2025

Dhimmo adigoo xaqa ku taagan.

Waxaa jirto sheeko caan ah oo la yiraa sheekadiii Diiqa.

Diiqu sida caadada ah, aroor kasta ayuu qayliyaa xilliga salaadda subax.

Ninkii Diiqa lahaa ayaa dhibsaday Qayladii Diiqa.

Diiqii ayuu la hadlay asagoo ku leh
'' haddaad mar danbo qayliso ogow waa ku qalayaa''

Diiqii wuxuu ku fikiray inuu naftiisa bad baadiyo, asagoo leh kaligaa Dunida diiiq kama joogtid, lama waynaayo Diiqaq kale oo oo aroortii qayliya dadka toosiya.
Sidii buu sameeyay Wuuna iska aamusay.

Todobaad kadib waxaa u yimid ninkii oo dalab kale wata'' Waa inaad sidoo doorada /digaagadda u qaylisaa wixii hadda ka danbeeya ,,

Diiqii mar kale wuxuu qaatay go 'aan ah inuu naftiisa bad baadiyo amarka la siiyayna fuliyo , wuxuu iska dhex galay Doorooyinkii asagoo sidoodii u qaylinaa.

Mar kale ninkii ayaa ku soo laabtay asagoo dalab kale wata '' waa inaad ukun ii dhashaa maalin kasta sida doorada /digaagadda oo kale ,,

Halkaan markii arrimtu soo gaartay ayuu diiqiii billaabay inuu iska oooyo , asagoo ku calaa calaa '' ii wacnaan lahaydaa inaad iska dhinto anigoo xaqa ku addimaa, halkii aan noolaan lahaa anigoo isku dayaa inaan ukun dhalo anigoo naftayda u baqaa,,

Maxay tahay Xikmadda ku jurto sheekadaan?
Xaqa ku taagnoow, xataa haddii uu kugu kacaa halis.

Diiqii markii hore wuxuu lahaa shaqo iyo kaalintiisa dabiiciga ah: qaylinta aroorta oo dadka baraarujisa.

Markii uu cabsi darteed iska aamusey, wuxuu lumiyay qiimihiisa iyo macnaha jiritaankiisa.

2. Mar kasta tanaasulku wuu sii fidaa

Diiqii markii uu aamusay, wuxuu filayay inuu badbaado ku heli doono.

Laakiin dalabyo kale ayaa daba socday: inuu sida doorada u qayliyo, ugu dambeyna inuu ukun dhalo.

Taasi waxay muujinaysaa in qofka marka uu ka tago hal mabda’ oo xaq ah, cadaadiska iyo dulmigu mar walba sii badanayaan.

3. Noloshu qiimo ma leh haddii aad naftaada ku xadgudubto.

Ugu dambeyntii diiqii wuxuu gar waaqsaday in ay wanaagsanaan lahayd inuu dhinto isagoo xaqa ku taagan, halkii uu noolaan lahaa nolol sharaf iyo macne ka madhan.

Ahmed Madoobe , markii labaad buu odayga siyaasad ahaan iyo militry ahaanba u legday.
28/09/2025

Ahmed Madoobe , markii labaad buu odayga siyaasad ahaan iyo militry ahaanba u legday.

Waa madaxwaynaha oo dhibsaday muuqaallo iyo codad laga sameeyay, laakiin dareen iyo damqasho uma haayo ilmaha agoonta ah...
27/09/2025

Waa madaxwaynaha oo dhibsaday muuqaallo iyo codad laga sameeyay,

laakiin dareen iyo damqasho uma haayo ilmaha agoonta ah, waayeelada iyo dadka taagta darran ee uu cagafta ku xaaqaa, boobaa oo uu barakicinaa.

Waa bar madoow oo taariikhda Doowladnimadayna ku taal.
27/09/2025

Waa bar madoow oo taariikhda Doowladnimadayna ku taal.

Shan arrin Madasha mucaaradka waa u GUUL.- In markii ugu horreeysay mucaarad ay Dowladda Federaalka kaga horyimaadaan wa...
27/09/2025

Shan arrin Madasha mucaaradka waa u GUUL.

- In markii ugu horreeysay mucaarad ay Dowladda Federaalka kaga horyimaadaan wax aan siyaasad ama doorasho aheyn balse shacab dhibaateysan oo la garab istaagayo ay tahay, mucaaradka waa u GUUL.

- In iyadoon wax bannaanbax uusan dhicin Dowladda Federaalka ay culeys maskaxeed iyo mid bulsho ay dareento, mucaaradku waa u GUUL.

- In qof ama dad laga yaabay in maanta ay dhiman lahaayeen ama dhaawac soo gaari lahaa la baajiyay na, mucaaradku waa u GUUL.

- In haddii ay dhacdo in wadahadallo horleh ay mucaaradka la galaan Dowladda Federaalka, Villa Somalia iyadoo intii hore ka nugul ay miiska soo fariisatana, mucaaradku waa u GUUL.

- In haddii mucaaradka ay ku adkeysan lahaayeen dibadbaxa in uu dhaco, dadkii la filayay na aysan soo bixin ( ama dowladda waddooyinka haka xirto ama tiradii la rabay ba aysan soo bixin) Madashu waxay ku noqon laheyd weji-gabax, in dibadbaxa uu baaqday na, mucaaradku waa u GUUL.

Xigasho : Bashir Mohamed Caato

Adresse

Trondheim

Varslinger

Vær den første som vet og la oss sende deg en e-post når Gureey Hirsi legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formål, og du kan når som helst melde deg av.

Del