Hiddo Tv

Hiddo Tv Arag TV

27/09/2025

Sareeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi oo Bristol lagu soo dhaweeyay

24/09/2025

Safiirka Soomaaliya ee UK oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol.

07/08/2025

Caaqil Axmed Cabdi Sugulle ayaa ka hadlay wax qeybsiga maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ee lagu dhisayo Laascaanood. Wuxuu dowladda federaalka ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto oo ay taageerto caddaalad. Ergada uu metelona wuxuu ugu baaqay inay shirka ka baxaan haddii aan si cadaalad ah loo wadaagin maamulka.

13 July, 2025 – Casho Sharaf Soo-dhaweyn AhMagaalada Bristol ee dalka UK waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Dr. Ahmed...
14/07/2025

13 July, 2025 – Casho Sharaf Soo-dhaweyn Ah

Magaalada Bristol ee dalka UK waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Dr. Ahmed Faghi Elmi, guddoomiyaha Ururka Sagal oo xaruntiisu tahay magaalada Teisete ee dalka Talyaaniga.

Xafladda casho sharafta ahayd waxaa ka soo qeybgalay wafdi ka kala yimid magaalooyinka London iyo Birmingham, iyo sidoo kale hoggaanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol.

Markii ay dhammaatay soo dhaweynta iyo mahadnaqa, waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Prof. Abdulqaadir Ruumi, oo warbixin ka bixiyay Dr. Ahmed Faghi Elmi iyo shaqada muhiimka ah ee uu ka hayo dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta bulshada.

Dr. Ahmed ayaa bulshada Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay in aysan sugin cid kale oo badbaadisa dadkooda iyo dalkooda, balse ay iyagu u istaagaan sidii ay isugu tashan lahaayeen una daryeeli lahaayeen mustaqbalkooda.

Ugu dambeyn, Abdul Sheikh Hussein, oo ka wakiil ahaa bulshada Soomaaliyeed ee Bristol, ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Dr. Ahmed Faghi Elmi, isaga oo ku amaanay doorka muuqda ee uu ka qaadanayo horumarinta iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed.

Sayid Ali Aseyr
Hiddo TV – Bristol, UK

11/07/2025
July 10, 2025 - Bristol, UKMunaasabad muhiim ah oo looga hadlayay badqabka iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed ayaa lag...
11/07/2025

July 10, 2025 - Bristol, UK

Munaasabad muhiim ah oo looga hadlayay badqabka iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Bristol ee dalka UK. Kulankan waxaa soo qabanqaabiyay ururka Barton Hill Activity Club, oo ah urur ay ku mideysan yihiin waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeyb galay waalidiin Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socday ururada bulshada ka shaqeeya, si gaar ah kuwa u dooda xuquuqda iyo danaha carruurta. Waxaa goobta ka dhacay dood furan oo ku saabsan caqabadaha haysta carruurta Soomaaliyeed ee ku koraya UK iyo sidii waalidiintu u heli lahaayeen taageero joogto ah oo ay carruurtooda ugu difaaci karaan dhibaatooyinka suurtagalka ah.

Intii doodda socotay, waxaa lagu heshiiyay in loo midoobo badbaadinta carruurta, iyadoo la adeegsanayo isku-duubni, wacyi gelin, iyo xiriir joogto ah oo u dhexeeya waalidiinta iyo hay’adaha la shaqeeya. Waalidiinta ayaa si weyn u muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo madal ay ku wada hadlaan, isku war hayaan, ugana wada shaqeeyaan danta guud ee carruurtooda.

Ugu dambeyn, ururka Barton Hill Activity Club ayaa uga mahadceliyay waalidiinta sida wanaagsan ee ay uga qeyb galeen kulankan muhiimka ah. Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in la sii wadi doono kulamada noocan ah si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya waalidiinta iyo bulshada inteeda kale.

Waxaa la isla gartay in waalidiintu yeeshaan xiriir joogto ah si wax looga qabto dhibaatooyinka iyo baahiyaha carruurtooda.

02/07/2025

Abuukaate Turunje oo ka hadlay Sagootintii Dr Dayib Shekh Mahamuud

01/07/2025

Magaalada Birmingham ee Uk ayaa lagu qabtay Munaasabadda xuska 26-ka June iyo 1da Luuliyo

Magaalada Birmingham waa  magaalomadaxda labaad ee  dalka  Ingiriiska. Magaaladan waxay  hooy u noqotay Soomaali badan, ...
01/07/2025

Magaalada Birmingham waa magaalomadaxda labaad ee dalka Ingiriiska. Magaaladan waxay hooy u noqotay Soomaali badan, oo ka soo guurtay dalalka Yurub.

Haddaba, waxaa xalay lagu qabtay xaruunta Zymal Banqueting xaflad ballaaran oo lagu xusayay 65 guurada ka soo wareegatay hanashadii gobonnimada ee bulshada Soomaaliyeed.

Xafladdan waxaa soo abaabulay ururka Soomaalinnimo UK , oo ay ku midaysan yihiin dhallinyarada. Waxaa qaddarin mudan in xafladdii xalay ay ka soo qayb galeen marti isugu jirtay Soomaali iyo shisheeyaba. Ugu horrayn, waxaa xafladda furay safiirka DFS ee dalka Ingiriiska Dr Abdirashid Xaashi, oo bogaadiyay xuska curashadii gobonniimada ee sanadkii 1960. Madaxa ururka Soomaalinnimo Ayan Aden ayaa ka hadashay ujeedada xuska gobonnimada.

Komiishanka Booliska ee gobolka West Midlands Simon ayaa isna soo gubiyay hambalyo iyo bogaadin la xiriirta xuska gobonnimada. Dhanka kale, waxaa iyana qaddarin mudan in jaalliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Birmingham ay xalay shahaaddo sharaf guddoonsiiyeen Dayib Maxamad Sheekh, oo ahaa safiir ku xigeenks DFS ee dalka Ingiriiska. Waxaa la tilmaamay in Dayib Maxamad Sheekh muujiyay howlkarnimo la xiriirta horumarinta safaaradda DFS ee dalka Ingiriiska.

Intii xafladdu socotay waxaa iyana xafladda ka hadlay guddoomiyaha golaha qurbojoogta Soomaaliyeed Jawaahir Daahir , Prof Cabdulqaadir Ruumi, oo ah wakliilka Akadeemiya Goboleedka af Soomaaliga ee dalka Ingiriiska iyo Miski Xaaji Cumar. Waxaa iyana xusid mudan in Muxyadiin Xuseen Ciid iyo Ibraahim Xersi ay xafladda ku soo bandhigeen gabayo xul ah.

30/06/2025

Xaflad loogu Sagootinayay Dayib M. Sheikh-Ahmed oo ah – La-taliyaha 1aad ee Safaaradda UK, ahna Safiir ku Xigeenka ayaa lagu qabtay magaalada London

20/06/2025

Prof. Abdulkadir Ruumi oo ka warbixiyay Shirka Soomaaliya iyo Mustaqblka ee ka furman Magaalada Trieste ee Talyaaniga

19/06/2025

Safiirka DFS ee Midowga iyo Benelux
Oo ka warbixisay Shirweynaha Soomaaliya
Iyo Mustaqbalka 16-17 Juun 2025
Trieste Italy

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiddo Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hiddo Tv:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share