19/08/2024
Qoryahan uu mid ka mid ah wato taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland waxaa loo yaqaana Counter drone jammer RPAS waana qori ku shaqeeya Laser Beam, waxaana loogu tallo gallay inuu khadka ka saaro diyaaradaha Droneska ah ee weeraradda gaysta.
Qorigani CDJ loo yaqaano waxaa uu ku xidhan yahay qallab iskugu jira raadal, hagayaasha danabaysaan (Navigation signals).
Waxaa loogu tallo gallay inay soo ridaan diyaaradaha drones nooca gantaalaha tuura, kuwa ismidaamiska ah iyo wax lagu basaaso, waxaana ay ku sameeyan iyagoo khal-khaliya (Jammer) GPS ay drones ku socdaan.
Qoryahan casriga ah oo Somaliland yimid markii ugu horaysay, isla markaana tiro kooban oo dalalka Afrikaanka ahi ay haystaan ayaa waxaa haysta unugyo ay ka mid yahiin kuwa ilaalada madaxtooyada, iyo unugyo ka tirsan ciidanka qarranka oo maamuli doonta diyaaradaha droneska.
Waxa qoray Mohammed Abdi Hassan Diridhaba